Falanqeyn Nidaamka Doorasho ee Horreeyaa Guuleysta

Soomaaliya waxay baadi goobeysaa hannaan doorasho ee doorashada 2020/21. Guddi baarlamaan oo ka kooban 15 xubnood ayaa loo xilsaaray in ay dib-u-eegis ku sameeyaan Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka  oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada. Guddiga waxa uu u gudbiyey kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen labada aqal ee baarlamaanka 27-kii Noofambar 2019 nuqul cusub oo ah dib-u-eegis ay ku sameeyeen Hinidise-sharciyeedka Doorshooyinka Qaranka. Guddigu waxa uu soo jeediyey nidaamka doorasho ee ‘Horreeyaa Guuleysta’. Dood baarlamaan kadib, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa ansixiyey sharciga 28-kii Diseembar 2019, waxana uu sharciga sugayaa ansixinta Aqalka Sare iyo saxiixa madaxweynaha.

Hannaanka doorasho ee lasoo jeediyay waxa uu ku saleysan yahay in doorasho qaran oo qof iyo cod ah aanay  ka dhici karin Soomaaliya sanadka 2020/21 maaddaama kaabayaasha sharci aanay wali diyaar aheyn. Guddiga ayaa ku dooday in dastuurka oo qabyo ah iyo sharciyada muwaadininimada iyo tirakoobka, iyo kala xadaynta xuduudaha degmooyinka oo aan jirin ay ka dhigan tahay in ‘doorasho qof iyo cod ah’ aanay suuragal aheyn. Dhanka kale, guddigu wuxuu caddeeyey in dhammaan dadkii ay la tashadeen ay muujiyeen baahida loo qabo in doorashada wakhtigeeda la qabto, lana diiday muddo kororsi.

Nidaamka Horreeyaa Guuleeysta

Guddigu wuxuu soo jeediyey in ay Soomaliya qaadato ‘Nidaamka Horreeyaa Guuleeysta’. Guddigu wuxuu sheegay in nidaamkani uu ku habboon yahay Soomaaliya. Kow, kursi kasta oo baarlamaanka ah ayaa si gooni ah loogu tartami doonaa. Labo, sida magaca Horreeyaa Guuleysta uu tilmaamayo, musharraxa hela codadka ugu tirada badan ayaa ku guuleysanaya kursiga. Saddex, cod bixiyeyaashu waxay ka dooranayaan hal musharrax liiska musharraxiinta. Afar, wuxuu xaqiijineyaa matalaada beeluhu ku leeyihiin baaralmaanka iyadoo dadka u dhashay beelaha u tartami doonaan kuraasta ay baarlamaanka ku leeyihiin. Shan, bulshada ku nool degmada doorashada waxay heli doonaan fursad isku mid ah oo ay ugu codeeyaan musharraxiinta ay rabaan. Lix, cod-bixiyeyaashu waxay ka imaan karaan hal maamul goboleed ama kabadan.

Horreeyaa Guuleysta waa mid kamid ah nidaamyada doorasho waxana adeegsada dalal kala duwan. Waxa uu kamid yahay nidaamka wadaagga/aqlabiyadda kaasoo kuraasta la siiyo musharraxa hela codadka ugu badan ee doorashada marka loo barbar dhigo la tartamayaasha. Haddii si fudud loo dhigo, kadib marka codadka la dhiibtay la tiriyo, musharraxa hela  codadka ugu badan ayaa ku guuleysanaya kursiga.

Milicsiga Nidaamyada Doorashada ee Is-beddelaya

‘Matalaadda isku dheellitiran ee liiska  xeran’ ayaa xuddun u ahaa  hannaanka doorasho ee Hindise-sharciyeedkii hore ee doorashooyinka oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada bishii May 02, 2019. Hannaankan doorasho waxaa markii hore ku heshiiyay dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah shirkii Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay magaalada Baydhabo bishii Juun 2018. Hannaankan waxa uu sheegayaa in cod-bixiyeyaasha diiwaangashan ay u codeynayaan xisbiyo, wadarta codadka xisbi kastana loo beddelayo kuraas iyadoo la adeegsanayo nidaamka xisaabeed ee Sainte-Lague.

Kadib markii ay ansixiyeen golaha wasiirrada, qaar ka mid ah dowlad goboleedyada  ayaa kasoo horjeestay hannaanka doorashada, gaar ahaan halka deegan doorasho iyagoo taa beddelkeeda  soo jeediyay  deegaan doorasho heer maamul goboleed ah. Si meesha looga saaro muranka iyo shakiga ka jiray sharciga, ayuu guddoomiyaha baarlamaanku xulay guddi kumeelgaar ah oo 15 xubnood ka kooban 20-kii Luulyo 2019 si ay dib-ugu-eegaan dhammaan qodobbada sharciga isla markaana ay kusoo celiyaan Golaha Shacabka.

Guddigu wuxuu la tashiyo la sameeyay qeybaha kala duwan  ee bulshada gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, siyaasiyiinta, hay’adaha cilmibaarista, dhalinyarada, iyo odayaasha beelaha si ay aragtidooda ugu  biiriyaan dib-u- eegista sharciga.

Guddigu wuxuu  sheegay in nidaamkii hore ee doorasho ee ku xusnaa Hindise-sharciyeedka  Doorashada ay kasoo horjeesteen qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay la kulmeen. Waxa lagu sababeeyay in uu yahay nidaam cusub oo ay adag tahay in la fahmo, iyo in uusan joogteyn karin awood-qeybsiga beelaha ee afar dhibic shan (4.5). Sidoo kale, guddiga waxa ay xuseen cilladaha uu leeyahay nidaamka metelaadda isku dheellitiran sida in uu wiiqayo isla  xisaabtanka u dhexeeya xildhibaanada iyo dadkii soo doortay.

Sidaas awgeed, waxay caddeeyeen in hannaanka Horreeyaa Guuleysta uu yahay mid ku habboon xaaladda Soomaaliya ee ilaalinta awood-qeybsiga beelaha ee ka hanaqaaday  Soomaalida tan iyo shirkii Carta sanadkii 2000. Hase yeeshe, waxa uu guddiga ku guuldaraystay in uu sheego cilladaha nidaamkan iyagoo sheegay faa’iidooyinkiisa keliya. Waa muhiim in lays isbarbardhigo, kadibna la go’aamiyo hannaanka doorasho ee ugu wanaagsan kaasoo u adeegaya danaha ummada iyadoo aanan mid gaar ah loo xaglineynin.

Wanaagga iyo Cilladaha Nidaamka Horreeyaa Guuleysta

Nidaamka Horreeyaa Guuleysta, si lamid ah nidaamyada kale ee doorasho, wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan iyo dhaliilo, waana meesha laga go’aansan karo in uu nidaamkan yahay mid ku haboon xaaladda Soomaaliya iyo in kale. Kow, waxaa lagu doodaa in nidaamkani uu u fudud yahay cod-bixiyaha inuu fahmo marka loo barbardhigo nidaamka metelaadda isku dheellitiran ee liiska xeran.

Labo, nidaamka Horreeyaa Guuleysta wuxuu xoojinayaa xiriirka tooska ah ee ka dhexeeya xildhibaannada iyo cod-bixiyeyaasha. Cod-bixiyeyaashu waxay xiriir toos ah la yeelanayaan xilidhibaannadii ay doorteen si ay ugala hadlaaan baahiyaha muuqda ee ka jira deegaan doorashadooda. Xildhibaannadu waxay noqonayaan kuwo u dhaga-nugul cod-bixiyahooda waxayna ka hadlayaan danaha codbixiyeyaasha markay ka qeyb galayaan doodaha siyaasadaha dadweynaha ee baarlamaanka. Tani waxay ka duwan tahay nidaamka metelaada isku dheellitiran ee liiska xeran oo ay xildhibaannadu u jajuuban yihiin xisbigooda, kana dhigaya kuwo u nugul cadaadiska xisbigooda.

Saddex, noocan doorasho wuxuu la jaan qaadi karaa xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dalka oo aan lahayn xisbiyo siyaasadeed oo dhisan oo si rasmi ah u diiwaangashan. Waa nidaam ku saleysan musharraxiinta wuxuuna u oggolaanayaa musharraxiinta madaxa-bannaan ee caanka ah inay ku guuleystaan kursi baarlamaan. Noocan doorasho wuxuu ku habboon yahay dalalka siyaasaddu ay ku xiran tahay qaraabanimada, sida Soomaaliya oo kale, ee aan ahayn xisbiyo siyaasadeed oo sal adag.

Dhanka kale, nidaamkani wuxuu leeyahay dhowr dhaliil. Kow, marka la joogo nidaamka Horreeyaa Guuleysta, metelaadda baarlamaanku waa mid aan caddaalad ahayn, oo ka duwan metelaadda isku dheellitiran ee liiska xeran. Ku guuleystaha kursi lagu tartamey ee degmo doorasho waxaa lagu dhawaaqi karaa inuu yahay guuleyste  haddi uu farqi yar ka horreeyo qofka ku xiga, taasoo micnaheedu yahay in guuleystaha kursiga aanu metaleyn inta badan aragtida iyo rabitaankiisa deegaanka.

Labo, codadka khasaaray ayaa ah dhaliil kale ee uu leeyahay nidaamka Horreeyaa Guuleeysta. Codadka musharraxiinta guuldarreystay iyo codadka ka dheeriga ah tiradii suurtagalka ka dhigi lahayd guusha musharraxiinta guuleystay lama xisaabinayo.

Saddex, in kuraasta loo qeybiyo deegeenno ayaa ah caqabad kale. Beelaha Soomaalida qaar ayaa ku fidsan gobollo badan. Ku magacaabista kursiga qabiilka hal degmo micnaheedu waa musharraxiinta kasoo jeeda jufada ugu badan degmada la geeyay kursiga inay heli doonaan fursad ka fiican musharaxiinta kasoo jeeda jufooyinka kale.

Afar, noocan doorasho wuxuu dumarka ku noqonayaa caqabad, si ka duwan nidaamka metelaadda isku dheellitiran. Bulshada raggu ay majaraha u hayaan sida Soomaaliya, musharraxa cod-bixiyeyaashu ugu jecel yihiin deegaan doorashada wuxuu heli doonaa fursadda ugu fiican ee uu ugu guuleysan lahaa kursiga. Marka laga hadlayo metelaadda isku dheellitiran ee liiska xeran, liisku wuu xeran yahay. Keliya hoggaamiyeyaasha xisbiyada ayaa gacanta ku haya maamulka liisaska, cod-bixiyeyaashuna waa inay kala doortaan xisbiyada keliya. Sidaas darteed, hoggaamiyeyaasha xisbiyada waxaa lagu khasbayaa in ay u hoggaansamaan qoondada haweenka ee liisaska ay soo gudbinayaan si uu u aqbalo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Sikastaba, arrintaas lagama helayo nidaamka Horreeyaa Guuleysta oo ay cod-bixiyeyaashu u leeyihiin xurriyad buuxda  in ay muujinayaan rabitaankooda iyagoo summadeynaya magaca ay rabaan.

Doorasho Toos ah iyo Doorasho Qof iyo Cod ah

Sanadkii 2016kii, 275-ka xubnood ee xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa lagu doortay doorashooyin dadban oo ay in kabadan 14,000 qofood u codeeyeen musharixiinta beelahooda. Odayaasha beelaha waxay soo xuleen 51 xubnood si ay kursi xildhibaan u doortaan, 51-xubnood ayaana u codeeyay musharraxiinta u tartamayay kursi kasta.

Nidaamka Horreeyaa Guuleysta ee uu ansixiyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ma ahan doorasho qof iyo cod ah. Waxa uu leeyahay qaar kamid ah sifooyinkii doorashadii dadbaneyd ee dhacday sanadkii 2016. Kow, musharraxnimadu  waxay u furan tahay keliya dadka kasoo jeeda beesha kursiga iska leh. Go’aanka ah kuraasta beelaha sida loo geyn doono degmooyinka waxa ay u baahan doontaa wadahadal iyo heshiis lala yeesho beelaha iyo dowlad goboleedyada. In kastoo kursiga la geynayo degmo, uma furnaan doono dhammaan muwaadiniinta u qalma in ay u tartamaan; dadka u dhashay beelaha ayaa u tartami doono 275-ta kursi ee Golaha Shacabka. Balse, dhammaan codbixiyeyaasha diiwaangashan ee ku nool degmada ayaa u codeyn kara musharraxa ay doonayaan. Tani ayaa hoos-u-dhac ku keeni karta tirada usoo baxeysa in ay codeeyaan. Waxa ay u badan tahay in beelaha kursigooda loo codeynayo ay u codeeyaan musharaxa reerkooda oo ay doonayaan. Xaqiiqda ah in nooca doorasho ee Horreeyaa Guuleysta uu doonayo in ay sii jirto awood-qeybsiga beelaha ayaa muujineysa in nooca doorasho ee lasoo jeediyay aanu ahayn doorasho qof iyo cod ah.

Labo, marka kursi kasta la doonayo in gooni loo doorto, waxa uu noqonayo kaalinta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka  Qaranka ma ahan mid cad. Nidaamka metelaadda isku dheellitiran ee liiska xeran, waxaa jireysa hal maalin doorasho oo ay muwaadiniintu u dareerayaan goobaha cod-bixinta oo ay u codeyn doonaan xisbiyada. Nooca doorasho ee Horreeyaa Guuleysta ma caddeynayo kaalinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo haddii loo baahan doono guddiyo doorasho ee heer maamul goboleed. Nooca doorasho ee lasoo jeediyay wuxuu muujinayaa in doorashada xildhibaanno dhowr ah ay ka dhici karaan goobo kala duwan isla hal wakhti, mana cadda tirada guddiyada doorasho ee maamuli doona doorashooyinka baarlamaanka.

Saddex, Nidaamka Horreeyaa Guuleysta wuxuu soo jeedinayaa in kursi kasta oo baarlamaan lagasoo doorto deegaan gooni ah. Marka la eego xaaladaha siyaasadeed iyo amni, faahfaahinta sida xildhibaanka metelaya Soomaalilaan iyo sidoo kale xildhibaanada kale ee metelaya degmooyinka ay al-Shabaab heystaan ayaanan weli la aqoon. Haddii xal gaar ah loo keeno kuraastaas, waxay la macno tahay in xubnaha baarlamaanka lagu dooranayo siyaabo kala duwan.

Afar, nidaamka Horreeyaa Guuleysta ma caddeynayo sida dumarka loogu meteli doono baarlamaanka. 24% oo labada aqal ee baarlamaanka waa haween kusoo galay kuraasta beelaha qaar oo dumarka loo summadeeyay doorashadii dadbanayd ee 2016. Ma isla nidaamkiibaa la adeegsan doonaa? Maxaa dhici kara haddii qaar kamid ah beelaha ay diidaan in haweenku metelaan mar labaad? Jawaabaha su’aalahaani kuma cadda nooca doorasho oo ay ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, qaabka doorashada ee la soo bandhigay ma muujinayo sida barakacayaashu u codeynayaan una helaan metelaad. In kabadan 2.5 milyan oo muwaadin ayaa ku barakacsan dalka oo dhan. Sida ay dadkaas  nugul u heli doonaan fursad ay wax ku doortaan laguna doorto laguma qeexin nooca doorasho ee Horreeyaa Guuleysta ee lasoo jeediyay.

Xalka

Nidaam doorasho kasta oo lagu qoro Sharciga Doorashooyinka Qaranka waa inuu xaqiijiyaa doorasho xor iyo xalaal ah; dhammaan qeybaha bulshada waa inay dareemaan inay si cadaalad ah metelaad ugu leeyihiin baarlamaanka. Sharciga doorashada waxaa loogu talogalay in lagu hago doorashooyinka qaran ee sanadaha soo socda. Waa in uu hagaa hannaan doorasho oo xor iyo xalaal ah.

Nooc kasta oo doorasho ee loo tixgeliyo Soomaaliya waa in aanu noqon mid keeni kara kala qeybsanaan, waana in uu horseedi kartaa sarena-u-qaadaa dareenka midnimada qaran iyo in musharraxiinta lagu doorto hufnaantooda iyo barnaamijkooda  iyadoo aan loo eegeynin beesha ay kasoo jeedaan. Taasi waa nuxurka dimoqraadiyadda. Waxay taasi horseedi doontaa in shacabku u fahmo dhaqanka dimoqraadiga ah, gaar ahaan doorashooyinka, si tartiib tartiib ah ilaa ay ka bartaan.

Xilliga dhaw iyo xalka siyaasadeed ee 2020/21, waxaa lagama maarmaan ah in la helo is-afgarad siyaasadeed  oo u dhexeeya dhammaan daneeyayaasha. Is-afgarad siyaasadeed oo dhex mara dowladda federaalka iyo dhammaan dadka kale oo ay khusayso, iyadoo aan cidna la yaraysaneynin, waa in laga shaqeeyaa sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan in horay loo socdo iyo in doorashada la qabto xilligeeda.


Faalladan waxaa wada qoray Mahad Wasuge iyo Farhan Isak Yusuf


Tixanaha Doorashada: doorashooyin baarlamaan iyo madaxweyne ayaa la filayaa in ay Soomaliya ka dhacaan dhammaadka 2020 iyo bilowga 2021. Waxa aan bilownay qormooyin tixane ah oo la xiriira doorashooyinka. Qormo kasta waxa ay falanqeyneysaa mowduuc la xiriira doorashada. Faalladan waa middii afaraad ee tixanaha. Somali Public Agenda waxa ay soo dhaweyneysaa talooyinka iyo fikradaha la xiriira doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Soomaaliya.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *