Kulan-dadweyne: Masuuliyiinta Xaafadda Bander Qaasim ee Magaalada Boosaaso iyo Bulshada…

SPA Dialogue Vidoes

Halkan ka daawo kulan-dadweyne oo aan ku qabannay xaafadda Bander Qaasim ee magaalada Boosaaso, kaas oo ay ka soo qaybgaleen maamulka xaafadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka waxaa looga hadlay waxqabadka maamulka xaafadda, iyadoo dadweynaha ka soo qeybgalay ay weydiiyeen maamulka su’aalo la xiriira nadaafadda iyo bilicda xaafadda, amniga, korontada iyo iftiiminta waddooyinka, adeegyada caafimaadka, horumarinta waddooyinka, iyo saameynta ballaarinta waddooyinka. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta maamulka iyo bulshada iyo wax-ka-qabashada tabashooyinka shacabka.

Halkan ka daawo muuqaalka munaasabaddan.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Title
.