E25. Kaalinta Fanka ee Hogatusaaleynta iyo Wacyigelinta Bulshada

Burburkii ka hor, Soomaaliya waxay laheyd kooxo-faneed kaalin weyn ku lahaa wacyigelinta buslahda. Goobaha ay xoogga saari jireen kooxihii fanka ee ay dowladdu gacanta ku haysay waxaa ka mid ahaa waxbarashada, muruq-maalka, caafimaadka iyo ciyaaraha. 30 sano ka dib waa sidee kaalinta ay haatan kooxaha fanku ku leeyihiin dowladnimada iyo wacyi-dhiska bulshada?

Qeybtan 25-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa lagu falanqeynayaa arrimaha adeegga madadaalada, gaar ahaan heesaha iyo ruwaayadaha, iyo kaalinta ay ku leeyihiin hogatusaaleynta iyo sare-u-qaadista wacayiga bulshada. Waxaa agaasimaha SPA Policy Lab ahna martigaliyaha Adeeg Wanaag Podcast la falanqeynaya Barbaariye Bashiir Cali Xuseen oo ah hoobal qaran, sidoo kalena ah qoraa ka faallooda afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, kana mid ahaa kooxdii Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada.

Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *