Sare-u-kaca Kirada Guryaha Muqdisho: Sababaha, Saameynta iyo Xalka 

Commentary

Muqdisho waa magaalada ugu dadka badan Soomaaliya waxa ayna sanadkii 2015-kii kaalinta labaad ka gashay magaalooyinka ugu kobaca badan caalamka oo ay ku xigsatay magaalada Batam ee dalka Indonesia. Sanadkii 1940, Muqdisho waxaa ku noolaa ku dhawaad 40,000 oo qof. Xornimadii kadib sanadkii 1960, magaalada waxaa ka bilowday magaalayn xawli ah iyadoo uu si xawli ah u kobcay magaalaynta dhismayaasha aan rasmiga ahayn ee magaalada waxa ayna magaaladu kobceysay 10% sanad weliba sanadihii 1960-aadkii. Wax yar kahor burburkii taliskii militariga ee dabayaaqadii 1980-meeyadii, dadka ku nool magaalada waxaa lagu qiyaasay hal milyan. Sikastaba ha ahaatee, dagaalladii sokeeye iyo barakacyadiibaaxadda lahaa ee soo noqnoqday intii u dhexeysay sanadihii 1991 ilaa 2011 ayaa sababay in tirada dadka ku nool Muqdisho ay isbed-bedelaan. Kadib markii Al-Shabaab ay ka bexeen magaalada dhamaadkii 2011, Soomaali badan ayaa billaabay inay dib ugusoo laabtaan Muqdisho, oo ay ku jiraan qaar ka yimid dibadda.

Kusoo laabashada dadkii hore iyo kuwii cusbaa ay dib ugusoo laabteen magaalada Muqdisho nabaddii la helay kadib, waxaa muuqatay in qof kasta aanu dhul iyo guri ka heli karin magaalada maadaama aanayawoodin in ay iibsadaan. Tani waxay keentay in aysan heysan wado kale oo aan ahayn inay noqdaankiraystayaal. Dhaqaalaha dalka oo liita, qiimaha dhulka Muqdisho oo qaali ah, iyo dakhliga soo gala bulshada oo yar awgood, ma fududa in qoysas badan ay guryo yeeshaan ama ay noqdaan dad si rasmi ah ugu negaada meelaha ay daggan yihiin. Sidaas darteed, waxay ku qasban yihiin inay muddo dheer sii ahaadaan kiraysteyaal. Sikastaba ha ahaatee, qiimaha kirada Muqdisho ee sii kordhaysa awgeed, kiraystenimada ayaa sidoo kale noqonaysa mid aan loo adkeysan karayn.

Somali Public Agenda (SPA) ayaa qabatay madal 13-kii Oktoobar 2022 si loo fahmo sababaha keena kororka qiimaha kirada guryaha, saameynta ay ku leeyihiin dadka danyarta iyo saboolka ah ee ku nool Muqdisho, iyo xalalka suurtagalka ah ee lagula tacaali karo. Dad badan ayaa kasoo qeyb galay doodda oo isugu jiray qareenno, milkiilayaal guryo, kireystayaal, howlwadeenno nootaayooyin, cilmibaarayaal, dallaaliin guryo, iyo xubno ka tirsan ururrada dhallinyarada. Sidoo kale waxaa madasha ku sugnaa wakiillo ka kala socday Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta ee dowladda federaalka iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Sababaha Keena Sareukaca Kirada Guryaha

Arrimo badan ayaa sababa qiimaha sarreeya ee kirada guryaha Muqdisho. Arrimahaas waxaa kamid ah amni-xumo ka jirta xaadafaha qaar ee magaalada, halka xaafado kalena ay haystaan xoogaa amni ah, tirada dadka oo sii kordhaysa iyo magaaleynta Muqdisho oo si xowli ah ku socota.

Amniga: Inkastoo Al-Shabaab laga saaray Muqdisho dabayaaqadii 2011, haddana ammaanka guud ee magaalada weli waa mid aan xasilloonayn, waxaana lagu tiriyaa meelaha ugu ammaanka liita ee Soomaaliya. Sikastaba ha ahaatee, xaaladda amni ee xaafadaha magaalada ayaa kala duwan. Degmooyinka ku yaalla daahafa, kuwa dhexe, iyo aagagga aadka loo ilaaliyo ee magaalada  waxay leeyihiin heerar amni oo kala duwan, kaasoo saameyn ku leh qiimaha dhulka iyo sidoo kale qiimaha kirada guryaha. Sidaas darteed, dad badan, oo ay ku jiraan shaqaalaha dowladda, qaar kamid ah qurbajoogta, ajaanibta, iyo ganacsatada, degitaanka degmooyinka hareeraha ku yaalla xisaabtaba uguma jirto. Waxay inta badan degaan degmooyinka xasilloon ee bartamaha magaalada, halkaasoo qiimaha kiradu ay tahay mid aad u sarreysa. Intaa waxaa dheer, safaaradaha iyo hay’adaha dowliga ah iyo kuwa caalamiga ahi waxay xoogga saaraan degidda goobaha nabdoon ee la ilaaliyo, dowladduna ku badan tahay.

Sida uu sheegay mid kamid ah dallaalada dhulka, degmooyinka Wadajir, Hodan, iyo Waaberi ayaa kamid ah degmooyinka ugu qaalisan dhanka kirada guryaha ee magaalada Muqdisho. Inta badan xafiisyada dowladda waxa ay ku yaallaan degmooyinkaas iyo degmooyinka kale ee muhiimka ah sida Warta-Nabadda, Xamar Weyne, iyo Cabdi-Casiis. Sidoo kale, marka ay dadku shaqo ka helaan hay’adaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn, waxay inta badan u guuraan degmooyinkan dhexe, sababo ammaan dartood. Arrinkan jira awgeed, milkiilayaashu waxay ka faa’iidaystaan nuglaanshahan iyo baahida sarreysa iyagoo kordhiya qiimaha kirada markasta oo dad badan ugu yimaaddaan si maalinle ah.

Baahida Korortay: Baahida sarreysa ee guryaha kirada ah ayaa la rumeysan yahay inay tahay arrin kale oo weyn oo sabab u ah sare-u-kaca kirada guryaha Muqdisho. Magaalada ayaa ah tan ugu dadka badan dalka, waxaana lagu qiyaasaa dadka ku nool in ka badan 2 milyan oo qof. Tirada dadka kasoo hayaamaya gobolladakale ee dalka, kuwaasoo u badan dhallinyaro, islamarkaana usoo raadsanaya caasimadda waxbarasho sareiyo fursadaha shaqo ayaa aad usoo kordhayay tobankii sano ee u dambeeyay.

Sidoo kale, kadib markii ammaanku soo hagaagay, dowladduna ay si buuxda gacanta ugu dhigtay magaalada dabayaaqadii sanadkii 2011-kii, waxaa xaaladda qiimaha kirada guryaha ugasii daray qurbajoog hantiilayaal ah, kuwaasoo billaabay inay iibsadaan maalgashadaanna guryaha iyo goobaha ganacsiga, islamarkaana ay ka kiraystaan guryaha xaafadaha ugu ammaanka badan, iyagoo qiimo sare ku kireysanaya. Baahida badan ee ay sabab u tahay kororka dadka magaalada ku nool oo ay weheliso rajada maalgashadayaasha ee ah in si degdeg ah ay ugusoo laabato maalgashigoodii ayaa dhaliyey qiimaha kirada oo aad loo kordhiyo.

Dhinaca kale, ka qaybgale madasha SPA ayaa ku dooday in qurbajoogta badankoodu aanay ahayn kuwo ka warqaba qiimaha kirada guryaha, islamarkaana dhaqaale fiican ay soo galaan marka loo barbar dhigo dadka deegaanka. Sidaas awgeed, waxay inta badan aqbalaan qiimaha kirada sarreeya ee ay milkiilayaasha dalbadaan. Qiimahaasi wuxuu noqdaa halbeeg kiro, si joogto ahna loo kordhiyo iyadoo aan la tixgelineynindadka dakhligoodu yar yahay iyo kuwa saboolka ah ee aan awoodin inay iska bixiyaan lacagahan.

Magaaleyn Degdegga ah: Kadib nabaddii soo hagaagtay ee Muqdisho iyo dhismihii dowladdii ugu horreysay ee aan kumeelgaar ahayn sanadkii 2012, waxaa billowday dadaallo horumarineed iyo dib-u-dhis. Saddex sano kadib, 2015, Muqdisho waxay gashay kaalinta labaad magaalooyinka ugu kobaca badan adduunka tirakoobay samaysay hay’adda Demographia (marka lagasoo tago Batam, Indonesia). Dhulka iyo dhismayaasha ayaa kamid ah qeybaha sida xowliga ah kor ugu socda magaalada Muqdisho, halkaasoo bangiyada iyo ganacsatada ay si weyn u maalgashadaan. Xaafadda Daaru Salaam oo ku taalla degmada Yaaqshiid ayaa tusaale u ah. Wajigii hore ee kharashka ku baxaya dhismaha ayaa lagu qiyaasay US$20 milyan oo lagu dhisayo 500 oo guri.

Sikastaba ha ahaatee, kharashaadka kireynta iyo qiimaha guryaha ma aysan wajahin hoos-u-dhac inkastoo ay korortay maalgelinta dhismayaasha. Taa beddelkeeda, qiimaha kirada ayaa si joogto ah kor ugu kaca markasta oo guryo iyo dabaqyo cusub la dhiso, milkiilayaashuna waxay kor usii qaadaan halbeegga kirada markasta oo ay furaan mashaariic dhisme oo cusub.

Waxyaalaha Ka Qeyb Qaadanaya

Marka lagasoo tago sababaha keena sare-u-kaca qiimaha kirada Muqdisho, badeecaynta dhulka iyo maalgelinta hantida ma guurtada ah ayaa qeyb ka ah qiimaha kirada Muqdisho.

Badeecaynta Dhulka: Dhulka loo asteeyay ganacsiga iyo deegaanka ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo badeecadeeyay. Tani waxay keentay sare-u-kac aan horey loo arag oo ku yimid qiimaha dhulka iyo kireynta, kuwaas oo aan ka tarjumayn horumarka xaaladda dhaqaale ee dalka iyo dadka. Waxyaallo kala duwan ayaa la aaminsan yahay inay ka dambeeyaan ganacsiyeyntan oo ay kamid yihiin buunbuuninta qiimaha dhulka, maalgashiga qurbajoogta ee dhulka iyo dhismayaasha, iyo dano kale oo ganacsi.

Waxaa intaa dheer, jilayaal kala duwan oo ku lug leh go’aannada la xiriirta dhulka, dhaqaalaha kala iibsiga, iyo garsooridda khilaafaadka waxay kharashaad badan ku daraan dhulka iyo dhismihiisa maadaama dhammaan jilayaasha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn ay lacag ku helaan habab kala duwan sida khidmad, laaluush, iyo canshuur. Kharashyadan waxaa loosii gudbiyaa kiraystayaasha, iyadoo sidoo kale gacan ka geysata sare-u-kaca qiimaha kirada.

Maalgelinta Hantida Maguurtada ah: Iyadoo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu si tartiib tartiib ah u bilaabayo shaqadiisa iyo nidaaminta bangiyada, hay’adaha maaliyadda ayaa shaqadooda waafajinaya tan dowladda. Shaqada bangiyada ayaa ah mid billow ah, waxaana ilaa hadda ka diiwaan gashan bangiga dhexe ee Soomaaliya dhowr bangi oo ganacsi. Maalgelinta hantida maguurtada ah waa mid kamid ah adeegyadamaaliyadeed ee ugu muhiimsan ee bangiyadani hadda ay bixiyaan.

Sikastaba ha ahaatee, Injineer ka shaqeeya ganacsiga dhulka iyo dhismayaasha oo lagu wareystay faalladan ayaa ku dooday in Muraabaxa ay qeyb ahaan sababto sare-u-kaca kirada Muqdisho. Waxa uu ku dooday in milkiilayaasha guryaha oo hela maalgelin bangi oo ay ku dhistaan guryahooda, ay aad u cadaadiyaan kiraystayaasha iyagoo ka qaadaya kiro guri aad qaali u ah, iyagoo mararka qaarkoodna ka dalbadakiraystayaasha in ay dhowr bilood kirada guriga hormariyaan. Marka tan la sameeyo, ayuu yidhi, mulkiilayaashu waxay si dhakhsi ah dib ugusoo celin karaan lacagta bangiga iyagoo islamarahaantaana faa’iido degdeg ah ka sameeya.

Natiijada Qiimaha Sare ee Kirada Guryaha 

Natiijada ka dhalata sarreynta qiimaha kirada guryaha magaalada Muqdisho waxaa inta badan dareema dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danyarta ah ee ku nool magaalada. Barabixin ay sababtay guri ka saarid iyo amni darrada ka jirta xaafadaha qaar ayaa – qeyb ahaan – kamid ah cawaaqibta ka dhalata qiimaha sarreeya ee kirada guryaha magaalada Muqdisho.

Barabixin: Qiimaha kirada Muqdisho oo aan la awoodi karin walibana sii kordhaysa awgeed, qaar kamid ah dadka saboolka ah iyo kuwa barakacayaasha ayaa si iskood ah ugu guura daafaha magaalada si ay u helaan guryo qiimaha kiradoodu jaban tahay ama xeryo barakacayaal oo ay degaan. Inta badan deegaannadan ayaa ka khatar badan degmooyinka ku yaalla gudaha magaalada oo dadkan lagasoo barabixiyey.

Horumarka kooban iyo yaraanta fursadaha shaqo ee ka jirta daafaha magaalada awgood, dadkani ayaa ku qasban in ay maalin walba soo aadaan bartamaha magaalada si ay nolol maalmeedkooda uga helaan ugana laabtaan qorrax dhaca. Sidoo kale, waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ah waddada halbowlaha u ah oo ay isticmaalaan dadka deggan daafaha Muqdisho ayaa ah mid aan ammaankeeda la isku halleyn karin, waxaana inta badan ka dhaca qaraxyo. Qaraxii ugu dambeeyay ayaa dhacday bishii October ee sanadkii hore, kadib markii miino dhulka lagu aasay ay haleeshay bas ay saarnaayeen dad shacab ah oo waddada marayay, waxaana ku dhintay sideed qof oo rakaab ah.

Gurika-saarid Qasab ah: Tobankii sano ee lasoo dhaafay, waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay guri-ka-saarid badan kuwaasoo inta badan lagu sameeyo barakacayaasha, taasoo ay keentay sare-u-kaca qiimaha dhulka iyo hantida ma guurtada ah iyo kororka tirada dadka dhisaya guryaha iyo goobaha ganacsi.Sanadkii 2017 oo keliya, dad lagu qiyaasay 148,000 ayaa laga saaray guryo. Qaar badan oo dadkaas kamid ah ayaa loo barabixiyey degmooyinka durugsan, oo ay kamid yihiin Dayniile iyo Kaxda. Markii laga saaray, ma waayin guryahoodii keliya iyo hoygoodii ee sidoo kale waxay waayeen ilohoodii dhaqaale iyo cunto iyo hantidii ay ku noolaayeen.

Intaa waxaa dheer, xaaladaha qaarkood, barakacayaasha waxaa loo isticmaalaa aalad lagu kordhiyo qiimaha dhulka kadibna waxaa la dejiyaa goobo cusub, xaaladdaasna waa mid soo noqnoqota. Barakacayaashu waxay sidoo kale door ka ciyaaraan deegaameynta dhul aan horay loo degin iyagoo xeryo ka sameysta sidoo kalena ku xira kaabayaasha dadka deegaanka. Tani waxay qiimo ku kordhinaysaa dhulkan. Milkiilayaasha dhulku ayaa ku noqon kara barakacayaasha si ay uga saaraan ugana sameeyaan ganacsiyo hormarineed iyo guryo. Waxaa xusid mudan in sare-u-kaca qiimaha kireynta ay kamid tahay waxyaabaha sare u qaaday qiimaha dhulka ee gobolka Banaadir. Sidaas awgeed, milkiilayaashu waxay barakacayaasha iyo dadka saboolka reer magaalka ah ka saaraan dhulkooda si ay u horumariyaan ama u kireeyaan.

Walaac Amni: Dhibka haysta dadka saboolka ah ee magaalada iyo kuwa barakacayaasha ah kuma ekaintaas. Markii ay la qabsadaan ku noolaashaha deegaannadooda cusub ee degmooyinka ka durugsanmagaalada, waxay la kulmaan caqabado cusub. Deegaannada ku xeeran magaalada ayaa la og yahay inaysan ammaan ahayn, adeegyada amni ee dowladduna waa kooban yihiin. Baad, jidgooyo sharci darro ah, dhac, iyo dambiyo abaabulan ayaa ka dhaca duleedka magaalada.

Intaa waxaa dheer, burcadda caanka ah ee  Ciyaal Weero ayaa ku sugan goobahaas, waxayna ka geystaan dembiyo, oo ay kamid yihiin dil, dhac iyo weerarro. Dhinaca kale, mid kamid ah dadka ku nool xaafado ku yaalla duleedka magaalada oo aan u guuri karin bartamaha magaalada, sababo la xiriira qiimaha kirada oo aad u sareeya awgeed, ayaa tilmaamay inuu xilli hore maqribkii kasoo baxo magaalada, uuna aado gurigiisa. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in ay ku adag tahay inuu ka qeyb galo munaasabadaha iyo kulamada ka dhaca magaalada habeenkii amaba in uu iska diiwaangeliyo koorsooyin la dhigto habeenkii kuwaasoo lagu bixiyo bartamaha magaalada, sababo amni agwood.

Xalka

Ugu horeyn, dowladda waxaa looga baahan yahay inay hagaajiso ammaanka guud ee magaalada Muqdisho. Xaaladda amni ayaa dad badan ku qasabtay in ay isugu soo aruuraan meelo kooban oo magaalada kamid ah halka inta kale ay yihiin kuwa aan la degganeyn ama dadka deegaanka ay ku yar yihiin. Inta badan shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa hay’adaha caalamiga ah ayaa deggan bartamaha magaalada sababo la xiriiraxaaladda amni ee magaalada oo liita. Sidaas darteed, kirooyinka guryaha iyo qiimaha maciishada ee xaafadaha muhiimka ah ee Muqdisho ayaa kor u kacaya. Amniga magaalada oo dhan oo la hagaajiyo ayaa fududeyn doona isku raranka ka jira qeybo kamid ah magaalada, waxaana ay qeyb ka qaadan kartaa hoos u dhac ku yimaada qiimaha kirada ee magaalada Muqdisho.

Midda labaad, waa in ay dowladdu soo saartaa sharciyo iyo siyaasado cusub si loo xakameeyo loona nidaamiyo dhulka loogana hortago ku-takri-falka kirada. Waa inay siyaasaduhu, tusaale ahaan, dejiyaan xad aan qiimaha kirada la dhaafi karin iyadoo la eegayo xaaladda dhaqaale ee dalka; inta uu milkiiluhu weydiisan karo debaajiga heshiisyada cusub; iyo inta uu milkiiluhu kordhin karo kirada; waana in ay siyaasadahaas soo bandhigaan habab awood u siinaya kiraystayaasha iyo milkiilayaashaba inay yeeshaan heshiisyo cadaalad ah. Heshiisyada kirada ee hadda jira, milkiilayaasha guryaha ayaa dajiya shuruudaha “heshiisyada”, taasoo aan fursad siinin kiraystayaasha. Waxaa intaa dheer, maxkamadaha way ku adag tahay in ay dhegaystaan kiisaskan oo kale maadaama sharciyada yar ee hadda jira ee dhulka la xiriira ay kuwo sanado hore la sameeyay yihiin. Arrintan waxay si degdeg ah ugu baahan tahay sharci cusbooneysiin iyo siyaasado. Dhinaca kale, dabaqyada qeyb-qeybsan ayaa si xowli ah ugusoo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo ay ugu wacan tahay maalgelinta faraha badan ee lagu sameynayo guryaha. Sikastaba ha ahaatee, qeybtan cusub ee soo baxaysa ma laha sharciyo sharraxaya xuquuqda lahaanshaha. Sikastaba ha ahaatee, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan magacaabay “Agaasimaha apartment-yada”, balse waxaa mugdi ku jira shaqada waaxdan cusub.

Midda saddexaad, waa in la daadejiyo caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada,waxtarkoodana waxaa loo baahan yahay in kor loo qaado. Sidoo kale, waa in la qeybiyaa fursadaha shaqo iyo kuwa shaqaaleysiin, maalgashadayaashana waa in aysan Muqdisho oo keliya ku ekeynin maalgashigooda. Dad badan oo kasoo guura gobollada kale ee yimaada magaalada Muqdisho ayaa raadiya waxbarasho heer jaamacadeed ah iyo adeegyo bulsho oo aan ka jirin ama aan ku filneyn gobolladii ay ka yimaadeen, halka qaar kalena ay raadinayaan fursado shaqo maadaama Muqdisho ay hesho maalgashi aad uga badan magaalooyinka kale ee dalka. Dowladdu waa inay sidoo kale ku dhiirigelisaa qurbajoogta Soomaaliyeed iyo maalgashadayaasha kale ee ajnabiga ah inay maalgashadaan gobollada kale si ay shaqo abuur iyo fursado shaqaaleysiin uga abuuraan.

Midda afraad, waa in la dejiyaa siyaasado looga hortagayo hooy-ka-saaridda qasabka ah laguna taageero dadka ay saamaysay barabaxa sidii ay dib ugu degi lahaayeen. Inkastoo Muqdisho ay si xawli ah u horumarayso, haddana magaaleynta xowliga ah ayaa dhaawacaysaa dadka saboolka ah ee magaalada iyo barakacayaasha. Waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 40% barakacayaasha Soomaaliya in ay ku nool yihiin Muqdisho. Dowladdu waa in aanay bulshadan jilicsan ku dayn maalqabeennada iyo ganacsatada, oo sannadihii u dambeeyay si weyn u maalgelinayay dhulalka iyo dhismayaasha.

Maxamed Aadam waa isku-duwaha doodaha iyo cilmibaare ka tirsan Somali Public Agenda.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *