
Somali Public Agenda
October 8, 2026
E48. Saameynta El Niño ku yeelan karto Soomaaliya iyo sida looga gaashaaman karo
Muddooyinkii u dambeeyay, Soomaaliya waxaa si isdaba joog ah u saameynayay daadad iyo abaaro soo noqnoqday. Xilliga Deyrta ee sannadkan 2026-ka, waxaa la filayaa roobab mahiigaan ah oo sababi kara daadad xad-dhaaf ah, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara deegaanno badan oo dalka ka tirsan.
Qeybtan 48-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Farxiya Maxamuud iyo Cabdullaahi Muuse Axmed, oo ah Agaasimaha Qeybta Gargaarka Degdegga ah ee Caafimaadka ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), waxay ku gorfeynayaan saameynta ay daadadku geysan karaan, sida looga gaashaaman karo, iyo dadaallada ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar Shaan SoDMA.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.


