Khilaafka Dastuurka iyo Doorashooyinka Soomaaliya

SHARE

4-tii Maarso 2026, fadhi wadajir ah oo ay yeesheen labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay wax-ka-bedelka 11 cutub oo ka mid ah dastuurka kumeelgaarka ah, sidoo kale waxaa lagu ansixiyay wax-ka-beddelka saddex qodob oo ku jira cutubka 2-aad iyo saddex qodob oo ku jira cutubka 4-aad. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay dib-u-eegista dastuurka, islamarkaana nuqulka cusub uu noqon doono dastuurka rasmiga ah ee dalka. Afar maalmood ka dib, 8-dii Maarso, Madaxweynaha ayaa saxiixay dastuurka cusub.

Ansixinta dastuurka cusub waa xaalad muhiim u ah heshiiska siyaasadeed ee Soomaaliya. Geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka ayaa muddo dheer loo arkayey inuu yahay hannaan loo maro dib-u-heshiisiinta siyaasadeed. Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa la faray in ay ka heshiiyaan arrimaha siyaasadda ee la isku hayo, ka dibna ay heshiisyadaas aasaas u noqdaan wax-ka-bedelka ay qodobbada dastuurka ku sameynayaan hey’adaha dib-u-eegista dastuurka: Guddiga La-socodka Baarlamaanka (OC) iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC).

Shan heshiis siyaasadeed ayaa la saxiixay muddadii uu xilka hayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: (1) awood-qeybsiga (Disembar 2022); (2) nooca garsoorka (Disembar 2022); (3) federaaleynta maaliyadda (Maarso 2023); (4) Naqshadda Amniga Qaranka (Maarso 2024); iyo (5) doorashooyinka (May 2023). Sikastaba ha ahaatee, inkastoo heshiisyadani ay aasaas u noqdeen dib-u-eegista qodobada ku jira dastuurka ee la isku khilaafsan yahay, haddana looma arkeynin inay ka tarjumayeen heshiis siyaasadeed oo ballaaran, maadaama ay dhammaantood awood badan siinayeen dowladda dhexe. Puntland, oo ah Dowlad-goboleed muhiim ah, qeyb kama ahayn mana saxiixin heshiisyadaas oo dhan.

Hadda oo ay dowladda federaalka soo gabagabeysay geeddi-socodkii dib-u-eegista dastuurka, su’aasha muhiimka ah ayaa ah dastuurkee baa sharci ah—Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah ama nuqulka dhawaan la ansixiyay—iyo sida ay xaaladdan u saameyneyso hannaanka doorashada.

Tan iyo markii la ansixiyay Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah Agoosto 2012, dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, iyo mucaaradka ayaa ahaa ka qaybgalayaasha ugu waaweyn ee geeddi-socodka doorashooyinka. Doorashadii 2012 ee lagusoo xulay 275 xildhibaan ee doortay Madaxweynaha, iyo sidoo kale doorashooyinkii dadbanaa ee 2016-17 iyo 2021-22 ayaa lahaa khaladaad badan. Musuqmaasuq, ka horistaagga siyaasiyiinta inay tartamaan, siyaasiyiin xulanaya ergooyinka doorashada, iyo in dadka daacad u ah madaxda ay noqdaan xubnaha guddiyada maamulayay doorashada ayaa ka mid ahaa cilladahaas.

Sikastaba ha ahaatee, natiijooyinka waxaa loo aqbalay inay yihiin kuwo sharci ah. Siyaasiyiinta ku guulaystey hannaanadan ayaa loo aqbalay in ay noqdaan xubno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Madaxweynayaasha ku guuleystay tartamada madaxtinimo iyagoo isticmaalay farsamooyin kala duwan, oo ay ku jirto “laaluush” ayaa loo aqbalay inay yihiin madaxweynayaal sharci ah muddo afar sano ah. Aqbalaadda natiijooyinka ay dhaleen hababkan doorasho ayaa ka dhigay hannaankii khaldanaa mid sharci ah.

Habka wax-ka-beddelka dastuurka waa ka duwan yahay. Natiijadii ka soo baxday—dastuurka cusub ee federaalka—ma haysto oggolaanshada dhinacyo siyaasadeed oo muhiim ah, oo ay ku jiraan labo dowlad-goboleed, Puntland iyo Jubaland, iyo sidoo kale mucaaradka, oo ay ku jiraan madaxweynayaal hore, raysal wasaarayaal hore, iyo siyaasiyiin kale oo miisaan leh. Si ka duwan doorashooyinkii dadbanaa, waxa jira aqbalaad la’aan wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka dastuurka.

Aqbalaad la’aantan waxay asal ahaan ka imaaneysaa aragtida ah in isbeddellada lagu sameeyay dastuurka ay xaddidayaan fursadaha tartanka madaxtinimo iyo in ay dowladda federaalka siinayaan awoodo fulin oo aad u badan. Tusaale ahaan qodobbada 106-aad iyo 107-aad ee dastuurka cusub ayaa shardi ka dhigaya in musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ay Soomaaliya ku noolaayeen shantii sano ee la soo dhaafay, lagana doonayo in ay soo gudbiyaan xisbi siyaasadeed ama isbaheysi xisbiyo, gaar ahaan saddexda xisbi siyaasadeed ee heysta kuraasta ugu badan baarlamaanka. Dad badan waxa ay u arkaan in ay tani xaddidayso tartanka madaxweynaha dal ay in ka badan 40 musharrax  isu diwaangeliyeen tartanka madaxweynaha sanadkii 2022.

Ma fileyno in mucaaradka iyo labada dowlad-goboleed ay beddelayaan mawqifkooda oo ah in ay aqoonsan yihiin oo kaliya Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah ee 2012 iyo in doorashada soo socota lagu saleeyo dastuurkaas.

Hannaanka loo maray dhameystirka dib-u-eegista dastuurka ayaa sidoo kale dhaliyey su’aalo dhowr ah oo dhanka sharciga iyo habraaca ah. Ugu horeyn, ku dhawaad ​​50 xildhibaan ayaa laga mamnuucay ka qeyb galka kulamada baarlamaanka, inkastoo uu ujeedkooda ahaa in ay hor-istaagaan fursad kasta oo looga doodi karo qodobada iyo cutubyada wax laga beddelay. Midda labaad, baarlamaanka ayaa wakhti kooban kaga dooday 11 cutub, dooddahaasna waxay dheceen xilli muddada kalfadhiga baarlamaanka la kordhiyey iyadoo aan codsi rasmi ah laga helin madaxweynaha. Ugu dambeyn, mudanayaasha baarlamaanka ayaa su’aal ka keenay in kooramka baarlamaanka markii loo codeynayay ansixinta cutubyada wax-ka-beddelka lagu sameeyay 4-tii bishan.

Tusaale ahaan, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa faallo uu dhawaan daabacay ku sheegay “Kalfadhiga waxaa soo xaadiray 161 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 34 Senatar, tiradaasoo ka yar shuruudaha koorumka wax-ka-beddelka Dastuurka”. Kooramka loo baahan yahay marka wax-ka-beddel lagu sameynayo qodobo kamid ah dastuurka ayaa ah saddex meelood labo meel aqal kasta oo ah 184 xubnood oo ka tirsan golaha shacabka iyo 36 Senator.

Halkii uu noqon lahaa hannaan dib-u-heshiisiin siyaasadeed, geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka hadda waxa uu ka tarjumayaa hab ay guulaystayaasha dejinayaan shuruucda ciyaarta siyaasadeed, taasoo saamayn weyn ku leh heshiiska siyaasadeed ee mustaqbalka. Inkastoo madaxweynayaashii kusoo baxay hannaanka doorashada dadban ay horey isugu dayeen in ay dejiyaan shuruucda ciyaarta siyaasadda – gaar ahaan madaxweynihii ka horreeyay madaxweynaha hadda – xukuumadda hadda jirta waxay raacday habkaas iyadoo u mareysa hannaanka dib-u-eegista dastuurka. Su’aasha muhiimka ah ayaa ah: haddii wax-ka-beddelka la aqbali waayo, halkee ayay Soomaaliya geyneysaa?

Si ka duwan doorashooyinka dadban, natiijadii ka soo baxday geeddi-socodkii wax-ka-bedelka dastuurka ayaan loo aqbalin in ay tahay mid sharci ah. Taas macnaheedu waa in Soomaaliya ay hadda leedahay labo dastuur oo federaal ah.

Xaaladdan ayaa saameyn weyn ku leh doorashooyinka federaalka ee soo socda. Hoggaanka baarlamaanka federaalka oo cuskanaya dastuurka cusub ayaa ku doodaya in hal sano ay uga harsan tahay muddo-xileedkooda, maadaama dastuurka cusub uu dhigayo in baarlamaanka iyo madaxweynaha uu muddo-xileedkoodu yahay ​​ shan sano. Jilayaasha kale ee siyaasadda oo xiganaya Dastuurkii kumeelgaarka ah ee 2012 ayaa ku doodaya in muddo-xileedka afarta sano ah ee baarlamaanka federaalka ay ku egtahay 14-ka Abriil, muddo-xileedka madaxweynahana ay ku eg tahay 15-ka May ee sanadkan.

Waxaa jira labo siyaabood oo suurtagal ah oo loo xallin karo xaaladdan. Midda koowaad waa in wada-hadallo ku saabsan dastuurka cusub lala billaabo mucaaradka iyo labada dowlad-goboleed (Jubaland waxay saxiixday heshiisyadii siyaasadeed ee aasaaska u noqday dib-u-eegista dastuurka kuwaasoo la galay ka hor inta aysan ka bixin Golaha Wadatashiga Qaranka Oktoobar 2024), si ay u soo jeediyaan wax-ka-beddelka qodobbada ay dareenka ka qabaan. Isbeddelladan ayaa markaa loo gudbin karaa baarlamaanka si ay u eegaan una ansixiyaan. Habkani waxa uu wajahayaa labo caqabadood: dowladda federaalka ayaa laga yaabaa in aanay doonayn in ay sidaas samayso, iyo muddo-xileedka baarlamaanka oo ku eg bartamaha bisha April.

Habka labaad ayaa ah in dib loogu noqdo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah ee 2012 oo loo isticmaalo aasaaska sharci ee doorashooyinka. Middan ayaa loo arkaa in uu ka sahlan yahay xalka hore, maadaama uu yahay isla dastuurkii lagu soo doortay madaxda dowladda federaalka ee hadda talada haysa, mucaaradkuna ay u arkaan inuu sharci yahay. Sikastaba ha ahaatee, caqabada ugu weyn ayaa mar kale noqon doonta mowqifka dowladda federaalka oo dadaal badan ku bixisay dastuurka cusub.

Haddii labadan waddo midkoodna la raacin, ikhtiyaarka kaliya ee harsan — oo ah xulashada ugu taban — waxay noqon doontaa soo ifbaxa hannaan siyaasadeed oo is barbar socda oo ka billaabanaya meel ka baxsan Muqdisho, halka dowladda federaalka ay xoojinayso gacan ku haynta Muqdisho iyo gobollada ku xeeran.

Soomaaliya ma qaadi karto dowlado federal oo is-barbar socda. Hadda waxaa la joogaa waqtigii beesha caalamka, waxgaradka Soomaaliyeed iyo bulshada rayidka ay kaalin wax-ku-ool ah ka qaadan lahaayeen sidii Soomaaliya ay u maareyn lahayd arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka.

Picture of Mahad Wasuge

Mahad Wasuge

Mahad Waasuge waa Agaasimaha Fulinta ee Somali Public Agenda.

All Posts
Share This
Facebook
Twitter

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Title
.