Nuxurka & Saameynta Baaqa Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Kadib is-afgaradkii horraantii Janaayo 2024 dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, waxaa xumaaday xiriirka ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya oo markii horeba aan wanaagsaneyn. Kulamo dhowr ah oo ay qaban-qaabiyeen dalalka deriska iyo Turkiga ayaa fashil ku soo dhamaaday.

Dowladda Turkiga ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay in ay isfahan dhex dhigto labada dal. Haddaba, muxuu yahay nuxurka heshiiskan? Maxayse yihiin caqabadaha ku gedaaman? Agaasimaha SPA Policy Lab, Aweis Ahmed, ayaa gorfeyntan ku eegaya isfahamka Ankara ku dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qabashada Doorashooyin Toos ah: Fursadaha iyo Caqabadaha

Dhawaan Golaha Wadatashiga Qaran (oo aanay Jubaland ku jirin) waxa ay soo saareen warmurtiyeed uu nuxurkiisu ahaa in xeerarka doorashada uu baarlamaanka ansixiyo, guddiga doorashada & xuduudaha la dhiso, doorasho gole deegaan ahna la qabto bisha Juun ee sanadka 2025 sidoo kalena doorashooyinka heer dowlad-goboleed la qabto Sebteembar 2025.

Madaxweynaha ayaa baarlamaanka ka socaday muddo bil ah in ay ku daraan kalfadhiga si ay u ansixiyaan xeerarka muhiimka u ah doorashooyinka. Puntland oo horey uga maqneyd xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran hadda waxaa ku biiray Jubaland. Faalladan, Mahad Waasuge, Agaasimaha Fulinta ee Somali Public Agenda, waxa uu ku eegayaa fursadaha & caqabadaha la xiriira in doorasho toos ah laga qabto Soomaaliya sanadka soo socda, iyo arrimaha ay tahay in mudnaanta la siiyo.