Tayada waxbarashada Muqdisho iyo saameynta ay ku leedahay shaqo helista
Somali Public Agenda
September 21, 2022
SPA Forums Vidoes
Waxa aan qabannay madal lagu gorfaynayay saameynta tayada waxbarashada sare ee Muqdisho ay ku leedahay fursadaha shaqo helista dhallinyarada gobolka Benaadir.
Kasoo qeyb-galayaal dhallinyaro u badan oo ka kala socday qeybaha bulshada sida hay’adaha waxbarashada, loo shaqeeyayaal, goobaha lagu barto farsamada gacanta, iyo arday dhawaan soo qalinjabiyay ayaa kasoo qeyb galay doodda.