Afarta Nooc Doorasho ee Dhinacyada iyo Xalalka Suurtagalka ah

Somali Public Agenda ayaa qabatay falanqeyn diiradda lagu saaray noocyada doorashooyinka ee ay soo bandhigeen dhinacyada mucaaradka iyo dowladda. Waxa sidoo kale madashan lagu soo bandhigay xalalka suurtagalka ah.

Madashan, oo ka qabsoontay barta X Spaces sidoo kalena socotay muddo ku dhow saacad iyo bar, waxaa marti ku ahaa Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya, Maxamed Mukhtaar, Agaasimaha Balqiis Insights, Samiira Gaid, iyo Agaasimaha Somali Public Agenda, Mahad Waasuge.

Intii ay madashu socotay, waxaa isbarbardhig lagu sameeyey noocyada doorashooyinka ee garabyada mucaaradka iyo nooca doorasho ee Dowladda Federaalka, waxyaabaha ay ka siman yihiin, iyo qodobbada ay ku kala duwan yihiin. Martida madasha ayaa sidoo kale soo jeediyey nooca doorasho ee waqtigan ku habboon Soomaaliya.

Dadweyne kor u dhaafaya 1,200 ayaa dhageystay falanqeyntan, qaarkoodna waxay su’aalo la xiriira mowduuca weydiiyeen martida madasha.

Halkan ka dhageyso gorfeynta oo dhammeystiran

Afarta Nooc Doorasho ee Dhinacyada iyo Xalalka Suurtagalka ah

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Title
.