
Somali Public Agenda
August 12, 2024
E23. Wacyiga Bulshada ee Dawooyinka La Isku Cadeeyo & Khatartooda
Sanadahii dambe waxaa kordhay bulshada qeybo ka mid ah oo is caddeynaya ama midabkooda doorinaya, iyagoo ujeedkoodu yahay in ay qurux dheeraad ah ka helaan. Dadka is caddeeya waxa ay adeegsadaan dawooyin la isku dardaray oo kiimiko ah. Arrintan ayaa noqotay mid bulshada qeybaheeda kala duwan saameyn weyn ku yeelatay.
Qeybtan 23-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan waxyaabaha sababa doorinta midabka qofka iyo dawooyinka ay adeegsadaan dadka is caddeeya. Waxan sidoo kale lagu falanqeynayaa wacyiga bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan khatarta ka dhalan karta adeegsiga daawooyinka la isku cadeeyo iyo talooyin la xiriira dadka raba in ay iska joojiyaan adeegsiga dawooyinkan. Waxaa marti ku ah Dr. Fartuun Xasan Maxamed oo ah dhakhtarad ku takhasustay daryeelka wejiga, timaha iyo maqaarka, islamarkaana ka howgsha xarun caafimaad oo ku taalla magaalda Muqdisho.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.
Recent Posts
-
04 Mar 2026E68. Rethinking Governance in Somalia: Evidence from Peace and Conflict Research I Maamul Wanaag Podcast -
03 Mar 2026Hadaljeedinta Agaasimaha Somali Public Agenda ee Kulanka Bulshada Rayidka ah ee Arrimaha Doorashooyinka, Dib-u-eegista Dastuurka & Khilaafka Siyaasadeed -
02 Mar 2026E.42 Sidee Hay’adda Dhowrista Xogta ugu Adeegtaa Muwaaddiniinta Soomaaliyeed?


