#2 Hadaljeedinno Kookooban | Somali Governance Forum

SPA Dialogue Vidoes

Qeybtan oo ah hadal-jeedinno kookooban waxaa lagu soo bandhigayaa mowduucyo ku saabsan:

1. Daraasad ku saabsan aragtida dadweynaha ee ku aaddan doorashooyinka, sharciyadda, iyo dowladnimada Soomaaliya.

2. Metelaadda haweenka ee doorashooyinka Soomaaliya

3. Doorka warbaahinta ee doorashooyinka

4. Habraaca kumeelgaarka ah ee loo marayo hannaan doorasho isku dhafan

5. Fahamka bulshada Soomaaliyeed

Waxaa soo jeedinaya Farxaan Isaaq Yuusuf, Agaasime kuxigeenka Somali Public Agenda, Fadwo Xasan Jimcaale oo u doodda arrimaha haweenka iyo xuquuqda aadanaha, Faarax Nuur, Xoghayaha Guud ee FESOJ, Saciid Maxamed oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Gurmad Qaran, iyo Yuusuf Sheekh Cumar (PhD) oo ah cilmibaare sare oo ka tirsan Heritage Institute. Cabdiraxmaan Saciid Bile oo ah cilmibaare ka tirsan Puntland Development Research Center (PDRC), Agaasimaha Fulinta ee Somalia Non State Actors, Maxamed Cadceed Cali, Agaasimaha Somali Public Agenda, Mahad Waasuge, iyo Xildhibaan Mohamed Amaleti Abdi, oo ah xubin ka tirsan Golaha Deegaanka Magaalada Fredrikstad ee dalka Norway. 

Qeybtan waxa xiriirineysa Faadumo-ladan Cabdillaahi oo ka tirsan Somali Stream.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Title
.