
Somali Public Agenda
July 16, 2026
E76. Nooca Doorashada ee Nabad & Nolol iyo Wada-xaajoodyada Doorashooyinka Soomaaliya
Bishan Luulyo, waxaa mar kale Muqdisho ka bilowday shirar heer farsamo ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka. Shirarkan waxaa garwadeen iyo dhexdhexaadiyeyaal ka ah beesha caalamka, gaar ahaan Turkiga, Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saddex kooxood oo mucaarad ah ayaa kulamadan ku soo bandhigay aragtidooda ku aaddan hannaanka doorashooyinka, iyadoo dhinac walba uu soo bandhigay nooca doorashada ee uu doorbidayo.
Qeybta 76-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Mohamed Abdirazak, oo hoggaaminaya guddiga wada-hadallada ee Nabad & Nolol, waxay ku gorfeynayaan xaaladda guud ee shirarka socda, doorka dhexdhexaadinta beesha caalamka, iyo nooca doorashada ee uu soo jeediyay guddiga Nabad & Nolol.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.



