
Somali Public Agenda
July 31, 2024
E22. Biyo-mareennada iyo Bullaacadaha Muqdisho
Dagaallada sokeeye waxa ay sababeen burbur iyo dayac ku yimid guud ahaan biyo-mareennada, bullaacadaha iyo goobaha biyaha lagu keydiyo ee magaalada Muqdisho. Waxaa ka dhashay in biyaha roobabku ay fadhiistaan wadooyinka, qaarkoodna ay burbur joogta ah u geystaan. Xaaladdan waxa ay dhalisay in bulshada caasimadda ay soo gaarto khasaare naf iyo maal isugu jira, bilicda magaaladana saameyn taban ayay ku yeelatay.
Qeybtan 21-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa sababaha ugu waaweyn ee loo aaneyn karo maareyn la’aanta biyo mareennada iyo bullaacadaha magaalada Muqdisho iyo cilladaha farsamo ee jira oo ay tahay in lagu baraarugo si loo mareeyo qulqulka biyaha ee magaalada. Waxaa marti iigu ah Eng. Yaxya Guuleed oo arrimhaasi si dhaw ula socday, islamarkaana qoraallo ka sameeyay.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.
Recent Posts
-
04 Oct 2026E81. Dowlad-dhiska, Nidaamka Federaalka iyo Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland -
24 Sep 2026Bridging Citizens and Local Governments: Lessons from Governance Dialogues in Galmudug and Puntland -
20 Sep 2026E80. Sida Baarlamaanku u Shaqeeyo & Sida Doorashadu u Soo Saari Karto Xildhibaanno Tayo Leh



