Somali Public Agenda
May 3, 2026
SPA Dialogue Vidoes
Somali Public Agenda
May 3, 2026

Somali Public Agenda ayaa fiidnimadii Khamiista ee April 23, 2026, ku qabatay magaalada Qardho ee Dowlad-Goboleedka Puntland munaasabad lagu soo bandhigayay warbixin ay Somali Public Agenda ka qortay kulan wadatashi ah oo u dhexeeyay bulshada iyo dowladda hoose ee magaaladaas, kaas oo ka dhacay Magaalada Qardho bishii Diseembar, sanadkii 2025.
Warbixinta la soo bandhigay ayaa waxay soo koobtay arrimihii looga hadlay kulankaas oo ay ka mid ahaayeen ka qeybgalka bulshada, dakhli aruurinta iyo u hoggaansanaanta canshuuraha, iyo caqabadaha adeeg-bixinta.
Soojeedinta warbixinta ka dib, waxaa xigay dood ay daaddihinaysay Farhia Mohamud, kana qeybgaleen Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Dowladda Hoose ee Qardho, Axmed Cismaan Maxamuud; Agaasimaha Waaxda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Maryan Cabdi Maxamed; iyo Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Karkaar, Cabdikarin Maxamed Cismaan.
Ka qeybgalayaasha doodda ayaa falanqeeyay arrimaha lagu soo bandhigay warbixinta iyo mudnaanta horumarineed ee Dowladda Hoose ee Qardho.
Dhankooda martidii madasha ayaa su’aalo iyo talooyin la xiriira arrimaha taagan u jeediyay xubnaha doodda.
Somali Public Agenda (SPA) is a non-profit, non-partisan, and independent public policy and administration research and action organization based in Mogadishu. It aims to advance understanding and improvement of public policy and services in Somalia through evidence-based research and analysis, dialogue, policy and service design, and training.
Stay updated on governance and public services in Somalia!