
Somali Public Agenda
July 28, 2025
E.35 Warbaahinta Madaxa Bannaan iyo Adeegyada ay Bulshada u Qabtaan
Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin madax-bannaan oo noocyo kala duwan leh, taas oo marxalado kala duwan soo martay, isla markaana duruufo adag ku soo shaqeysay. Warbaahinta madaxa-bannaan ayaa waxa ay adeegyo kala duwan u qabataa muwaaddiniinta Soomaaliyeed.
Qeybtan 35-aad ee Adeeg Wanaag podacast, agaasimaha SPA Policy Lab, Aweis Ahmed, iyo Faarax Nuur oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ, waxa ay ku falanqeynayaan adeegyada kala duwan ee warbaahinta madaxa-bannaan u qabato dadweynaha, caqabadaha ku gedaaman iyo mustaqbalka warbaahinta ee sanadaha soo socda.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.