Farhan Isak
February 11, 2025
Commentary
Post Views: 124
Farhan Isak
February 11, 2025
Maareynta maaliyadda ayaa qeyb weyn ka ah dadaallada ay deeq-bixiyeyaasha ku taageeraan dowlad-dhiska Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah taageeradooda dib-u-dhiska awoodda hay’adaha dowliga ah. Dadaalladan ayaa si weyn diiradda u saara heer federaalka iyo heer dowlad-goboleed. Si gaar ah, dadaalladani, iyo kuwo kale oo lamid ah, ayaa loogu talagalay dhismaha qaab-dhismeedyo sharci iyo nidaamyo muhiim u ah maareynta maaliyadda dowladda. Waxaa sidoo kale daraasado laga sameeyay arrimahan oo qaar kamid ah la daabacay.
Sikastaba ha ahaatee, daneynta iyo diiradda noocaan ah waxa aanan helin gobolka Benaadir, oo ah gobolka ugu dadka badan dalka sidoo kalena leh dakhli ballaaran. Waxa maqan ma ahan keliya dadaallada deeq-bixiyeyaasha gaar ahaan arrimaha la xiriira maareynta maaliyadda, balse waxaa maqan daneynta iyo mudnaan-siinta siyaasiyiinta iyo ururrada bulshada rayidka ah ee yegleelidda nidaam maamul maaliyadeed oo si hufan uga shaqeeya gobolka Benaadir.
Sidoo kale, dalabaadka qaar kamid ah bulshada gobolka Benaadir, inkastoo ay kala duwan tahay mararka qaarna ay u muuqdaan kuwo dano siyaasad huwan, ayaa ku koobnaa qeexitaanka iyo go’aan ka gaaridda maqaamka gobolka Benaadir ee nidaamka federaalka, iyadoo aan si weyn loo xusin ama aan loo sheegin muhiimadda ah in la hagaajiyo maamulka gobolka Benaadir, oo ay ku jirto maamulka maaliyadda.
Somali Public Agenda ayaa billowday daraasad ku saabsan dakhliga uruurinta gobolka Benaadir, iyadoo ujeeddada ay tahay fahamka dakhliga uu uruuriyo Maamulka Gobolka Benaadir, aasaaska sharci ee canshuuraha, habraacyada dakhli uruurinta iyo adeegyada la bixiyo oo bedel u ah dakhligii laga uruuriyo bulshada. Daraasaddu waxay wax ku kordhineysaa dadaallada gobolka Benaadir loogu dhisayo maamul maaliyadeed oo waxtar leh.
Daraasadda waxaa laga sameeyay shan degmo oo ka tirsan gobolka Benaadir oo kala ah Xamar Weyne, Hodan, Yaaqshiid, Waaberi, iyo Howl Wadaag iyadoo la tixgelinayo tirada dadka ku nool iyo dhaqaalaha lagasoo uruuriyo. SPA ayaa sameysay dood-kooxeedyo iyo wareysiyo xog-ogaaleed si ay xogta usoo uruuriso. Faalladan waxa ay soo bandhigeysaa natiijooyin hordhac ah oo daraasadda kasoo baxay. Falanqeyn dhameystiran oo ku saabsan xogta ayaa lagu soo bandhigi doonaa warbixin faahfaahsan oo la daabici doono bilaha soo socda.
Fahamka Dadweynaha ee Dakhliga Canshuurta oo Xaddidan
Daraasaddu waxay ogaatay in qeyb weyn oo ka mid ah ka-qeybgalayaasha cilmibaarista ay ku yartahay fahamka ku aaddan dakhliga canshuuraha ee uu uruuriyo Maamulka Gobolka Benaadir. Ka-qeybgalayaasha daraasadda ma aysan caddeyn karin nooca canshuurta uu Maamulka Gobolka Benaadir ka qaado sidoo kalena ma aysan garaneyn hay’adaha iyo sida ay canshuuraha u kala qaadaan. Taas beddelkeeda, waxay u muuqdeen inay isku khaldayeen canshuuraha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo canshuuraha Maamulka Gobolka Benaadir. Tusaale ahaan, markii la weydiiyay noocyada canshuuraha uu Maamulka Gobolka Benaadir ka qaado, jawaabaha soo noqnoqonayay waxay ahaayeen Canshuurta Kirada Guryaha (Rental Income Tax) iyo Canshuurta Hantida (Property Tax), taasoo muujineysa sida ka qeybgalayaashu aysan xog-ogaal ugu ahayn arrimaha ku saabsan canshuuraha gaarka ah ee ay bixiyaan iyo hay’adda ka qaada. Maamulka Gobolka Benaadir ma qaado Canshuuraha Kirada Guryaha; taas beddelkeed, Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka ayaa qaadda canshuurtaas, halka Maamulka Gobolka Benaadir uu qaado Canshuurta Hantida. Sikastaba ha ahaatee, Maamulka Gobolka Benaadir waxa uu uruuriyaa canshuuro kale waxa uuna sidoo kale leeyahay dakhli aan canshuur ahayn, kuwaasoo si faahfaahsan looga faalloon doono warbixinta daraasadda ee soo socota.
Sidaas oo kale, qeyb weyn oo ka mid ah ka qeybgalayaasha ayaanan ogeyn saamiga saxda ah ee canshuur ay bixiyaan, taasoo badanaa loo tiirinayo – sida ay sheegeen – in aysan Maamulka Gobolka Benaadir ka helin macluumaad arrintan ku saabsan. Arrintan ayaa caddeyneysa sida uu u yaryahay dadaalka Maamulka Gobolka Benaadir ee ku aaddan in uu dadka deegaanka siiyo macluumaadka lagama maarmaanka ah ee ku saabsan canshuuraha la uruuriyo, oo ay ku jiraan noocyada, saamiga, wakhtiga bixinta, iyo hababka saxda ah ee bixinta.
Qaababka Xiriir ee Canshuuraha uu Qaado Maamulka Gobolka Benaadir
Wareysi kooxeedyada aan sameynay waxaa kasoo baxay in aanu jirin xiriir nidaamsan, ama joogto ah oo loo maro in noocyada kala duwan ee canshuuraha Maamulka Gobolka Benaadir uu qaado, qiimaha lacagta, iyo taariikhaha bixinta ee canshuuraha lagu wargeliyo canshuur bixiyeyaasha maxalliga ah. Jawaab-bixiyeyaasha deggan guryo kiro ah ama guryo ay leeyihiin ayaa sheegay in ay si is-dabajoog ah u helaan fariimo moobillada kusoo dhaca oo ku wargelinaya goorta ay tahay bixinta canshuuraha taagan. Ka sokow arrinkan, Maamulka Gobolka Benaadir wuxuu diiwaangeliyay macluumaadka guryaha ku yaalla degmooyinka qaar, balse qaar ka mid ah ka-qeybgalayaasha ayaa ku andacooday in maamulka uusan macluumaadka cusbooneysiin iyadoo guryaha qaar ay ka wareegaan milkiile una wareegaya qof kale. Qaar kamid ah ka-qeybgalayaasha ayaa sheegay in booliska degmooyinka ee u xilsaaran iyo canshuur uruuriyeyaal ka socda Maamulka Gobolka Benaadir ay guryaha ugu yimaadaan iyagoo siiya ogeysiis (badanaa saddex maalmood ah) oo ah inay yimadaan xafiiska degmada ayna bixiyaan canshuurta ku taagan.
Dhanka kale, ganacsatada lagu wareystay daraasaddan ayaa sheegay in shaqaalaha xafiiska Maamulka Gobolka Benaadir ee bixiya shatiyada ganacsiga ay ganacsiyada qof ugu soo dhiibaan fariimo ku saabsan dhicitaanka shatigooda iyo in ay muhiim tahay inay si degdeg ah dib u cusbooneysiiyaan. Waxay sheegeen in xafiiskan uu heysto diiwaannada ganacsiyada uu usoo saaray shatiyada, taasoo fududeyneysa u-dhabagalka ganacsiyada shatiyadooda dhacay ama ku dhow in ay dhacaan.
Taas caksigeeda, milkiilayaasha Bajaaj-ta waa canshuur bixiyeyaasha keliya ee leh barnaamij moobil oo ay ku bixiyaan canshuurta wado-marista ee $15 bishii ah islamarkaana halkaas ka hela ogeysiisyada. Sidoo kale, booliska kormeera u hoggaansanaanta canshuurta darawalada Bajaaj-ta ayaa isticmaala tiknoolajiyadan waxayna si fudud ku ogaan karaan haddii Bajaaj-yada waddada socda ay bixiyeen canshuurta iyagoo hubinaya macluumaadka sida taargada.
Marka lagasoo tago arrintan, guud ahaan, ka qeybgalayaashu waxay muujiyeen walaac ku saabsan inaysan helin xiriir rasmi ah oo ku saabsan heerarka canshuuraha kala duwan, ayna bixiyaan lacagta ay canshuur uruuriyeyaasha u sheegaan in ay bixiyaan.
Dhaleeceyn ku Aaddan Hab-dhaqanka Canshuur Uruuriyeyaasha
Ka-qeybgalayaasha daraasadda ayaa si isku mid ah caro iyo xanaaq xooggan uga muujiyay hab-dhaqanka canshuur uruuriyeyaasha Maamulka Gobolka Benaadir, kuwaasoo ay ku tilmaameen inay yihiin “kuwa aan xirfadeysneyn,” “ixtiraam darro ah,” sidoo kalena “xaqiraad” ku ah karaamada dadka. Waxay Maamulka Gobolka Benaadir ku dhaleeceeyeen in ay canshuur uruurinta u xilsaarteen boolis hubeysan iyo shaqaale rayid ah oo aan “tababar iyo akhlaaq lahayn” kuwaasoo ay sheegeen inaysan ku habbooneyn shaqadan, oo u baahan sabar, naxariis, iyo garasho wanaagsan.
Waxay tilmaameen xaalado muujinaya dhaqankan aan habbooneyn. Waxaa ka mid ahaa, balse aan ku koobneyn, shaqaalaha booliska ee hubeysan iyo shaqaalaha rayidka ah oo albaabada si xooggan u garaaca, iyagoo aan ixtiraamaynin xurmadda guryaha iyo bed-qabka dadka deggan. Marka ay albaabka furaan, sida ay ka-qeybgalayaashu sheegeen, canshuur uruuriyeyaashu waxay ku qasbaan qofka ugu horreeya ee ay la kulmaan inuu soo raaco uuna galo gaari gaar ah oo ay wataan, kaasoo markaas u kexeeya xafiisyada maamulka degmada. Halkaas ayaa lagu sheegay in ay ku hayaan goobo bannaan oo aan lahayn goob ay kuleylka qorraxda ka galaan. Dadkan waxaa la heystaa ilaa lacagta canshuurta uu milkiilaha bixiyo ama ilaa qof qaraabo ah oo ka tirsan maamulka degmada ama qof kale oo xiriir la leh maamulka degmada uu ka damiinto.
Ka-qeybgaleyaasha deggan guryaha kirada ah ayaa si xooggan uga cawday in canshuur uruuriyeyaasha ay si khaldan u xiraan xubno ka tirsan qoysaska deggan guriga la beegsaday, xitaa haddii aan iyaga si shakhsi ah looga doonayn canshuuraha. Waxay ku andacoonayaan in canshuuraha guryaha ay bixinayaan milkiilayaasha guryaha. Sidoo kale, waxay canshuur uruuriyeyaasha ku dhaleeceeyeen in ay guryaha yimaadaan marka ay kaliya joogaan caruurta iyo dadka da’da ah, oo ay waalidkii shaqo ku maqan yihiin. Ka-qeybgalayaashu waxay cilmibaarayaasha SPA u sheegeen tusaalooyin argagax leh oo ku saabsan caruur iyo hooyooyin dhallaan nuujinaya oo si xoog ah loo geeyay xarumaha degmooyinka si loo bixiyo canshuurta guriga ay deggan yihiin laga rabo.
Culeyskan kuma ekeyn dadka deggan guryaha oo keliya, laakiin sidoo kale waxaa dareemay ganacsatada, oo ay kamid yihiin milkiilayaasha ganacsiyada yaryar ee suuqyada magaalada, kuwaas oo si weyn u muujiyay caradooda. Ganacsatadan ayaa ka cabanaysay dhaqanka ay badanaa kala kulmaan canshuur uruuriyeyaasha marka shatigooda sanadlaha ah uu dhoco ama marka canshuuraha suuqa ee maalinlaha ah laga qaado ganacsatada waddooyinka ee suuqyada kala duwan ee magaalada. Ka-qeybgalayaashu waxay ka cabanayeen in marka uruuriyeyaasha canshuuraha ay ogaadaan in shatigooda ganacsiga uu dhacay ay xiraan albaabada ganacsiga iyadoo shaqadii macaamiisha loo adeegayay ay socoto.
Ka-qeybgalayaasha ayaa tilmaamay dhacdooyin ay canshuur uruuriyeyaasha ka rogeen gaari-gacanka waratada waddooyinka u yaalla markii aanay bixin canshuuraha suuqa ee maalinlaha ah, taasoo keentay in alaabtooda ay ku dhex-darmaan kuwa deriskooda ah, taasoo dhib weyn ku noqota inay kala soocaan alaabaha isku dhex darsamay. Waxa ka welwel badan oo ay sheegeen in xilliyada roobka, haddii waratada waddooyinka ay awoodi waayaan inay bixiyaan canshuuraha suuqa ee maalinlaha ah, ay halis ugu jireen in alaabtooda lagu tuuro dhiiqada si ciqaab looga dhigo. Jawaab-bixiyeyaasha ayaa garwaaqsaday in dhaqamadan aan habbooneyn ay dadka si weyn uga niyad jabin karaan in ay si isxilqaan ah u bixiyaan canshuuraha, waxayna xoojineysaa kalsooni darrada lagu qabo hay’adaha dowliga ah.
Qaab-dhismeedka Sharci
Qaab-dhismeedka sharci waxay lagama maarmaan u yihiin isku-day kasta oo ay hay’adaha dowliga ahi ku doonayaan inay dhakhli ku uruuriyaan. Inagoo taas maskaxda ku hayno, waxaan ka-qeybgalayaasha daraasadda weydiinay intee in la eg ayay aaminsan yihiin in dakhliga canshuuraha ee Maamulka Gobolka Benaadir uu leeyahay qaab-dhismeed sharci ama haddii ay ogyihiin jiritaanka sharciyo Maamulka Gobolka Benaadir u siinaya awoodda uu ku uruurin karo noocyada kala duwan ee canshuuraha uu ka qaado qeybaha kala duwan ee bulshada. Dhammaan jawaab-celiyeyaashu waxay qireen in aanay gabi ahaanba aqoon u lahayn wax sharci ah oo jiro oo xaqiijin kara dakhliyada canshuuraha ee kala duwan iyo saamiga canshuuraha la uruuriyo.
Ka-qeybgalayaasha waxay aaminsan yihiin in dakhliga canshuuraha ee Maamulka Gobolka Benaadir uu yahay mid sharci ah ilaa inta maamulka uu horkacayo uruurintiisa, iyagoo sharciyadda canshuuraha la xiriiriyay maamulka markaas talada haya iyo ku lug lahaanshihiisa. Tani waxay sharraxeysaa sida dadka maxalliga ah aysan u ogeyn sharciyada si dakhli loo uruuriyo iyo in maamulku uusan xaq u lahayn inuu ku lug yeesho dakhli uruurin haddii uusan haysan qaab-dhismeed sharci oo siinaya awoodahaas. Qaab-dhismeedyada sharci ayaa go’aamiya noocyada dakhli iyo saamiga la uruurinayo iyo hay’adda dowladeed ee u xilsaaran uruurinta nooca canshuurtaas.
Sikastaba ha noqotee, ilo ka tirsan Maamulka Gobolka Benaadir ayaa sheega in aysan jirin sharci ama ha ahaado mid laga dhaxlay xukunkii militariga ama mid uu soo saartay baarlamaanka federaalka oo sharciyad u siinaya uruurinta dakhliga canshuuraha uu Maamulka Gobolka Benaadir qaado. Taas beddelkeeda, waxay ku xeran tahay keliya awaamiirta duqa magaalada oo sidoo kale ah guddoomiyaha gobolka Benaadir ee waqtigaas jooga, kaasoo billaaba noocyo cusub oo canshuuro ah iyo qiimaha la uruurinayo.
Daah-furnaanta iyo Adeeg-bixinta oo Xaddidan
Waxaan weydiinnay ka-qeybgalayaasha dood-kooxeedyada iyo xog-oggaalada aan wareysanay ilaa inta ay ku qanacsan yihiin, ama ay aaminsan yihiin in dadka kale ku qanacsan yihiin, canshuuraha uu Maamulka Gobolka Benaadir ka qaado. Waxay intooda badan ku jawaab-celiyeen in aysan ku qanacsaneyn canshuuraha uu qaado Maamulka Gobolka Benaadir. Waxay qanacsanaan la’aantooda ku sharraxeen in aysan u muuqan wax beddel ah oo loogu sameeyay canshuurahooda sida adeegyada bulshada. Sidoo kale, waxay sababta kale oo ay ugu qanacsaneyn ku tilmaameen in Maamulka Gobolka Benaadir aanay ka jirin hufnaan iyo isla-xisaabtan ku aaddan dakhliga canshuuraha laga soo uruuriyey dadka maxalliga ah. Sikastaba ha ahaatee, waxay sheegeen inay canshuuraha u bixiyaan si ay isaga badbaadiyaan xadgudubka iyo cadaadiska ay sida joogtada ah ugala kulmaan canshuur uruuriyeyaasha.
Xalka
Natiijooyinkan hordhaca ah ee kasoo baxay daraasadda waxay soo bandhigayaan muqaal aan qurxaneyn oo ku saabsan hannaanka canshuur uruurinta ee Maamulka Gobolka Benaadir, waxayna muujinayaan baahida loo qabo in la sameeyo dib-u-habeyn degdeg ah. Dib-u-habeyntaas waxaa ka mid noqon kara diyaarinta sharciyo uu soo saaro baarlamaanka federaalka, maadaama maqaamka gobolka Benaadir uusan weli caddeyn islamarkaasna uu hoos yimaado dowladda federaalka. Maamulka Gobolka Benaadir, ugu horreyn, wuxuu u baahan yahay qaab-dhismeedyo sharci oo qeexaya noocyada dakhliga iyo saamiga canshuuraha ee midwalba laga rabo, taasoo dadka maxalliga ah siinaysa sababo sharci oo ay canshuuraha ku bixiyaan. Sidoo kale, Maamulka Gobolka Benaadir waa in uu dib u hagaajiyaa muqaalka iyo sumcada kaga xumaatay bulshada dhexdeeda isagoo noqonaya mid hufnaan sidoo kalena isla-xisaabtan la yimaada marka la joogo dakhliga iyo kharashaadka sidoo kalena dakhli uruurinta u xilsaaraya howlwadeenno aqoon leh, oo qaatay tababarro ku saabsan sida loola macaamilo oo loo wanaajiyo canshuur-bixiyeyaasha.
Farhan Isak Yusuf waa Agaasime Ku-xigeenka Somali Public Agenda.
Somali Public Agenda is a non-profit public policy and administration research organization based in Mogadishu. Its aim is to advance understanding and improvement of public administration and public services in Somalia through evidence-based research and analysis.
Stay updated on governance and public services in Somalia!