
Somali Public Agenda
March 24, 2020
Sidee ayay Soomaaliya ugu diyaargaroobeysaa la tacaalidda COVID-19?
Qofkii ugu horreeyay ee laga helay caabuqan Soomaaliya waxaa xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 16-kii Maarso 2020 kaasoo ahaa arday Soomaali ah oo dhawaan kasoo laabtay dalka Shiinaha.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale joojiyey dhammaan duullimaadyada caalamiga ah laga bilaabo 19-ka Maarso muddo labo isbuuc ah.
Soomaaliya si lamid ah dalalka kale ee aan lahayn xuduudo adag, tahriibayaasha iyo ganacsigana isaga gooshaan, howlwadeenno calami ah iyo xoogag hubeysanna joogaan, suuragalnimada in uu cudurkan ku faafo dalka waa mid sarreysa sida ay sheegayaan khuburada caafimaadka ee ku takhasusay cudurrada faafa.
Podcast-gan waxaa marti noogu ah Qaasim Cabdi Jimcaale oo ah sii-hayaha Agaasimaha Machadka Qaran ee Caafimaadka. Waxa aan ka wareysannay sida ay muhiim ugu tahay Soomaaliya dejinta qorsheyaal loogu diyaargaroobayo lagulana tacaalayo cudurka covid-19.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts,
Recent Post
-
04 Oct 2026E81. Dowlad-dhiska, Nidaamka Federaalka iyo Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland -
24 Sep 2026Bridging Citizens and Local Governments: Lessons from Governance Dialogues in Galmudug and Puntland -
20 Sep 2026E80. Sida Baarlamaanku u Shaqeeyo & Sida Doorashadu u Soo Saari Karto Xildhibaanno Tayo Leh



