
Somali Public Agenda
September 14, 2026
E79. Gorfeyn Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2026
Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2026, oo uu Baarlamaanka Federaalka ansixiyay dhammaadkii 2025, ayaa gaareysa $1.39 bilyan. Inkastoo hiigsigu weli yahay “ku tiirsanaanta awooddeena dakhli”, 65% miisaaniyadda waxaa laga filayaa deeq-bixiyeyaasha, kuwaas oo ku bixinaya taageero mashaariic iyo kabka miisaaniyadda. Dakhliga gudaha ee la filayo ayaa ah 35%.
Qeybta 79-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge iyo Farhia Mohamud, oo ah cilmibaare ka tirsan Somali Public Agenda (SPA) ahna Agaasimaha SPA Policy Lab, ayaa isla gorfeynaya nuxurka faallo qoto-dheer oo ay Somali Public Agenda ka sameysay miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2026, taas oo ay Farxiya qortay.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.




