E83. Xiriirka Muwaadiniinta iyo Dowladaha Hoose

Nidaamka federaalka Soomaaliya weli si buuxda uma keenin daadejin awoodeed, ka qayb-gal muwaaddin oo macno leh iyo isla xisaabtan heerarka kala duwan ee dowladda. Dawladaha hoose ayaa ah heerka dowladda ee ugu dhow muwaadiniinta, isla markaana ugu habboon inay wax ka qabtaan baahiyaha iyo adeegyada maxalliga ah. Sidaas darteed, xoojinta dawladaha hoose waxay muhiim u tahay in maamulka iyo adeegyada loo soo dhaweeyo bulshada.

Qeybta 83-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge iyo Farhan Isak Yusuf, Agaasime Ku-xigeenka Somali Public Agenda (SPA) ahna qoraaga warbixin ay dhawaan SPA daabacday, ayaa isla gorfeynaya xiriirka u dhexeeya muwaadiniinta iyo dowladaha hoose, casharrada laga bartay kulamadii muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dowladaha hoose ee lagu qabtay afar degmo, caqabadaha hortaagan daadejinta awoodaha iyo adeegyada, dakhliga dowladaha hoose, iyo ka qayb-galka muwaadiniinta ee go’aannada iyo miisaaniyadda dowladaha hoose.

Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Title
.