Naqsahadeynta xalka waara ee Soomaaliya iyo ku saleynta baahiyaha dadka barakcayaasha

Somalia waxaa sanado ka jira barakac baahsan oo ay sababeen coladaha soo laalaabtay iyo dhibaatooyinka la xiriira cimilada. Dowladda iyo haya’daha caalamiga ah ayaa in muddo ah la tacaalayay in la yareeyo ama xal waara loo helo dhibaatada barakaca. Haya’daha caalamiga ah ayaa sameeya dadaallo lagu naqshadeynayo barnaamijyo lagu doonayo in xal waara loogu helo barakaca. Haseyeeshee, waxaa jira caqabado ay wajahayaan haya’daha oo la xiriira in ay fahmaan ama helaan xog ku saabsan duruufaha dhabta ah ee jira. Waxana lagama marmaan ah in barnaamijyada la doonayo in xaal waara loogu helo dadka barakacayaasha ah lagu saleeyo baahida dhabta ah ee dadkaas heysata. 

Haddaba, si arrimahaas loo fahmo, podcast-gan waxa aan uga hadleynaa caqabadaha hadda taagan ee barakaca la xiriira, kaalinta dowladda iyo haya’daha caalaamiga ah iyo waxa uga qorsheysan iyo kaalinta qorshayaashaasi ay ku leeyihiin dadka barakacayaasha ah.

Podcast-gaan oo ay iska kashnayaan Somali Public Agenda iyo ReDSS (Regional Durable Solutions Secretariat) waxaa marti ku ah Zahra Cabdi Maxamed oo ah Agaasimaha Xalka Waara iyo Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Cabdullahi Cabdi Xasan oo ah maamulaha guud ee ReDSS Soomaaliya, iyo Maxamed Cabdi Cabdullahi oo dadka barakacayaasha ka mid ah.

Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, Google Podcasts and Amazon Music.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *