
Somali Public Agenda
July 17, 2024
E21. Adeegga Madadaallada & Saameynta Dhaqan-dhaqaale ee Bulshada
Adeegga madadaallada, gaar ahaan musalsallada, waxaa caan ka ahaa gudaha dalka musalsallada qalaad sida kuwa Meksikaanka, Carabta, Hindida, Turkida, Kuuriyaanka iyo qaar kale. Sanadihii dambe waxaa soo badanayay musalsallo ay sameynayaan shirkado maxalli ah, musalsalladaas oo qeyb weyn ka qaatay adeegga madadaallada ee ka jira dalka, islamarkaana ka tarjumaya nolosha dadka Soomaaliyeed.
Qeybtan 21-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan adeegga madadaallada ee ka jira dalka, gaar ahaan musalsallada shirkadaha maxalliga ah ay sameeyaan iyo kaalinta musalsalladan ee sare-u-qaadidda wacayiga iyo dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed. Waxaa marti ku Abshir Rageh oo ah director ama filim sameeye, kaasoo qoray islamarkaana sameeyay musalsallo maxalli ah oo aad loo daawaday sida Habboon oo sanadkii hore dhammaaday iyo musalsalka Dhaxal oo weli socda.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.
Recent Posts
-
18 Jul 2025E54. Dastuurka, Doorashooyinka & WadahadalladaDowladda Federaalka & Mucaaradka
-
16 Jul 2025One Year at Somali Public Agenda: A Journey of Growth and Purpose
-
08 Jul 2025Examining Benadir Regional Administration (BRA) Tax Revenue: Types, Legal Frameworks, Collection Methods, and Service Provision