Kaltanka Bajaajyada ee A & B

Magaalda Muqdisho oo kasoo kabaneysa burburkii dagaallada, ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka muuqday isbdello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha iyo gaadiidka. Isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira.

Hadaba si loo xakmeeyo culeysyada kala duwan ee isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, maamulka gobolka Benadir ayaa soo saaray go’aan mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa loogu qeybiyay labada qayb ee A iyo B. Go’aankaasi inta uu hirgalay waxaa kasoo wareegatay muddo ku dhaw bilood.

Podcast-gan waxaa lagu  falanqeynayaa go’aanka maamulka gobolka uu mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa ugu qeybiyay A iyo B, iyo waxyaabihii ka dhashay, qorshyaasha xiga iyo guud ahaan culeysyada ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho. Waxaa marti ku ah Caabdirashid Ibrahim Maxamed, oo ah Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Benadir, ahna Guddomiyaha Guddiga Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Caasimadda.

Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, Google Podcasts and Amazon Music.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *