
Somali Public Agenda
July 18, 2020
Saameynta COVID-19 uu ku yeeshay jaamacadaha Muqdisho
Kadib markii lasoo tabiyay kiisaskii ugu horeeyay ee fayraska 16-kii Maarso, dowladda federaalku waxay qaadday tallaabooyin ay ku joojineyso faafitaanka caabuqa.
Tallaabadii ugu horreeysay waxay ahayd in la hakiyo iskuullada iyo jaamacadaha maadaama ay yihiin goobo uu si xooggan ugu faafi karo fayraska.
Raysal wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay 18-kii Maarso 2020 in labo toddobaad la hakinaayo waxbarashada, loona baahan yahay in la qiimeeyo sida xaaladdu isku baddeleyso. Iskuullada iyo jaamacaduhuna way qaateen amarka, laakiin kiisasku si isdaba-joog ah ayay usii kordhayeen.
Podcast-gan waxa aan ku falanqeyneynaa nuxurka warbixinta aan daabacnay oo ka hadleysa saameynta uu COVID-19 ku yeeshay jaamacadaha Muqdisho.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, Stitcher and Amazon Music.
Recent Post
-
04 Mar 2026E68. Rethinking Governance in Somalia: Evidence from Peace and Conflict Research I Maamul Wanaag Podcast -
03 Mar 2026Hadaljeedinta Agaasimaha Somali Public Agenda ee Kulanka Bulshada Rayidka ah ee Arrimaha Doorashooyinka, Dib-u-eegista Dastuurka & Khilaafka Siyaasadeed -
02 Mar 2026E.42 Sidee Hay’adda Dhowrista Xogta ugu Adeegtaa Muwaaddiniinta Soomaaliyeed?


