Dagaallada ka soo Cusboonaaday Itoobiya iyo Saameynta ay ku Yeelan Karaan Soomaaliya

October 18, 2026: Somali Public Agenda ayaa barta X (Twitter) ku qabatay falanqeyn diiradda lagu saaray dagaallada ka soo cusboonaaday Itoobiya iyo saameynta ay ku yeelan karaan Soomaaliya.

Madashan, oo socotay muddo ku dhow 2 saac, ayaa waxaa marti ku ahaa Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka, Xuseen Sheekh-Cali, iyo Cabdirisaaq Muxumad oo ah cilmbaare ka tirsan Jaamacadda Witwatersrand.

Intii ay madashu socotay, waxaa la gorfeeyey sababaha ka dambeeya dagaallada ka soo cusboonaaday Itoobiya, saameynta ay ku yeelan karaan Soomaaliya gaar ahaan siyaasadda arrimaha dibadda, arrimaha gudaha iyo amniga.

Martida madasha ayaa sidoo kale soo jeediyey tallaabooyinka la gudboon Soomaaliya si loo yareeyo saameynta taban ee dagaalka kaga imaan kara.

Dadweyne kor u dhaafaya 409 ayaa dhageystay falanqeyntan, qaarkoodna waxay su’aalo la xiriira mowduuca weydiiyeen martida madasha.

Halkan ka dhageyso gorfeynta oo dhammeystiran

Dagaallada ka soo Cusboonaaday Itoobiya iyo Saameynta ay ku Yeelan Karaan Soomaaliya

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Title
.