
Somali Public Agenda
June 11, 2026
E73. Dastuurka Federaalka Soomaaliya: Maxaa La Beddelay, Sideese Loo Ansixiyay?
4-tii Maarso 2026, fadhi wadajir ah oo ay yeesheen labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay wax-ka-bedelka 11 cutub oo ka mid ah dastuurka kumeelgaarka ah, sidoo kale waxaa lagu ansixiyay wax-ka-beddelka saddex qodob oo ku jira cutubka 2-aad iyo saddex qodob oo ku jira cutubka 4-aad. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay dib-u-eegista dastuurka, islamarkaana nuqulka cusub uu noqon doono dastuurka rasmiga ah ee dalka. Afar maalmood ka dib, 8-dii Maarso, Madaxweynaha ayaa saxiixay dastuurka cusub.
Qeybtan 73-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Avv. Burhaan Aadan Cumar, oo ah guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, waxay isla gorfeynayaan dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka, habraaca loo maray, nuxurka arrimaha wax laga beddelay iyo khilaafka ka jira.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.
Recent Posts
-
04 Oct 2026E81. Dowlad-dhiska, Nidaamka Federaalka iyo Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland -
24 Sep 2026Bridging Citizens and Local Governments: Lessons from Governance Dialogues in Galmudug and Puntland -
20 Sep 2026E80. Sida Baarlamaanku u Shaqeeyo & Sida Doorashadu u Soo Saari Karto Xildhibaanno Tayo Leh
