E35. Doorashooyinka & Wax-ka-beddelka Dastuurka 

Podcast-gan waxa lagu falanqeyneynaa dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka ee uu khilaafka ka jiro. Waxaa marti ku ah Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka.

E34. Gorfeyn Is-afgaradka Itoobiya & Soomaaliland 

Qeybtan 34-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Dr. Axmed Cali Khayre oo ah Cilmibaare iyo lataliye arrimaha sharciga & Mahad Waasuge ayaa ku falanqeynaya nuxurka is-afgaradka, fasiraadda sharci ee loo sameyn karo, iyo tallaabooyinka sharci ee u furan Soomaaliya.

Soomaaliya: Dib-u-heshiisiin mise Dhab-u-heshiisiin?

Podcast-gan waxa ay Jaamac Cigaal oo khabiir ku ah arrimaha dib-u-heshinta iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan sababaha aanay dib-u-heshiisiin dhab ah uga dhicin Soomaaliya iyo dhabbaha ay tahay in loo maro.

Ballaarinta Ka-qeybgalka Siyaasadda Soomaaliya

Podcast-gan, oo ay iska kaashanayaan Somali Public Agenda & Somali Dialogue Platform, waxa ay Badra Yuusuf iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan nuxurka natiijada kasoo baxday labo cilmibaaris.

Puntland 25 sano kadib

Podcast-gan waxa ay Cali Xaaji Warsame oo wasiir waxbarasho kasoo noqday Puntland sidoo kalena isku sharraxay madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2017 iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan geeddi-socodkii Puntland 25-kii sano ee lasoo dhaafay, marxaladda ay maanta joogto iyo mustaqbalka.

Heshiiska Siyaasadeed ee Jubaland

Podcast-gan oo aan iska kaashaneyno Somali Dialogue Platform waxaa lagu falanqeyneynaa nuxurka daraasad uu dhawaan daabacay Machadka Rift Valley oo falanqeyneysay heshiiska siyaasadeed ee Jubaland.