Somali Public Agenda
March 30, 2022
This study investigates the role Turkey plays in the improvement of public services and infrastructure in Somalia particularly access to health care, advancing access to education, and construction of tarmac roads and other key infrastructure in Mogadishu. The study found that Turkish organizations built/rebuilt hospitals such as Digfer (now Erdogan) hospital, which receives about 25,000 patients and perform 550 surgeries each month on average; Yardimeli hospital and 23-kilometer tarmac road in Mogadishu’s center, which breathed new life into Mogadishu’s people and traffic movement and business. The study recommends, among others, that Turkish organizations extend their services beyond Mogadishu, and the Turkish government reconsider its generous scholarship to Somali students and strike balance between social sciences programs and applied programs.
Daraasadaan waxa ay falanqeyneysaa kaalinta uu Turkiga ka cayaaro horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha Soomaaliya gaar ahaan helitaanka adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo dhismayaasha wadooyinka laamiga ah iyo kaabayaasha kale ee muhiimka u ah Muqdisho. Iyadoo ay jirto in ay yar yihiin cilmibaarisyada la sameeyay lana daabacay ee ku aadan mawduuca daraasadaan, warbixintan waxa ay ka jawaabeysaa gaabiska ka jira fahamka doorka Turkiga ku leeyahay adeegyada bulshada, waxa ayna falanqeyn iyo aqoon kusoo kordhineysaa qoraal-cilmiyeedyada sii badanaya ee laga sameeyay xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkey. Daraasadaan waxaa loo isticmaalay habka cilmibaaris ee ku saleysan tayada (qualitative research methods) waxaana 20 wareysi qotodheer lala yeeshay daneeyayaal muhiim ah. Intaa waxaa dheer, waxaa la sameeyey cilmibaaris la xiriirta qoraallada kale ee laga qoray mowduucan si loogu dhameystiro xogta lagu helay wareysiyada. Daraasaddaan waxaa lagu ogaaday in hay’ado Turki ah ay dhiseen/dib-udhiseen isbitaallo sida isbitaalka Digfeer (oo hadda loo yaqaan Erdogan), kaasoo bukaanno ku dhow 25,000 qaabila, sidoo kalena sameeya 550 qaliin celcelis ahaan bishii; Isbitaalka Yardimeli iyo waddo laami ah oo 23-kiiloomitir ah ee bartamaha magaalada Muqdisho, waxa ayna dadaalladan wax weyn kusoo kordhiyeen shacabka Muqdisho ku nool iyo isu-socodka gaadiidka iyo ganacsiga.
Somali Public Agenda is a non-profit public policy and administration research organization based in Mogadishu. Its aim is to advance understanding and improvement of public administration and public services in Somalia through evidence-based research and analysis.
Stay updated on governance and public services in Somalia!
Dhalinta samesay cilmi baaristaaan aaad ayey umahadsan yihiiin waaana filaaaa in dhalinkaloo badan ey sameen doonaaan cilmi barisyo noocaanoo kalaaaa wadanka inuu hormar weyn gaarayne wey muuqataaa guul i.a somalia