
Somali Public Agenda
March 24, 2020
Sidee ayay Soomaaliya ugu diyaargaroobeysaa la tacaalidda COVID-19?
Qofkii ugu horreeyay ee laga helay caabuqan Soomaaliya waxaa xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 16-kii Maarso 2020 kaasoo ahaa arday Soomaali ah oo dhawaan kasoo laabtay dalka Shiinaha.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale joojiyey dhammaan duullimaadyada caalamiga ah laga bilaabo 19-ka Maarso muddo labo isbuuc ah.
Soomaaliya si lamid ah dalalka kale ee aan lahayn xuduudo adag, tahriibayaasha iyo ganacsigana isaga gooshaan, howlwadeenno calami ah iyo xoogag hubeysanna joogaan, suuragalnimada in uu cudurkan ku faafo dalka waa mid sarreysa sida ay sheegayaan khuburada caafimaadka ee ku takhasusay cudurrada faafa.
Podcast-gan waxaa marti noogu ah Qaasim Cabdi Jimcaale oo ah sii-hayaha Agaasimaha Machadka Qaran ee Caafimaadka. Waxa aan ka wareysannay sida ay muhiim ugu tahay Soomaaliya dejinta qorsheyaal loogu diyaargaroobayo lagulana tacaalayo cudurka covid-19.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts,
Recent Post
-
08 Jul 2025Examining Benadir Regional Administration (BRA) Tax Revenue: Types, Legal Frameworks, Collection Methods, and Service Provision
-
08 Jul 2025Taking the First Step: My Journey as an Intern at Somali Public Agenda
-
03 Jul 2025E.53 Shirkii Gogosha Wadatashiga Qaran & Natiijadii Ka Soo Baxday