
Somali Public Agenda
December 22, 2025
E63. Nooca Dowladnimada Miyay Naga Baahday? Tirada Siyaasiyiinta iyo Baaxadda Hay’addaha Dowladda
Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya oo hadda falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo dowlad-dhiska Mohamed Mukhtar Ibrahim ayaa dhawaan qoray labo maqaal oo ka hadlaya metelaadda iyo baaxadda hay’adaha dowladda ee heer federal iyo heer dowlad-goboleed. Maqaalka koowaad wuxuu ugu magac daray “Ma u baahan nahay 999 wakiil, 8 Madaxweyne iyo 6 Madaxweyne ku Xigeen, 1 Raisul Wasaare, 2 Raisul Wasaare Ku Xigeen, iyo 454 Wasiir?” Waxa uu ku dooday in tiradan badan ay keentay metelaad xumi, culays dhaqaale, adeeg xumi iyo isla xisaabtan la’aan.
Maqaalka labaad waxa uu kaga hadlay in ay dalka ka jiraan in ka badan 340 hay’adood oo dowli ah oo oo qabta howlo isku mid ah. Waxa uu su’aal ka keenay tirad badan ee siyaasiyiinta iyo hay’adaha dalka ka jira. Qeybtan 63-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Mohamed Mukhtar Ibrahim ayaa ku gorfeynaya nuxurka labada maqaal, sababaha ku dhaliyay in uu qoro, iyo xalka.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.
Recent Posts
-
13 Aug 2026Hannaankee Doorasho Ayaa Ku Habboon Maareynta Doorashooyinka Federaalka Soomaaliya? -
09 Aug 2026Wareysi: Agaasimaha Somali Public Agenda oo Himilo Somali TV uga Warramay Arrimaha Doorashooyinka -
05 Aug 2026E78. Nooca Doorasho ee Golaha Midnimada, Doodaha Dhinacyada & Doorka Beesha Caalamka


