
Somali Public Agenda
July 5, 2026
E75. Qiimeyn: 66 Sano Kadib Xorriyadda – Halkee Maraysaa Dowladnimada Soomaaliya?
Soomaaliya waxa ay u dabaaldegtay 66 sano-guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda ka qaadatay gumaystayaashii reer Yurub, isla markaana la aasaasay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee ugu horreysay. Sagaal sano kadib, taliskii militariga ayaa talada dalka la wareegay. Burburkii dowladdii dhexe kadib, Jamhuuriyadda Saddexaad ayaa dib loogu yagleelay Shirkii Carta ee dalka Jabuuti. Lixdan iyo lix sano kadib aas-aaskii Jamhuuriyaddii Koowaad, Soomaaliya waxay weli wajahaysaa caqabado waaweyn oo la xiriira dhismaha iyo xoojinta dowladnimada.
Qaybtan 75-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Dr. Saadaq Eenoow waxay ku gorfeynayaan 66 sano-guurada xorriyadda Soomaaliya, safarka dowladnimada, caqabadaha weli horyaalla, iyo halka ay maanta marayso dowlad-dhiska Soomaaliya.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.



