Doorashada Soomaaliya: Ka laabashada muddo kordhinta, kaalinta raysal wasaaraha, iyo shirka la filayo in uu qabsoomo (SPA Governance Podcast)

1 dii May ee sanadkan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib uga laabtay muddo kordhintii labada sano ahayd ee uu horey u sameeyay 12-kii April kadib markii uu madaxweynaha u jeediyey khudbad uu kaga codsanayo in dib loogu laabto heshiiskii 17-ka September ee doorashada dadban.

Isbuucii ka horreeyay dib uga laabashada golaha shacabka ee muddo kordhinta, Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda kaasoo ka dhashay muddo kordhinta. Kumannaan qof ayaana ku barakacay xiisaddaas ka dhalatay muddo kordhinta.

Masuuliyadda hoggaaminta arrimaha doorashada iyo sidoo kale amniga doorashada waxaa lagu wareejiyey Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Raysal wasaaraha ayaa ku guuleystay in ciidamadii ka hor yimid muddo kordhinta ay dib ugu laabtaan xarumahoodii. Waxa uu sidoo kale iclaamiyey in 20-ka bisha May uu dhici doono kulan u dhexeeya madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Benadir oo looga hadlayo arrimaha lagu muransan yahay ee doorashada.

Podcast-gan, Cabdiraxmaan Caynte iyo  Maxamed Keynaan oo marti ku ahaa SPA Governance Podcast ayaa Mahad Waasuge la falanqeynaya wajiga cusub ee doorashada Soomaaliya, kaalinta raysal wasaaraha, natiijada la filayo in ay kasoo baxdo shirka la filayo in uu bilowdo 20-ka May,  casharrada laga baran karo doorashadii 2016 iyo arrimo kale oo la xiriira doorashada.

Click here to listen on Apple Podcasts

1 reply
  1. Nor Ali
    Nor Ali says:

    Waa waraysi aad u qiima badan oo ka hadlaaya xaalada hada ka jirta dalka Soomaaliya. Sidoo kale quburada lagu casuuamay waraysigaan waa waa dad xog-ogaal u ah arimaha siyaasada ee ka jirta Soomaaliya.

    Reply

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *