Posts

Waxa laga baran karo sida loo maareeyay kaalmadii bini’aadamnimo ee 2019 loo fidiyey Beledweyne

Bishii Octobar 2019, webiga Shabelle ayaa ku fatahay degmooyin katirsan Hirshabelle gaar ahaan magaalada Beledweyne. Daadadka oo ka dhashay roobabkii deyrta ee ka da’ay Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa magaalada Beledweyne uga barakacay dad lagu qiyaasay 240,000 oo qofood.

Kaalmo bini’aadamnimo oo xooggan ayaa loo fidiyey dadka ay fatahaadda sameysay. Balse dad badan ayaa ka cawday in gargaarka lagu qeybiyey si aan cadaalad ahayn.

Podcast-gan waxa aan ku falanqeyneynaa nuxurka cilmibaaris ay iska kaashadeen Somali Public Agenda iyo Radio Ergo oo ka hadleysa waxa laga baran karo sida loo maareeyay kaalmadii bini’aadamnimo ee 2019 loo fidiyey Beledweyne.

Click here to listen on Apple Podcasts.

Sida uu takoorku caqabad ugu yahay la-dagaallanka Coronovirus ee Soomaaliya

16-kii Maarso 2020, Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee COVID-19 ee Soomaaliya laga helay. Iyadoo laga jawaabayo, lagana hortagayo faafitaanka fayraska, waxa ay dowladda soo rogtay xannibaado ay kamid yihiin joojinta duullimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah, xeritaanka iskuullada, jaamacadaha iyo Madarasadaha Qur’aanka, waxayna ugu dambeyn soo rogtay bandoow habeenkii ah oo dhaqan galkiisu bilowday 15-ka Abriil. Inkastoo talaabooyinkan la qaaday, haddana fayrasku wuxuu ku fiday Muqdisho. Qofkii ugu horreeyay ee u dhinta Coronavirus 8-dii Abriil wuxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo aan horey safar u galin, tasoo si cad u muujineysa in uu bulshada cudurku ku faafay. Fayrasku wuxuu ugu faafayaa Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka si xawli ah, mana jiro awood dowladeed oo lagu raadiyo xiriirrada ay sameeyeen dadka cudurka ku dhacay iyo dadkii ay la macaamileen. Read more

Tubta Doorashooyinka Soomaaliya ee 2021

2020 iyo 2021 sanado doorasho ayay u yihiin Soomaaliya. Muddo xileedka xubnaha labada gole ee baarlamaanka (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare) wuxuu ku egyahay dhammaadka bisha Diseembar 2020; waxaa la caleemasaaray 27-kii Diseembar 2016. Muddo xileedka Madaxweynaha wuxuu sidoo kale dhammaanayaa horraanta Febraayo 2021.

Sharciga doorashooyinka waxa ku jira faafaahinta ugu muhiimsan ee doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan. Golaha Shababka ee baarlamaanka ayaa ansaxiyay sharciga 28-ka Diseembar 2019. Aqalka Sare ayaa sidoo kale ansixiyey 8-dii Febraayo 2020, madaxweynaha ayaana saxiixay sharciga 20-kii Febraayo ee sannadkan.

Si ka duwan hababkii hore ee doorashooyinka Soomaaliya, sharciga doorashooyinka, oo ka kooban 7 cutub iyo 58 qodob, ayaa hadda ah dukumiintiga hagaya doorashooyinka qaran ee Soomaaliya.

Podcast-gan waxa aan kusoo koobeynaa nuxurka warbixinta tubta doorashooyinka Soomaaliya ee 2021.

Click here to listen on Apple Podcasts.

Sidee ayay Soomaaliya ugu diyaargaroobeysaa la tacaalidda COVID-19?

Qofkii ugu horreeyay ee laga helay caabuqan Soomaaliya waxaa xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 16-kii Maarso 2020 kaasoo ahaa arday Soomaali ah oo dhawaan kasoo laabtay dalka Shiinaha.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale joojiyey dhammaan duullimaadyada caalamiga ah laga bilaabo 19-ka Maarso muddo labo isbuuc ah.

Soomaaliya si lamid ah dalalka kale ee aan lahayn xuduudo adag, tahriibayaasha iyo ganacsigana isaga gooshaan, howlwadeenno calami ah iyo xoogag hubeysanna joogaan, suuragalnimada in uu cudurkan ku faafo dalka waa mid sarreysa sida ay sheegayaan khuburada caafimaadka ee ku takhasusay cudurrada faafa.

Podcast-gan waxaa marti noogu ah Qaasim Cabdi Jimcaale oo ah sii-hayaha Agaasimaha Machadka Qaran ee Caafimaadka. Waxa aan ka wareysannay sida ay muhiim ugu tahay Soomaaliya dejinta qorsheyaal loogu diyaargaroobayo lagulana tacaalayo cudurka covid-19.

Click here to listen on Apple Podcasts.