Somali Public Agenda
December 13, 2022
Commentary
Somali Public Agenda
December 13, 2022
Hogaamiyeyaasha caalamka ayaa isugu yimid magaalada Sharm El-Shaikh ee dalka Masar, oo ay kaga qeyb galeen shirweynaha 27-aad ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan isbeddelka cimilada (COP27). Shirka ee uu halkudhiggiisu ahaa ‘shirka fulinta’ waxa uu hiigsigiisu ahaa in ficil loo beddelo ballanqaadyadii hore, oo ay ku jiraan kuwii qeybta ka ahaa Heshiiskii Paris ee 2015. Heshiiska Paris ayaa lagu ansixiyay shirweynihii COP21 ee ka dhacay Paris waxaana ujeedadiisu ahayd in la xoojiyo jawaabta caalamka ee isbeddelka cimilada iyadoo lagu dadaalayo in celceliska heerkulka caalamka aanu ka badan 2°C iyadoo hadafku yahay in la sii wado dadaallada lagu gaarsiinayo 1.5°C. Mowduucyada ugu waaweynaa ee COP27 sanadkan waxa ay diiradda saareen maalgelinta la qabsiga cimilada iyo magdhawga khasaaraha iyo dhaawaca. Markii ugu horeysay, magdhawga khasaaraha iyo dhaawaca ayaa ku jiray ajendaha shirka cimilada. Tani waxay ahayd tallaabo ay soo dhaweeyeen qaar badan oo kamid ah wadamada saboolka ah iyo jasiiradaha yaryar kuwaasoo si firfircoon ugu ololeynayay in arrintan lagu daro ajendaha COP.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaaminayay wafdiga COP27 ee Soomaaliya, oo ay kamid ahaayeen raysul wasaare ku xigeenka Saalax Jaamac iyo Wasiirka cusub ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi. Madaxweyne Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa yiri: “Ma jirto sinnaan iyo caddaalad lagu wadaago culeyska cimilada adduunka, sababtoo ah waddamada soo saara gaaska ugu yar sida Soomaaliya oo kale, waxay bixiyaan qiimaha ugu sarreeya labo jeer.” Soomaaliya waxa ay qaaca caalamka ku biirisaa wax ka yar 0.003% laakiin waa dalka labaad ee ugu nugul cimilada marka laga reebo Niger.
Dalku waxa uu la daalaa dhacayaa saameynta aan la qiyaasi karin ee dhibaatada cimilada oo inta badan ay u sii dheer tahay xaaladda amni iyo bini’aadamnimo oo sii xumaanaysa. Isbeddelka cimilada ee la xiriira abaaraha, daadadka iyo ayaxa ayaa inta badan sababa in ay baaba’aan xoolihii iyo wax soo saarkii beeraha, oo ah in ka badan 70% wax-soosaarka gudaha (GDP-ga) Soomaaliya. Kadib 4 xilli roobaad oo xiriir ah oo aanay roobabkii la filayay di’in, Soomaaliya waxaa ka jirta abaartii saddexaad tan iyo 2010, iyadoo ku dhawaad 7.8 milyan oo qof ay u baahan yihiin cunto iyo gargaar bini’aadamnimo oo degdeg ah. Lagasoo billaabo Janaayo 2021, in ka badan 1 milyan (oo u badan haween iyo carruur) ayaa ku barakacay abaarta oo soo galay magaalooyinka. Isbeddelka cimiladu waa sababta ugu weyn ee dhibaatada deegaanka sida abaaraha, daadadka, iyo ayaxa Soomaaliya. Intaa waxaa dheer, isbeddelka cimilada iyo colaaduhu waa isku xiran yihiin Soomaaliya waxayna saameeyaan dadka ugu nugul iyo kuwa ku tiirsan beeraha iyo xoolaha kuwaasoo ah ku dhawaad 60% dadweynaha.
Hoos-u-dhigidda qaaca iyo gaarsiinta 1.5 °C
Marka loo eego warbixinta uu dhawaan daabacay Intergovernmental Panel on Climate Change (IPCC), kulaylka caalamka ee ka sarreeya 1.5°C waxa uu horseedi doonaa kororka celceliska heerkulka dhulka intiisa badan iyo badaha, kuleyl daran ee inta badan gobollada, roobab culus oo ka da’a dhowr gobol, iyo suurtogalnimada abaaro iyo roob yaraan ee meelaha qaar. Iyadoo heerkulka adduunku uu hadda yahay 1.1°C oo ka sarreeya heerkii heerkulka ee warshadeynta kahor, saameynta cimilada ayaa durba laga dareemay adduunka oo dhan. Bishii Juun, Pakistan waxaa ka dhacay daadadkii ugu xumaa ee dunida, oo ay ku dhinteen 1,700 oo qof, 8 milyan oo qofna ay ku barakeceen, dhaqaale gaaraya $30 bilyan-na uu ku burburay. Marka heerkulka adduunka uu kusoo dhawaado 1.5 °C, tirada iyo baaxadda musiibooyinka cimiladu waxay noqon doonaan kuwo aad u baahsan.
Intii uu socday shirkii COP27, wufuuddu waxay mar kale xaqiijiyeen ka go’naanshahooda gaarsiinta qaaca hawada wasakheeya eber sanadka 2030 iyo celceliska heerkulka caalamka ilaa 1.5°C ee ka sarreeya heerkii warshadaha kahor. Ballanqaadka ah in la gaaro bartilmaameedka 1.5°C waa tallaabo muhiim ah. Sikastaba ha ahaatee, ka dhabeynta ballan-qaadkan waxay u baahan doontaa in la dhimo qaaca caalamka 50% 8-da sano ee soo socota. Bartilmaameedkan lama gaari karo iyadoo aan si degdeg ah loo dhimin qaaca dalalka qaarkood oo ay ku jiraan Shiinaha, Hindiya, iyo Mareykanka, iyo joojinta tamarta fosil-ka ah sida dhuxusha. 79% qaaca caalamka waxaa soo saara wadamada leh bartilmaameedyada yareynta qaaca. In eber la gaarsiiyo waxay u baahan doontaa tallaabo wadajir ah iyo in laga gudbo ballanqaadyada siyaasadeed lana qaado tallaabooyin macno leh oo degdeg ah si wax looga qabto qaaca.
Mid kamid ah arrimaha ugu badan ee la isku mari la’aa ee sanadkan shirka COP27 ayaa ahaa wejiga hoos u dhigidda shidaalka fosil-ka. Tillaabadii ugu muhiimsaneyd waxay dhacday sannadkii hore ee COP26 markii ay waddamadu gaareen heshiis ay ku taageerayaan ‘wejiga hoos-u-dhigidda tamarta dhuxusha’. Gaaritaanka heshiiskaas waxay ahayd geeddi-socod adag oo horseeday isbeddel xagga luqadda ee ‘wajiga yareynta’ oo laga dhigay ‘wajiga hoos-u-dhigista’ kadib iskacaabbin xooggan oo ka timid Shiinaha iyo Hindiya. Shirka sanadkan waxa uu doonayey in uu sii ambaqaado arrintan oo uu qaato go’aan adag oo lagu dhimayo isticmaalka shidaalka fosil-ka guud ahaan. Sikastaba ha ahaatee, heshiiska Sharm El-Shaikh waxa uu ku guul dareystay in lagu daro baaqyada lagu joojinayo isticmaalka shidaalka fosil-ka, kaasoo ah sababta koowaad ee dhibaatooyinka cimilada.
Luqadda ku qoran heshiiska Sharm El-shaikh ee shidaalka fosil-ka ayaa inta badan la mid ah Heshiiskii Cimilada ee Glasgow ee 2021 iyadoo loogu baaqay dalalka inay dardargeliyaan “dadaallada lagu joojinayo tamarta dhuxusha iyo kabidda dadaallada lagu yareynayo shidaalka fosil-ka ah.” Maadaama aanan laga heshiinin joojinta shidaalka fosil-ka, mustaqbalka gaaritaanka heerkulka 1.5°C waa mid aan la hubin. Horumar la’aanta arrintani waxay ka dhigan tahay in isticmaaleyaasha ugu badan ee shidaalka fosil-ka oo ay ku jiraan waddamada Khaliijka, Shiinaha, iyo Brazil ay xagal daacinayaan ballanqaadkoodii ahaa in heerkulka la gaarsiiyo 1.5°C. Joogitaanka in ka badan 600 oo qof oo u ololeeya shidaalka fosil-ka ee COP27 ayaa muujinaya saameynta sii kordheysa oo ay ku yeelanayaan shirka cimilada ee sannadlaha ah. Inkastoo ay tahay sababta koowaad ee kuleylka caalamka, baabi’inta shidaalka fosil-ka si rasmi ah weli loogama heshiin dhammaan shirarkii cimilada ee COP, oo uu ku jiro kii ugu dambeeyay ee COP27.
Intaa waxaa dheer, ka faa’iidaysiga shidaalka fosil-ku waa istaraatijiyad horumarineed ee dalal badan oo soo koraya, kuwaasoo dadka qaar u arkaan in ay dib-u-dhac ku tahay horumarka loo socdo ee in eber la gaarsiiyo. Sikastaba ha ahaatee, waxaa jirta qodob ay tahay in la sheego oo ah in haddii dalalka horumaray ay doonayaan in ay u sheegaan dalalka soo koraya in aysan ka faa’ideysan kheyraadkooda shidaalka iyo gaaska, gaar ahaan kadib markii ay dhaqaalahooda ku hodmeen iyagoo isticmaalaya kheyraadka shidaalka iyo gaaska, markaas waa in ay raacaan qorshe maaliyadeed oo lagu maalgeliyo cimilada si uu gacan uga geysto horumarinta tamarta nadiifka ah. Dalalka horumaray weli ma aysan fulin ballan-qaadkoodii 2009-kii ee ahaa in ay si wadajir ah u uruuriyaan USD 100 bilyan sannadka 2020 si wax looga qabto cimilada dalalka soo koraya, iyadoo la eegayo tallaabooyinka la qabsiga oo ay ku jiraan maalgelinta tamarta dib loo cusboonaysiin karo.
Afrika waxay leedahay ku dhawaad 40% awoodda caalamka ee tamarta la cusboonaysiin karo. Awoodda tamarta qoraxda iyo dabaysha ayaa 400 jeer ka badan kaydka shidaalka ee qaaradda. Inkastoo ay jirto fursaddaas weyn, maalgelinta nidaamyada tamarta la cusboonaysiin karo ayaa aad uga hooseeya maalgashiga shidaalka fosil-ka. Intii u dhexeysay 2019 iyo 2020, maalgelinta nidaamyada tamarta la cusboonaysiin karo ee Afrika waxay ahayd USD 9.4 bilyan marka la barbar dhigo USD 29.3 bilyan ee shidaalka. Ka dhabeynta fursaddan tamarta dib loo cusboonaysiin karo waxay u baahan doontaa helitaanka dhaqaalaha shirkadaha gaarka loo leeyahay, taasoo xilligan aanay heysan dalal badan oo qaaradda ah sababtoo ah deynta dulsaarka ah ayaa sarreysa, hababka bixinta waa adag yihiin, sidoo kalena waxaa jira istiraatiijiyad ka hortagga khataraha ee hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah. Inta badan maalgashiga shirkadaha gaarka loo leeyahay ee nidaamyada tamarta dib loo cusboonaysiin karo waxay inta badan ku xooggan yihiin dalalka woqooyiga adduunka sida Mareykanka, iyadoo ilaa 96% maalgelinta maaliyadeed ee cimilada Mareykanka ay ka timaado shirkadaha gaarka loo leeyahay marka la barbar dhigo 14% ee Afrika.
Soomaaliya ayaa ah dal kaalin aad u yar ku leh sii deynta qaaca hawada wasakheeya, taasoo wax ka yar 0.003% ka ah qaaca caalamka, iyadoo beeraha, kaymaha, iyo isticmaalka dhulka ay yihiin kuwa ugu badan ee ka qeyb qaata sii deynta qiiqa Soomaaliya. Sannadkii 2021, dowladda federaalku waxay dejisay yool ay ku dhimeyso 30% qaaca hawada wasakheeya sannadka 2030 iyadoo loo marayo dariiqa horumarinta dhaqaalaha ee qaaca hooseeya. Sikastaba ha ahaatee, iyadoo dalku uu ku sii socdo kobac ganacsi ee hooseeya, qaaca ayaa la filayaa inuu ka badan doono labo jibaar marka la gaaro sanadka 2030, gaar ahaan haddii Soomaaliya ay ku dadaasho ka faa’ideysiga shidaalka fosil-ka. Si loo hirgeliyo istiraatijiyadda yareynta, loona dhimo 30% qaaca sanadka 2030, Soomaaliya waxay u baahan doontaa qiyaastii USD 6.96 bilyan. Haddii aan taageero dhaqaale laga helin saaxiibada caalamka iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee lagula tacaalo cimilada, kobcinta awooda dowladda, iyo isticmaalka tignoolajiyadda, Soomaaliya si lamid ah qaar badan oo kamid ah dalalka deriska ma awoodi doonto inay gaarto yoolalkeeda yareynta qaaca.
Yareynta farqiga ka jira maaliyadda la qabsiga
Hindisayaasha la qabsiga ayaa halbowle u ah bulshooyinka la nool saameynta dhibaatooyinka cimilada. Bulshooyinka leh hab-nololeedyada ku tiirsan kheyraadka sida beeraha, hindisayaasha la qabsiga, oo ku dhiirigeliya beeralayda inay beeraan dalag cunto adkeysi leh iyo xoolo-dhaqatada in ay isticmaalaan hababka lagu tashiilayo biyaha, waxay ka caawiyaan bulshooyinka in ay ilaashadaan hab-nololeedkooda kana hortagaan dhibaatooyinka cimilada. Mashaariicda ay ka midka yihiin dib u soo celinta kaymaha iyo dhulka qoyan, dhisidda kaabayaal aad u adag, iyo dhisidda kanaalada waraabka iyo hababka digniinta waxay sidoo kale badbaadin karaan nolosha marka ay musiibo dhacdo. La qabsiga waxay ahayd arin muhiim u ah wadamada soo koraya iyo jasiiradaha yar yar, kuwaasoo ay sida daran u saamaysay dhibaatada cimilada.
Shirweynaha COP27 ayaa dib u xaqiijiyay ballanqaadkii la sameeyay sanadkii hore ee ahaa in la laba jibaaro dhaqaalaha la qabsiga ee wadamada soo koraya. Maaliyadda la qabsiga ayaa aad uga hooseysa maalgelinta yareynta saameynta cimillada. Ku dhawaad 25% dhaqaalaha cimilada ayaa lagu maalgeliyaa hindisayaasha la qabsiga. Laba laabidda dhaqaalaha cimilada ee la qabsiga ayaa muhiim u ah wadamada aanu dhaqaalahoodu hormarin. Wadamada dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay waxay heleen ku dhawaad 70% maaliyadda cimilada ee ay bixiyaan wadamada horumaray. Wadamadani waxay si sahlan u heli karaan dhaqaalaha la qabsiga, gaar ahaan haddii ay leeyihiin hay’ado adag iyo awood farsamo oo ay ku buuxiyaan shuruudaha maalgelineed ee adag. Inkastoo ay baahi badan u qabaan maaliyadda la-qabsiga, waddamada ugu hooseeya horumarka ayaa inta badan dhib ku qaba helitaanka lacagaha maalgelinta sababtoo ah ma heystaan awood iyo farsamo. Intii uu socday shirkii COP27, ra’iisul wasaare ku-xigeenka, Saalax Jaamac, ayaa ku dooday in Soomaaliya aysan awood u lahayn inay amaahato lacag, sidaas darteedna nooc kasta oo cusub ee maaliyadda cimilada waa in uu diiradda saaraa deeqaha.
Inta badan maalgelinta la qabsiga waxay ka timaadaa dowlado, marka la barbar dhigo kaalinta sare ee maalgelinta shirkadaha gaarka loo leeyahay ee yareynta. Wadarta guud ee dhaqaalaha la qabsiga ayaa ah mid aad uga hooseeya dhaqaalaha lagama maarmaanka ah si looga jawaabo saameynta hadda jirta iyo tan mustaqbalka ee isbeddelka cimilada. Warbixinta Farqiga La qabsiga (2021) ee Barnaamijka Deegaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in kharashka la qabsiga sanadlaha ah ee wadamada soo koraya uu u dhexeyn doono USD 155-330 bilyan marka la gaaro 2030. Inta badan lacagahaan waxaa bixiya dowlado. Shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa kaalin yar ka qaata maalgelinta la qabsiga. Waxaa jira labo arrimood oo ka dambeeya yaraanta maalgelinta ee shirkadaha gaarka loo leeyahay ee la qabsiga. Midda koowaad, hindisayaasha la qabsiga waxay inta badan keenaan faa’iidooyin bulsheed laakiin waxaa laga yaabaa inaysan u abuurin maalgashadayaasha dhaqaale la taaban karo. Midda labaad, qaar badan oo kamid ah dalalka cimilada u nugul sida Soomaaliya ayaa loo arkaa in aanay maalgelin karin maalgashadayaasha, maadaama dalalkan ay inta badan la daalaa dhacayaan colaado iyo xasillooni darro siyaasadeed. Sikastaba ha ahaatee, dhaqaalaha yar ee dowladeed ee lagu bixiyo la-qabsiga kuma filna inay daboolaan baahiyaha la-qabsiga ee sii kordhaya ee dalalka soo koraya. Si wax looga qabto farqiga maaliyadeed ee la qabsiga, maalgelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay waa in la dhiirigeliyaa oo si weyn loo kordhiyaa.
Si loo hirgeliyo hiigsiga la qabsiga, Soomaaliya waxay u baahan tahay maalgelin USD 48.5 bilyan ah marka la gaaro 2030. Inta badan hindisayaasha la qabsiga ee ay dowladdu soo jeedisay ayaa diiradda saaraya kor u qaadista awoodda la qabsiga, xoojinta adkeysiga, iyo yareynta u nuglaanshaha isbeddelka cimilada ee dadka iyo qeybaha aadka u nugul. Tusaale ahaan, USD 10 bilyan ayaa loo qorsheeyay horumarinta beeraha iyo yareynta cunto yarida iyadoo loo marayo hindisayaal ay kamid yihiin in beeraleyda la siiyo miraha abuurka iyo geedo u adkeysta abaarta, iyo sidoo kale hindise lagu horumarinayo hababka waraabka oo ay ku jiraan biyo-xireennada, kanaalka iyo nidaamka dib-u-celinta biyaha. USD 15 bilyan oo kale ayaa loo qoondeeyay horumarinta maareynta kheyraadka biyaha iyo caafimaadka bulshada, oo ay ku jiraan qorshayaal ay kamid yihiin ceelasha tamarta cadceedda ku shaqeeya iyo ololaha caafimaadka bulshada ee miyiga. Intii uu socday shirkii COP27, waxaa jiray ballanqaadyo badan oo la sameeyay si loo xoojiyo dhaqaalaha la qabsiga. Madaxweyne Joe Biden ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu ku biirint doono Sanduuqa La qabsiga USD 100 milyan wuxuuna ku dhawaaqay in ka badan USD 150 milyan oo taageero dheeraad ah si loo dardargeliyo dadaallada Qorshaha Degdegga ah ee Madaxweynaha ee La qabsiga iyo Adkeysiga (PREPARE) ee Afrika. Inkastoo ballan-qaadyadani ay yihiin kuwo dhaqaale cusub ku biirinaya sanduuqa la-qabsiga, haddana waxaa loo baahan yahay in shaqo la taaban karo la qabto si wax looga qabto caqabadaha helitaanka dhaqaalahan ee hortaagan in dalalka cimiladu u nugul sida Soomaaliya ay helaan lacagahan.
Heshiis taariikhi ah oo laga gaaray magdhawga khasaaraha iyo dhaawaca
Qodabkii ugu adkaa ee sanadkan kasoo baxay shirkii COP27 ayaa ahaa magdhawga khasaaraha iyo dhaawaca. Khasaaraha iyo dhaawaca ayaa ah in waddamada hodanka ah, oo gacan ka geysta isbeddelka cimilada, ay tahay in ay magdhaw siiyaan dalalka soo koraya oo ay sida aadka ah u saameeyeen isbeddelka cimilada. Kadib wadahadalo dheer oo gaaray saacadihii hore ee subaxnimadii Axadda, wufuuddu waxay gaareen heshiis taariikhi ah oo lagu dhisayo sanduuqa magdhawga khasaaraha iyo dhaawaca, kaasoo la howlgelin doono horraanta sanadka soo socda. Khasnadda magdhawga khasaaraha iyo dhaawaca ayaa magdhaw ka bixin doonta khasaaraha ka dhasha isbeddelka cimilada iyadoo ay jirto maalgelinta adkeysiga iyo la qabsiga.
130 dal oo isugu jira dalal Afrikaan, Aasiyaan, iyo Laatiin Ameerika iyo dalal yar yar oo jasiirado ah ayaa soo bandhigay aragti mideysan oo lagu sameynayo sanduuqa magdhawga khasaaraha iyo dhaawaca. Cadaadis joogta ah kadib, Midowga Yurub iyo Mareykanka oo markii hore cagajiid ahaa ayaa ugu dambeyntii ku heshiiyay inay taageeraan sanduuqa. Dalalka diiddan sanduuqa ayaa ka cabsanaya in lagula xisaabtamo masuuliyadda dhaqaale ee gaaska hawada wasakheeya oo ay hawada kusii deeyeen. Inkastoo tallaabadan dhanka saxda ah loo qaaday, haddana dhinaca maamulka ee sanduuqa ayaan weli la isku afgaran, go’aamo badan oo adag ayaa sidoo kale ka dhiman nidaamka magdhowga, oo ay ku jiraan inta la bixinayo, cidda bixineysa iyo cidda xaqa u leh lacagta la bixinayo, iyo shuruudaha lagu helayo lacagtaas. Sikastaba ha ahaatee, marka maamulka la isku afgarto, dhaqaalahana la bixiyo, waxa uu sanduuqaasi ka caawin doonaa dalalka nugul in ay bixiyaan kharashaadkooda uga baxa waxyeelada cimiladu kasoo gaarta cimilada qalafsan iyo kor u kaca heerka badda.
Natiijada COP27 maxay uga dhigan tahay Soomaaliya?
Natiijada COP27 siyaabo kala duwan ayay muhiim ugu yihiin Soomaaliya. Ballanqaadyada loo sameeyay dhaqaalaha la qabsiga iyo khasnadda magdhawga khasaaraha iyo dhaawaca waxay u oggolaanaysaa dalalka saameynta cimilada u nugul sida Soomaaliya inay awood u yeeshaan inay la qabsadaan saameynta isbeddelka cimilada sidoo kalena awood u yeeshaan inay kasoo kabtaan marka ay musiibo ku dhacdo. Sikastaba ha ahaatee, tani waxay hirgeli doontaa oo keliya haddii habmaamulka adag iyo shuruudaha ku xeran helitaanka maaliyadda cimilada si degdeg ah wax looga qabto.
Maadaama Soomaaliya ay cimiladu u nugushahay, ka jawaabis dhinacyo badan ah ee saameynta isbeddelka cimiladu waxay noqon doontaa mid muhiim u ah dadka iyo dhaqaalaha si ay ugasoo kabtaan dhibaatada cimilada. Saameynta bulsho iyo dhaqaale ee isbeddelka cimilada Soomaaliya waa mid muuqda oo ay dareemeen dadka ugu liita ee bulshada. Si loo helo ka jawaabis dhameystiran, wax ka qabashada isbeddelka cimilada (oo ay ku jiraan ka-hortagga iyo ka-jawaabista abaaraha) waa in ay qeyb ka noqotaa qorshaha qaranka iyo istiraatijiyadda horumarinta taasoo muhiim u ah taageeridda dalalka sida aadka ah uu u saameeya isbedelka cimilada.
Waxaa sidoo kale loo baahan yahay in kor loo qaado qaab-dhismeedka hay’adaha iyo siyaasadaha la xiriira isbeddelka cimilada ee dalka. Waxaa jiray xoogaa horumar ah oo la sameeyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay iyadoo la ansixiyay siyaasado iyo hay’ado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Siyaasadda Isbeddelka Cimilada Qaranka (2020) iyo Qorshaha Qaranka ee Abaaraha (2020). Hay’adaha sida Guddiga Qaranka ee Isbeddelka Cimilada iyo Guddiga Isku-dhafka ah ee Isbeddelka Cimilada, kuwaasoo loo xilsaaray isku-dubbaridka hirgelinta siyaasadda cimilada iyo wadaagga macluumaadka, waxay la kulmaan caqabado qaab dhismeed iyo mid maaliyadeed, sidaas darteed ma laha habab fulin ee loo hirgeliyo siyaasadaha la ansixiyay. Dhaqangelin kasta ee sharciyada iyo siyaasadaha Soomaaliya waxa ay wajahaan caqabado waaweyn, gaar ahaan marka la eego xaaladda amni oo liidata iyo in aanay dowladu awood u lahayn in ay dhaqangeliso. Sikastaba ha ahaatee, meelaha ay ka jirto xasilloonida yar, fursad kasta ee wax looga qaban karo dhibaatooyinka cimilada waa in la sahmiyaa.
Najma Abuukar waa cilmibaare khibrad dheer u leh cilmibaarista isbeddelka cimilada, colaadaha iyo arrimaha socdaalka ee Geeska Afrika iyo qaaradda Aasiya.
Somali Public Agenda is a non-profit public policy and administration research organization based in Mogadishu. Its aim is to advance understanding and improvement of public administration and public services in Somalia through evidence-based research and analysis.
Stay updated on governance and public services in Somalia!