E78. Nooca Doorasho ee Golaha Midnimada, Doodaha Dhinacyada & Doorka Beesha Caalamka

Bishii Luulyo, waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ka dhacay dhowr wareeg oo wada-hadallo heer farsamo ah oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka. Beesha caalamka ayaa ku lahayd door dhexdhexaadin. Dowladda Federaalka iyo saddex garab oo mucaarad ah—GolahaMustaqbalka, Golaha Midnimada, iyo Nabad & Nolol—ayaa soo bandhigay noocyada doorasho ee ay u arkaan inay ku habboon yihiin doorashada baarlamaanka federaalka ee xiga ee Soomaaliya.

Qeybta 78-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Raysal Wasaare CumarCabdirashiid Cali Sharmaarke—oo laba jeer soo noqday Raysal Wasaare, musharrax Madaxweyne ahaa sanadkii 2017, haddana ah hoggaamiyaha Golaha Midnimada—ayaa ku gorfeynaya arrimaha doorashooyinka, aragtida mucaaradka, nooca doorashada ee Golaha Midnimada, kaalinta dhexdhexaadin ee beesha caalamka, iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka.

Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Title
.