Falanqeyn miisaaniyadda sanadka 2021 loo qorsheeyay hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaaliya

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa 29-kii bishii Diseembar 2020 (labo maalin kadib markii uu muddo xileedkisa dhammaaday 27-dii Diseembari) meelmariyay miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2021-ka. Wadarta miisaaniyadda loogu talagalay sanad maaliyadeedka 2021-ka waa $671 malyan. Tani waxa ay $195 malyan ka badan tahay miisaaniyadda sanadkii hore oo aheyd $476 million, taasoo ayada lafteeda $132 malyan ka badneyd sanad maaliyadeedkii 2019-ka oo ahaa $344 million.

Halkudhigga miisaaniyadda sanadkan waa ‘maalgelinta qorshaha qaranka’. Dakhliga gudaha ayaa la filayaa inuu gaaro $260.1 malyan, ayadoo la filayo inta badan in uu ka yimaado canshuurta dakhliga, macaashka, badeecadaha iyo adeegyada, iyo ganacsiga caalamiga ah. Tani waxa ay la micne tahay in dowladda ay ku talagaleyso in ay kordhiso dakhligeeda in la eg $70.2 malyan. Sanadkii hore, misaaniyadda dakhliga gudaha ka imaanaysa ee la oddorosay waxa ay aheyd $189.9 malyan.

Isugeyn $411.7 malyan oo ka imaanaya deeq-bixiyeyaal labo geesood ah ($170.9 malyan) iyo kuwo dhinacyo badan ah ($240.8 malyan) ayaa la filayaa in lagu dhameystiro dakhliga gudaha. Tani waxa ay ka dhigan tahay in $257.4 malyan la kordhiyey kabka miisaaniyaddda marka loo eego dakhliga la oddorosay in uu ka imaanayo deeq-bixiyeyaasha sanadkii hore oo ahaa $154.3 malyan. Arrinkan waxa uu la micne yahay in dowladda ay dabooleyso 38.7% miisaaniyadda sanadkan, halka inta hartay oo ah 61.3% ay kabi doonaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah. Inkastoo uu halkudhiggu yahay ‘maalgelinta qorshaha qaranka’, miisaaniyaddu waxa ay si cad u muujineysaa ku tiirsanaanta kab-miisaaniyadeedka ka imaanaya dalalka kale iyo hay’adaha caalamiga ah si loo hirgeliyo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya. Inkastoo ay miisaaniyaddu gaartay in ka badan nus bilyan markii ugu horreysay, haddana kororka miisaaniyaddu waxa uu ka turjumayaa kororka ballanqaadyada laba geesoodka ah iyo kuwa dhinacyada badan.

Qeyb muhiim ah oo miisaaniyadda ka mid ah ($163.9 malyan) ayaa waxa ay ku bixi doontaa hay’daha qaabilsan arrimmaha difaaca iyo amniga. $62.4 malyan waxaa loo qoondeeyay haya’daha qaabilsan horumarinta dhaqaalaha, halka $109 malyan loogu talagalay gaarsiinta adeegyada bulshada. Isugeynta wadarta loo qoondeeyay horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada waa $171.4 malyan. Tani waa koror $65 malyan ah, marka loo eego sanadkii hore oo ay $106.4 malyan aheyd qoondada miisaaniyadda ee haya’daha qaabilsan adeegyada bulshadda, taasoo horumar muujineysa.

Inkastoo miisaaniyadda ay si xooggan u kordheysay sanadihii dambe, haddana lama garan karo sidii loo qosheeyay in loo isticmaalay. Miisaaniyadda dowladda federaalka xisaab xer laguma sameynin tan iyo sanadkii 2018, waxaana jirta daahfurnaan la’aan la xirriirta sida miisaaniyadda loo isticmaalay.

Miisaaniyadda hay’adaha difaaca iyo aminiga

$163.8 malyan ee loo qoondeeyay hay’adaha difaaca iyo amniga, $95.7 malyan oo kamid ah waxa lagu bixinayaa arrimmaha difaaca, halka $68.1 malyan ee soo hartay ay ku bixin doonto haya’daha amniga. Miisaaniyadda difaaca ayaa korortay $11.8 malyan (ama 14 boqolkiiba), marka loo eego miisaaniyadda 2020-ka ee $83.9 malyan aheyd. Kororkan waxa uu ka yaryahay $17.5 malyan (ama 26 boqolkiiba) kororkii 2020-ka ee miisaaniyadda difaaca sanadkii ka horreyay ee 2019-ka. Miisaaniyadda haya’daha amniga oo ah ($68.1 malyan) ayaa korortay $5.2 malyan (ama 8.2 boqolkiiba), marka loo eego sanakii 2020-ka oo aheyd $62.9 malyan.

$95.7-da malyan ee miisaaniyadda difaaca, $1.3 malyan oo kamid ah waxaa loo qoondeeyay Wasaaradda Gashaandhigga. Arrintan waxa ay muujineysaa sii joogteynta dhimista lagu sameeyay miisaaniyadda difaaca ee 2020-ka oo $1.2 malyan aheyd, halka tii ka hoorreysay ee 2019-ka aheyd $2.6 malyan. Inta ugu badan ee miisaaniyadda difaaca oo ah ($93 malyan) waxa ay ku bixi doontaa ciidamada qalabka sida; halka sanadkii 2020-ka ciidamada qalabka sida loo qoondeeyay $81.1 malyan (iyo sidoo kale $62.2 malyan sanadkii 2019-ka). Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa heli doonta miisaaniyad $1.5 malyan ah, si lamid ah miisaaniyaddeedii 2020 iyo 2019-ka. Agoonta ciidamadda qalabka sida iyo ciidamadda naafada ah waxaa loo qoondeeyay $115,000, si lamid ah sanadaddii 2020 iyo 2019-ka.

$68.1-ka malyan ee miisaaniyadda amniga loo qoondeeyay, $1.9 malyan oo kamid ah waxa ay ku bixi doontaa Wasaaradda Amniga Gudaha, waana miisaaniyad aad ugu dhaw miisaniyaddeedii 2020-ka oo ahayd $1.8. Miisaaniyadda inta ka hartay waxaa loo qoondeeyay hay’adaha kale ee ammaanka, oo ay kamid yihiin booliiska ($44.1 malyan), Sirdoonka ($17.5 malyan), iyo  Laanta Socdaalka ($4.6 malyan).

Marka la eego miisaaniyadda 2021-ka, in ku dhow afar meelood hal meel, oo ah ($163.8 malyan ama 24.4 boqolkiiba)  ayaa waxaa loo qoondeeyay in lagu kharashgareeyo arrimaha aminga. Sidaas oo ay tahay, amnigu waxa uu yahay mid kamid ah caqabadaha ku horgudban Soomaaliya. Inkastoo la rajeynayo inta badan miisaaniyadda arrimaha aminga in lagu bixiyo kab-miisaaniyadeed ku yimaada hannaan labo geesood ah ama mid dhinacyo badan ah, haddana ma cadda sida miisaaniyaddan xooggan ee ammaanka iyo difaaca la geliyay sanadihii ugu dambeeyay ay wax uga beddelayaan guud ahaan ammaanka dalka.

Maalgelinta adeegyada bulshada

Miisaaniyadda dowladda federaalka ee 2021 ayaa u qoondeysay $109 malyan adeegyada bulshada. Tani waxa ay ka noqoneyso 16.2 boqolkiiba miisaaniyadda guud. Waa sare-u-kac weyn oo muhiim ah  ayna tahay in la bogaadiyo marka la barbar dhigo sanadihii tagay. Miisaaniyadda adeegyada bulshada sanadkii 2020 waxa ay aheyd $64.5 malyan, taasoo noqoneyso in lagu kordhiyay $44.5 malyan qoondada adeegyada bulshada. Labo sano kahor, sanadkii 2019, miisaaniyadda loo qoondeeyay dhammaan wasaaradaha adeegga bulshada bixiya waxay ahayd $26.4 malyan oo keliya.

Mid kamid ah sababaha ugu weyn ee keenay sare-u-kaca miisaaniyadda ayaa ah cudurka faafa ee Covid-19. Qeyb muhiim oo kamid ah miisaaniyadda adeegyada bulshada ($33.6 milyan) oo ah Ku dhawaad 31 boqolkiiba miisaaniyadda adeega bulshada oo dhan ah, waxaa loo qoondeeyay wasaaradda caafimadka ($8.9 malyan) iyo mashaariicda la xiriirta caafimadka ($24.7 malyan). Sanadkii lasoo dhaafay,  miisaaniyadda dhammaan qeybaha caafimaadka waxa ay aheyd $9.4 malyan (kahor inta uusan soo gaarin cudurka Covid-19 gudaha Soomaaliya). Laakiin markii miisaaniyadda dib loogu noqday bartamihii-2020, waxaa laga dhigay miisaaniyadda caafimaadka $31.9 malyan ($22.4 malyan oo koror ah). Inkastoo ay jirto kororka miisaaniyadda caafimaadka, ka jawaabidda iyo la tacaalidda cudurka Covid-19 iyo guud ahaan adeegyada kale ee daryeelka caafimaadka Soomaaliya weli waa daciif.

Qeybta waxbarashada ayaa iyaduna heleyso qeybta saddexaad ee ugu weyn ee miisaaniyadda edeegyada bulshada taasoo ah $29.1 malyan. Miisaaniyadda waxaa loo qoondeeyay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ($10.5 malyan), mashaariicda waxbarashada ($7.7 malyan), Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ($8.3 milyan), Akademiyada Sayniska iyo Fanka  Soomaaliyeed ($1.1 malyan), iyo Akaadamiyada Afka Soomaaliga ($1.4 malyan). Inkastoo miisaaniyadda guud ee waxbarashadda la kordhiyey oo la gaarsiyay ku dhawaad $8 malyan, miisaaniyada wasaaradda waxbarashada waxaa ku yimid hoos-u-dhac. Waxa ay ahayd $15.1 malyan sanadkii  2020 waxaana laga dhigay $10.5 malyan sanadkan 2021. Sababta hoos-u-dhaca waxa ay noqon kartaa wasaaradda oo maamulka 24 iskuul dowladeed oo ay maamuleysay ku wareejisay Maamulka Gobalka Benaadir. Miisaaniyadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa iyaduna sidoo kale koror aad u fara badan ku yimid. Waxa ay ahayd $4.9 malyan sanadkii 2020 waxaana la gaarsiiyay $8.3 malyan 2021 (kororka waa $3.4 malyan). Qeyb muhiim oo ah ($7.7 malyan) ayaa loo qoondeeyay mashaaricda waxbarashada taasoo aanan miisaaniyad loo qorsheyn jirin sanadihii hore, mana caddo (ugu yaraan kuma cadda miisaaniyadda) mashaaricda waxa ay noqonayaan iyo cidda fulin doonto. Midda kale oo xusidda mudan waxa waaye oo ku jirta miisaaniyadda waxbarashada in markii ugu horreysay Akademiyada Sayniska iyo Fanka  Soomaaliyeed (oo ahayd $646,271 sanadkii 2020) iyo Akaadeemiyadda Afka Soomaaliga (oo ahayd $328,060 sanadkii 2020) loo qoondeeyay lacag ka badan hal malyan.

Shaqaalaha iyo arrimaha bulshada waxaa loo qoondeeyay miisaaniyad aad u badan oo gaareysa $44.6 malyan sanadkan 2021. Waana $12.1 malyan oo sare-u-kac ah marka loo eego miisaaniyaddi sanadki lasoo dhaafay oo aheyd $32.5 malyan. Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa heleysa $1.7 malyan (ama wax ka yar 4 boqolkiiba) miisaaniyadda. In ka badan 96 boqolkiiba (ama $42.9 malyan) waxa ay ku bexeysaa mashruuca Baxnaano. Waxaana lagu maalgalinayaa deeq ka imaaneysa  International Development Association (IDA) oo ka tirsan Bangiga Adduunka, fulinta mashruuca baxnaano-na waxaa hormuud ka ah Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ujeedkiisuna waa “in lacago loo qeybiyo qoysaska saboolka ah iyo kuwa nugul iyo in lagula tacaalo arrimo degdeg ah oo muhiimka ah”. Mashruuca sidoo kale waxaa la rajeynayaa in uu sameeyo diiwaangelin bulsho oo ah ilaa 200,000 kun oo qoysas danyar ah oo u nugul dhibaatoyinka (1.2 malyan oo qof) kuwaasoo la rajeynayo in ay ka faa’ideysan doonan mashruucan.

Miisaaniyadda loo qoondeeyay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ($990,644), oo ay ku jirto Hay’adda Naafada Soomaaliyeed, iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ($675,436), ayaa waxay muujineysaa in wasaaradaha dhallinyarada iyo haweenka ay yihiin kuwo aan la maalgelinin.

$109 malyan oo loogu tala galay adeegyada bulshada xaqiiqdi kuma filna in ay daboosho baahiyaha degdegga ah ee loo qabo adeegyo bulsho oo tayo leh lana awoodo. Sikastaba ha ahaatee, waa dhiirrigelin iyo rajo wanaagsan in miisaaniyadda loogu talagalay adeegyada bulshada ay ka kordhaysay $8.3 malyan oo ay ahayd sanadkii 2017 oo ay gaartay $109 malyan (2021) shan sano gudahood.

Kobcinta dhaqaalaha iyo dakhliga

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa miisaaniyad sannadeedka 2021 u qoondeeysay $62.4 malyan (oo ka dhigan sare-u-kac gaaraya 9 boqolkiiba) hay’adaha horumarinta dhaqaalaha.  Qoondadan ayaa $20.5 malyan ka badan sannadkii tagey ee 2020 oo ay miisaaniyadda hay’adaha dhaqaalaha ahayd $41.9 malyan.

Wasaaradaha Tamarta iyo Kheeyraadka Biyaha waxaa loo qoondeeyey lacag gaareysa $5.2 malyan sannadkan, halka ay sannadkii 2020-ka aheyd $3.4 malyan. Mashruuca Somali Electricity Access ayaa isna qoondadiisu tahay $2.8 malyan. Sidoo kale, betroolka ayaa loo qorsheeyay $1.7 malyan waxayna u kala qeybsami doontaa: Wasaaradda Betroolka ($1.1 malyan), Hay’adda Betroolka Soomaliyeed (nus malyan), iyo mashruuca Somali Petroleum Technical Assistance ($132,000). Qiyaastii $3.3 malyan ayaa loo qorsheeyay Wasaaradaha  Beeraha ($1.7 malyan) iyo Xanaanada Xoolaha ($1.6 malyan).  Kheyraadka Badda waxaa loo qoondeeyay $2.5 malyan oo keliya. Sidaas si ka duwan waxaa kordhin aan badneyn loo sameeyey Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha  ee uu miisaaniyaddeeda ahayd $2.2 malyan sannadkii hore lana gaarsiiyay $3.1 malyan. Wasaaradda dekadda ayaa iyana loo qoondeeyey $2.6 malyan.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ay ku jirto Hay’adda Duulista Rayidka waxaa loogu tala galay $17.4 malyan oo ay macnaheedu tahay in miisaaniyaddeeda lagu kordhiyey $3.2 malyan miisaaniyaddeedii 2020-ka. Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta  oo qoondadii 2020-ka ahayd $4.9 malyan, sannadkaan hoos ayaa loo dhigay oo waxaa laga dhigay miisaaniyaddeeda $2.9 malyan iyadoo ay qoondadan ku jiraan Wasaaradda, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo mashruuca ICT. Si ka duwan middaasi, waxaa koror muuqdo lagu sameeyey qoondada Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska  oo laga dhigay $14.6 malyan oo ay sannadkii hore miisaaniyaddeedu aheyd 4.1 malyan

Inkastoo wadarta guud ee qoondada loogu tala galay horumarinta dhaqaalaha la kordhiyey, soo uruurinta dhakhliga weli waa mid sidiisii u hoseeyo haba u sabab ahaadan culeysyada amni iyo awoodda dakhli aruurin ee laamaha dowladda ee ku shaqada leh howshan oo xaddidan. Waxaa  sidoo kale xusid mudan in ilaha dhaqaale ee muhiimka ah sida beeraha, xanaanada xoolaha, iyo kalluumeeysigaba aan miisaaniyad badan loo qoondeyn mudnaan badanna aan la siinnin.

Mustaqbalka

Waa yididiillo in hay’adaha ka shaqeeya ammaanka, adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalada si muuqata loo kordhiyay miisaaniyaddooda 2021. Sidoo kale, in qoondaha dowladda ee sannadkaan ka sara marto nus bilyan ayaa ah arrin bogaadin leh.  9-kii sano gudahood, qoondada sannadlaha waxa ay qiyaastii kor ugu kacday $557 malyan ($114 malyan 2013; $118 malyan 2014; $135 malyan 2015; $171 malyan:2016; $260 malyan 2017; $274 malyan 2018; $344 malyan: 2019; $476 malyan 2020; iyo hadda oo ay tahay $671 malyan 2021).

Iyadoo ay taasi jirto, haddana miisaaniyaddii 2018 iyo 2019 (miisaaniyadda 2020 waxaa la xerayaa 30 June 2021) weli baarlamaanka ma aanu xerin, mana jirto caddeyn muujineeysa in lacagaha la qoondeeyay loo isticmaalay sidii loogu tala galay. Somali Public Agenda (SPA) waxay 4-tii sano ee lasoo dhaafay faallooyin ka qoreeysay miisaaniyadda sanadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya si muwaadiniintu ula socdaan arrimaha ay dowladdu mudnaanta siineyso. Sikastaba ha ahaate, SPA ma oga sida loo fuliyey miisaaniyadihii sanadahii hore. Sidaas darteed, isla xisaabtan iyo daahfurnaan waa in mudnaanta la siiyaa.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *