Kulanka Dadweynaha iyo Maamulka Magaalada Dhuusamarreeb

SPA Dialogue Vidoes

Somali Public Agenda ayaa fiidnimadii Axadda ee April 19, 2026, ku qabatay magaada Dhuusamareeb ee caasimada Dowlad-Goboleedka Galmudug munaasabad lagu soo bandhigayay warbixin ay ka qortay kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada bishii Diseembar, sanadkii 2025, kaa oo ay qeyb ka ahaayeen duqa magaalada iyo dadweynaha.

Warbixinta la soo bandhigay ayaa waxay soo koobtay arimihii looga hadlay kulankii dadweyne oo ay ka mid ahaayeen, dakhli aruurinta, adeeg bixinta iyo daadajinta adeegyada, fayadhowrka, ammaanka, matalaadda dumarka ee Maamulka Dowladda Hoose ee Dhuusamarreeb.

Soojeedinta warbixinta ka dib, waxaa xigay dood uu xariirnayay agaasime kuxigeenka Somali Public Agenda, Farhan Isak Yusuf, kana qeyb galeen agaasimaha waaxda qorsheynta iyo siyaasadaha ee Dowladda Hoose ee Caasimadda Dusamareb, Shaafici Axmed Nuur; Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Dhuusamarreeb, Bashiir Cali Cabdikariim; iyo Axmed Salaad Kulmiye oo ah maxada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ee xarunta Horn Center.

Ka qeybgalayaasha doodda ayaa waxay falanqeeyeen waxa iska beddalay arrimihii lagu soo qaaday kulankii dadweyne iyo arrimo kale oo mudnaan u leh Dowladda Hoose ee Dhuusamarreeb.

Agaasimaha waaxda qorsheynta iyo siyaasadaha ee Dowladda Hoose ee Dhuusamarreeb ayaa bayaaniyay sida ay uga jawaabtay dowladda hoose arrimihii ay soo jeediyeeen dadweynihii ka qeybgalay dooddii hore iyo tillaabooyinka u qorsheysan waqtiga dhow.

Dhankooda martidii madasha oo kala matalaayay qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa xubnaha doodda qeybta ka ahaa weydiiyay su’aalo la xariira dowladda hoose iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha taagan ee mudnaanta leh.

Halkan ka daawo muuqaalka munaasabaddan.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Title
.