
Somali Public Agenda
December 11, 2024
E45. Heerka daahfurnaanta, ka qeybgalka dadweynaha & korjoogteynta miisaaniyadda Soomaaliya
Dhawaan Open Budget Survey (OBS) oo sameeya cilmibaaris madax-bannaan oo lagu baaro miisaaniyadaha dalalka, fursadaha ay qeybaha bulshada uga qeyb gaadan karaan miisaaniyadda xilliga la diyaarinayo, iyo kaalinta hay’adaha ka shaqeeya daahfurnaanta ku leeyihiin miisaaniyadda ayaa daabacay natiijada daraasad laga sameeyay miisaaniyadda Soomaaliya sanadkii 2023. Heerka daahfurnaanta, Soomaaliya waxa ay keentay 37 dhibcood (109 halbeeg). Ka qeyb galka bulshada 0 ayay ahayd (18 halbeeg), halka korjoogteynta miisaaniyadda ay noqotay 30 dhibcood (18 halbeeg). Wadarta halbeegyada waxa ay ahaayeen 145. Xog uruurinta waxaa laga sameeyay 125 dal. Natiijada daraasaddan waxaa lagusoo bandhigay madal lagu qabtay Muqdisho oo ay kasoo qeyb galeen hay’adaha dowladda & bulshada rayidka ah oo ay khuseyso.
Qeybtan 45-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Maxamed Roble oo ah khabiir arrimaha maaliyadda ah ayaa isla gorfeynaya natiijada daraasadda laga sameeyay heerka daahfurnaanta, ka qeybgalka dadweynaha & korjoogteynta miisaaniyadda Soomaaliya.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.
Recent Posts
-
13 Aug 2026Hannaankee Doorasho Ayaa Ku Habboon Maareynta Doorashooyinka Federaalka Soomaaliya? -
09 Aug 2026Wareysi: Agaasimaha Somali Public Agenda oo Himilo Somali TV uga Warramay Arrimaha Doorashooyinka -
05 Aug 2026E78. Nooca Doorasho ee Golaha Midnimada, Doodaha Dhinacyada & Doorka Beesha Caalamka


