
Somali Public Agenda
March 25, 2023
Heshiiska Siyaasadeed ee Hirshabeelle
Bishii October ee sanadkii 2016 ayaa si degdeg ah loo dhisay dowlad-goboleedka Hirahabeelle. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd loogu qabto magaalada Jowhar.
Jowhar waxa ay noqotay caasimadda dowlad-goboleedka halka madaxweynahana uu kasoo jeeday gobolka Hiiraan. Iyadoo ay khilaafyo ragaadiyeen maamulka, ayaa bishii Nofeembar 2020 madaxweynaha dowlad- gobolleedka loo doortay Cali Cabdullaahi Xuseen ‘Guudlaawe’ oo kasoo jeeda gobolka Shabeellada Dhexe.
Khilaafyo siyaasadeed ayaa dib-u-dhac ku keenay horumarro badan oo laga sameyn lahaa dowlad-goboleedka. Daraasad ay si wadajir ah dhawaan u daabaceen Somali Public Agenda iyo Somali Dialogue Platform ayaa lagu falanqeeyay caqabadaha heysta dowlad-goboleedka iyo sida loo xallin karo.
Podcast-gan waxa ay qoraaga daraasadda Farxaan Isaaq Yuusuf iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan “Heshiiska siyaasadeed ee Hirshabeelle: Fursadaha lagu dhalin karo hannaan siyaasadeed oo loo dhanyahay”.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, Google Podcasts and Amazon Music.
Recent Posts
-
04 Oct 2026E81. Dowlad-dhiska, Nidaamka Federaalka iyo Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland -
24 Sep 2026Bridging Citizens and Local Governments: Lessons from Governance Dialogues in Galmudug and Puntland -
20 Sep 2026E80. Sida Baarlamaanku u Shaqeeyo & Sida Doorashadu u Soo Saari Karto Xildhibaanno Tayo Leh



