Dib-u-yegleelidda nidaamka xisbiyada badan ee Soomaaliya (Somali Public Agenda Podcast)

Lixdii bishii Sebteembar 2016, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay xeerkii xisbiyada ee wakhtiga badan la sugayay, kadib markii xubnaha baarlamaanku ansixiyeen

Xeerka xisbiyada (Xeer No. 19 ee 27 Juun 2016) wuxuu ka koobanyahay 38 qodob iyo 4 jadwal. Sharciga ayaa nidaaminaya arrimo badan oo ay kamid yihiin diiwaangelinta kumeelgaarka ah, diiwaangelinta buuxda, is-baheysiga iyo isku biiridda xisbiyo siyaasadeed, dadka loo oggol yahay in ay ku biiran xisbiyada, xaqa iyo mudnaanta xisbiyada siyaasadeed, diiwaan-kala-laabashada xisbiyada, maalgelinta xisbiyada siyaasadeed, maamul-xisaabeedka xisbiyada iyo xallinta khilaafka u dhexeeya xisbiyada.

Tan iyo markii la ansaxiyay sharciga, konton iyo toddobo (57) xisbi siyaasadeed ayuu si kumeelgaar ah u diiwaangeliyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ). Xisbiyadu waxay rajeynayaan inay helaan diiwaangelin buuxda kadib marka ay buuxiyaan shuruudaha sharciga ku xusan, si ay uga qeyb galaan doorashooyinka.

Farxaan Isaaq Yuusuf oo mid kamid ah qorayaasha warbixinta uu daabacay Somali Public Agenda iyo Maxamed Irbad ayaa falanqeynaya sharciga xisbiyada siyaasadeed.

 

Click here to listen on Apple Podcasts.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *