
Somali Public Agenda
September 25, 2022
Ma la joogaa wakhtigii dib-u-eegis lagu sameyn lahaa Naqshadda Amniga Qaranka ee lagu heshiiyey 2017?
Bishii May ee 2017, madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa Naqshadda Amniga Qaranka ugasoo heshiiyey shir ka dhacay London. Balse inta laga fuliyey heshiiskaas ayaa aad u kooban.
Shan sano kadib, bishii May 2022, madaxweyne Xasan Sheekh ayay labada gole ee baarlamaanka doorteen. Dagaallo ay qeyb ka yihiin Macawiisleey ayaa sidoo kale ka billowday qeybo kamid ah Soomaaliya.
Somali Dialogue Platform (Madasha Wadahadalada Somaaliyeed) oo ah mashruuc uu fuliyo Machadka Rift Valley ayaa dhawaan daabacay warbixin ku saabsan dib-u-eegista uu u baahan yahay in lagu sameeyo Naqshadda Amniga Qaranka.
Podcast-gan, waxa Cabdi Caynte iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan nuxurka warbixintaas, in la joogo wakhtigii dib loo eegi lahaa Naqshadda Amniga Qaranka iyo heshiis amni noocee ah ayaa loo baahan yahay wakhtigan.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, Stitcher and Amazon Music.
Recent Posts
-
11 Feb 2025Canshuuraha Maamulka Gobolka Banaadir: Natiijooyin Hordhac ah ee Daraasad ku Saabsan Canshuur Qaadista iyo Adeeg Bixinta
-
11 Feb 2025Benadir Regional Administration (BRA) Taxation: Preliminary Study Findings on Tax Collection and Service Delivery
-
09 Feb 2025Guddiga Doorashada ma kasban karaan kalsoonida saamileyda Siyaasadda?