
Somali Public Agenda
April 11, 2022
Qoondada Haweenka ee Doorashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Doorashada Soomaaliya waxa ay mareysaa heer gebogebo ah. Dhowr iyo labaatan xildhibaan ayaa hartay doorashadooda. Jowhar iyo Garbahaareey keliya ayay kuraas ku harsan yihiin iyadoo doorashada goobaha kale lasoo dhameeyay.
Xubno badan oo katirsan labada aqal ee baarlamaanka ayaa qaatay shahaaddada xildhibaannimo iyadoo la qorsheynayo in xildhibaannada la dhaariyo 14-ka April.
Kuraasta ay ku fadhiyeen haweenka oo sanadkii 2016 ahaa 82 ama 24% ayaa hadda hoos u dhacday iyadoo ilaa hadda qiyaastii 50 haween ay kusoo biireen baarlamaanka 11-aad.
Podcast-gan waxa aan si gaar loogu falanqeynayaa qoondada haweenka ee doorashada baarlamaanka Soomaaliya.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, Stitcher and Amazon Music.
Recent Post
-
04 Oct 2026E81. Dowlad-dhiska, Nidaamka Federaalka iyo Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland -
24 Sep 2026Bridging Citizens and Local Governments: Lessons from Governance Dialogues in Galmudug and Puntland -
20 Sep 2026E80. Sida Baarlamaanku u Shaqeeyo & Sida Doorashadu u Soo Saari Karto Xildhibaanno Tayo Leh



