
Somali Public Agenda
January 25, 2023
Doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Puntland
Sanadkii 2021, Puntland waxaa ka dhacay doorashooyin dowladaha hoose oo ka qabsoontay 3 degmo. Waxa ay ahayd markii ugu horreysay oo ay doorasho heer degmo ah ka dhacdo Puntland. Qorshihii ahaa in doorashada laga qabto degmooyinka haray dib ayuu u dhacay. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ahaa musharrax madaxweyne doorashadii madaxweynaha dalka ee dhacday bishii May ee sanadkii hore. Muddo xileedka madaxweynaha oo 5 sano ah ayaa ay hal sano ka harsan tahay.
Podcast-gan waxa ay Mahad Waaxuge iyo Feysal Qaran oo ah madaxii hore ee Dallada Bulshada Rayidka ee Puntland ku falanqeynayaan doorashooyinka heer degmo iyo heer dowlad-goboleed ee Puntland, dadaallada socda, caqabadaha iyo xalka.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, Google Podcasts and Amazon Music.
Recent Posts
-
25 Nov 2023Barnaamijka BARAARUG: Soomali Cable Tv ayaa Farhan Isak Yusuf Agaasime Ku Xigeenka SPA ku wareysatay Barnaamijka Baraarug ee ka baxa Telefeshinka Somali Cable
-
22 Nov 2023Dhismaha & waxqabadka golayaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle
-
15 Nov 2023U daadejinta maamulka maaliyadda ee dowladaha hoose ee Soomaaliya