Saameynta COVID-19 ee dhaqaalaha Muqdisho

COVID-19 ayaa noqday khatarta loogu hadal heynta badan yahay sanadka 2020-ka ee dunida maadaama uu saameyn ku yeeshay nolosha malaayin dad ah oo ku kala nool in ka badan 188 wadan. Tirakoobkii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in ilaa hadda in ka badan 6 milyan oo qofood uu ku dhacay fayraska guud ahaan caalamka, sidoo kale in ka badan 370,000 ayaa geeridooda lasoo weriyay. Marka laga reebo saameynta tooska ah ee ay ku yeelatay dadka cudurka qaba, COVID-19 sidoo kale wuxuu saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha adduunka iyo hab nololeedka dadka, gaar ahaan kuwa nugul ee ay noloshoodu ku tiirsan tahay dakhliga yar oo ay ka helaan shaqooyinkooda maalinlaha ah.

Gudaha Soomaaliya, fayraska ayaa ku faafay wuxuuna saameeyay caasimadda Muqdisho iyo qeybo kamid ah maamul goboleedyada. 3-da Juun, kiisaska la xaqiijiyey ee dalka ayaa gaaray 2146 iyadoo ay dhinteen 79, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

29-kii Maarso, dowladda Soomaaliya waxay joojisay dhammaan duullimaadyadii gudaha ee dalka si loo xakameeyo faafitaanka fayraska, duullimaadyada caalamiga ahna horay ayaa loo joojiyay. Xannibaado badan ayaa la saaray isu-socodka dadka iyo ganacsiyada. Intaas waxaa dheer, dowladda Soomaaliya ayaa 15-kii Abriil kusoo rogtay Muqdisho bandow habeenkii inta u dhaxeyso 8-da fiidnimo iyo 5-ta aroornimo.

Ganacsiyo badan ayaa xirmay halka kuwo kale, gaar ahaan kuwa ay leeyihiin danyarta, ay saameyn weyn ku yeesheen xannibaadaha iyo dadaallada lagula dagaallamayo COVID-19. Qaar kamid ah ganacsiyada uu COVID-19 saameynta ugu weyn ku yeeshay si toos ah ama si dadban waxaa kamid ah ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah sida makhaayadaha hareeraha wadooyinka ku yaalla, dadka iibiya caanaha iyo shaaha, waratada, dadka iibiya khudradda iyo miraha, makhaayadaha, tukaamada, caseeyeyaasha, wakaaladaha socdaalka, ganacsatada qaadka, xawaaladaha, darawalada mootooyinka Bajaajka, macallimiinta iskuullada iyo jaamacadaha, ganacsiyada dharka iyo ganacsiyada kale ee badeecadaha lasoo dhoofiyo.

15-kii Abriil, dawladdu waxay qaadday tallaabooyin kumeelgaar ah oo lagu xakameynayo saameynta dhaqaale ee COVID-19 iyadoo u sameysay canshuur dhaaf 100% ah badeecadaha sida bariiska iyo timirta, iyo canshuur khafiifin 50% ah ee badeecadaha kala ah burka iyo saliida cuntada.

Ganacsiyada yaryar ee aan rasmiga ahayn

COVID-19 wuxuu saameyn weyn ku yeeshay hab-nololeedka dadka ay noloshoodu ku xirneyd hawlo-maalmeed yar yar. Dhaqdhaqaaqyadooda ayaa lagu xaddiday tillaabooyinka ay kamid yihiin bandowga. Tani waxay ku kalliftay inay doortaan laba daran midkood: guryaha inay joogaan iyagoo aan heysan raashin ku filan ama in uu ku dhaco fayraska. Dad badan oo nolol-maalmeedkooda ka sameeya meherado yar yar oo ay ku leeyihiin goobaha ay kamid yihiin Bakaara (oo ah suuqa ugu weyn ee suuqyada Soomaaliya) iyo Suuq Bacaad waxay doorteen inay raadsadaan nolol-maalmeedkooda intii ay joogi lahaayeen guryahooda iyaga oo gaajaysan – iyadoo islamarkaana suuqyada iyo nawaaxigooda ay ku nool yihiin dad badan, khatarta faafitaanka fayraska ee bulshadana uu yahay mid sare.

Xasan Cali – oo leh miis yar oo kuwa la riixi karo ah wuxuu yiri: “Waxaan dhalay 6 caruur ah. Qaarkood waxay aadaan iskuul, aniguna waxaan ahay qofka nolosha qoyska soo dhiciya. Waa inaan maareeyaa noloshooda iyo waxbarashadooda oo aan dakhli kasoo saaro miiskan yar ee aan maalintii oo dhan ku wareejiyo suuqa Bakaara. Mararka qaar waxa aan ka helo iguma filna. Maalmahan, suuqa ma fiicna, mana jiraan dad badan oo sidii kuwii hore wax uga iibsada fayraska ‘coronavirus’ awgii. Waxaan door bidayaa inaan cudurka qaado, – waana ogahay inaan si fudud u qaadi karo sababtoo ah xiriir ayaan la sameeyaa dadyow kala duwan – halkii aan guriga joogi lahaa anigoo qoyskayga masruuf iga sugayaan”. Cali wuxuu heli jiray inta u dhaxaysa 2 illaa 5 doollar maalintii, mararka qaarna lacag ka badan, laakiin markii COVID-19 uu soo gaaray Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, dakhligiisa ayaa hoos u dhacay. Hadda wuxuu helaa 1 illaa 2 doollar mararka qaarna waxba ma helo. COVID-19 wuxuu saameeyey dad kale oo badan oo sida Xasan ugu maareyn jiray nolol-maalmeedkooda qaabab kala duwan.

Ganacsiyada yaryar ee wadooyinka Muqdisho

Qaar kamid ah ganacsiyadii xirmay ama yareeyay tirada saacadaha ay furan yihiin inta lagu guda jiro COVID-19 waxaa kamid ah ganacsiyada yar yar ee wadada dhinaceeda ku yaalla sida makhaayadaha yar yar iyo biibitooyinka. Ganacsiyadaas waxay shaqeyn jireen maalintii iyo habeenkiiba. Bandowga lagu soo rogay habeenkii ayaa saameyn ku yeeshay iyaga, waxayna ku waayeen macaamiil badan. Dumar badan – oo u badan hooyooyin caruurtooda iyaga masruufa – waxay ka shaqeeyaan ganacsiyo yar yar sida iibinta shaah iyo bun oo ay ka helaan dakhli. Waxay koriyaan oo ay masruufaan qoysaskooda. Go’aamada lagu xakameynayo coronavirus-ka sida bandoowga iyo bishii Ramadaan ee dhamaatay (oo inta badan dadka soomanaayeen) waxay horseedeen in ay xirmaan ilaha dakhligooda. Waxaa lagama maarmaan noqotay inay gurigooda iska joogaan. COVID-19 kahor iyo inta lagu gudajiray bisha Ramadaan, waxay shaqeyn jireen habeenkii laakiin maadaama lasoo rogay bandoow saacadahaas, si fiican uma shaqeyn karaan.

Wakaladaha socdaalka

Qeyb kale ee uu COVID-19 saameyn weyn ku yeeshay waa wakaaladaha safarka. Ganacsigan waxa uu ku tiirsan yahay dakhliyada kasoo gala duulista iyo isu-socodka dadka gudaha iyo dibadda Soomaaliya. Kadib markii ay dowladda Soomaaliya joojisay duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah muddo aan cayinnayn, shirkado badan oo socdaalka ka shaqeeya  ayaa xirmay maadaama ishooda ugu weyn ee dakhligu joogsatay. Wakaaladaha socdaalku waxay fududeyaan adeegyo ay kamid yihiin soo-saarista fiisooyinka, jarista tikidhada iyo sidoo kale isku xirka badeecahada iyo ganacsiyada dalka uga yimaada dalalka sida Turkiga, Kenya, iyo Shiinaha. Hawlahan oo dhan hadda ma socdaan kadib markii la joojiyay duulimaadyadii. Tani waxay dhalisay khasaare xoogaan oo dhaqaale iyo in la xiro shirkado badan oo ka shaqeeya socdaalka. Nolosha dad badan ayaa ku tiirsanayd ganacsiyadan.

Xuseen wuxuu maamulaa shirkad socdaalka iyo xamuuka ka shaqaysa oo xarunteedu tahay Muqdisho waxaana ka shaqeeya shirkadda afar qof oo kale. Wuxuu walaac ka muujiyay sida ganacsigiisii yaraa u saameeyay joojinta safarrada. Wuxuu xidhay xafiiskiisii maadaama aysan jirin macaamiil, iyo baahida adeega xamuulka oo joogsatay. Saaxiibbadiisa shaqada ayaa ka walwalsan sida ay xaaladdu u ekaan doonto bilaha soo socda. Waa inuu bixiyaa kirada xafiiska haddii kale wuxuu wajihi doonaa in laga saaro. Shaqaaluhu sidoo kale ma haystaan il kale oo dakhli. Xuseen wuxuu sheegayaa in COVID-19 iyo tallaabooyinka xakamaynta ee ka dhashay ay saameyn dhaqaale oo qoto dheer ku yeesheen ganacsigooda iyo hab-nololeedkoodaba.

Ganacsiga Bajaajta

Ganacsi kale oo COVID-9 iyo xayiradaha lasoo rogay ay ku yeesheen waa Bajaajta. Waxay aad caan uga tahay magaalada Muqdisho iyo inta badan dalka. Qiyaastii labaatan kun oo Bajaaj ayaa la rumeysan yahay inay ka shaqeeyaan magaalada Muqdishu, waana midda ugu caansan uguna habboon ee gaadiid tan iyo markii ay dowladdu xirtay waddooyin badan oo muhiim ah si looga hortago amni xumida. Dhalinyaro badan ayaa noloshooda kasoo saarta ku shaqaysiga Bajaajta.

Maadaama ay dawladda Soomaaliya soo rogtay bandoow habeenkii ah, kaasoo bilaabanaya 8:00 fiidnimo, nolosha darawalo badan ayuu siyaabo kala duwan u saameeyay.

Cabdiraxmaan wuxuu kamid yahay wadayaasha Bajaajta ee Muqdisho. Wuxuu sheegay in COVID-19 iyo bandoowgu aanay keliya saameyn dhaqaale ku lahayn balse ay xitaa saameysay dhaq-dhaqaaqiisa. Wuxuu yiri: “Waxaan shaqeyn jiray inta u dhaxeysa 20 doollar ilaa 30 doollar maalin kasta, laakiin hadda ma shaqeeyo wax kabadan 10 doollar hadii aan shaqeeyo maalintii oo dhan. Wakhtiga ugu fiican oo aan lacago badan shaqeyn jiray waxay ahayd galabtii iyo ilaa 11:00 habeennimo. Laakiin hadda ma shaqeyn karo habeenkii sababtuna waxay tahay bandowga habeenkii lasoo rogay. Waxaa jira ciriiri badan ee maalintii, taas oo adkaynaysa dhaqdhaqaaqa.” Cabdiraxmaan ayaa intaa ku daray in ciriiriga wadooyinka ay sababtay bandowga habeenkii maxaa yeelay darawallo badan oo Bajaajta wada  ayaa ku shaqeyn jiray xilliyada habeenkii, laakiin hadda waa inay shaqeeyaan maalintii. Tani waxay kordhisay saxmada isku socodka gawaarida ee qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo waliba ay jirto in wadooyin badan ay weli u xiran yihiin sababo amni. Arrintan waxay ka dhigan tahay darawallada Bajaajta in aanay shaqeyn karin dakhligooda celceliska caadiga ee maalinlaha ah ciriiriga jidadka iyo waddooyinka xiran darteed.

Intaa waxaa dheer, tirada rakaabka isticmaala Bajaajta wuu yaraaday maadaama dad badani go’aansadeen inay guryahooda ku nagaadaan. Dhaqdhaqaaqa habeenkii ayaa sidoo kale ah caqabad kale oo darawallada Bajaajyadu wajahayaan. “Habeen hore, waxaan kasoo dhaqaqay Xamar Wayne illaa KM4. Booliisku waxay ii diideen inaan wadada maro xitaa kadib markii aan u sheegay inaan ku socdo gurigayga. Tani waxay igu dhacday dhowr jeer, waxayna igu qasbeysaa inaan shaqada joojiyo marka la gaaro lixda maqribnimo ”, ayuu raaciyay Cabdiraxmaan. COVID-19 iyo tilaabooyinka lagu xakameynayo faafitaankiisa waxay noqdeen caqabado kale oo soo wajahay nolosha darawalada Bajaajta kuwaasoo wajaha dhibaatooyin kale oo ay kamid yihiin jidadka xiran iyo mararka qaar weerarrada dhimashada sababa ee ka dhaca wadooyinka.

Ganacsiga qaadka

Dawladda Soomaaliya, si ay u xakameyso faafitaanka coronavirus, waxay mamnuucday soo-dejinta qaadka bishii Maarso 19, 2020. Ganacsiga qaadka wuxuu qayb weyn ka yahay dhaqaalaha maxalliga ah ee Soomaaliya. In ka badan 15 duulimaad xamuul ah ayaa la rumeysan yahay inay maalin walba iman jireen magaalada Muqdisho; sidoo kale in ka badan 30 duulimaad ayaa iman jiray dalka intiisa kale. Inta badan dadka iibiya qaadka iyo ganacsatada waa haween taageera qoysas badan oo dalka ku baahsan. Mamnuucista qaadka wuxuu saameyn ku yeeshay dakhligooda iyo noloshooda. Xayiraadda ayaa sidoo kale ku kaliftay shaqaale badan oo muruqmaal ah iyo tafaariiqleyaasha qaadka shaqo la’aan.

Ganacsatada qaadka ma heystaan ilo dakhli oo kale. Mamnuucista ayaa si weyn u curyaamisay ganacsigoodii sidaas darteed qoysas badan ayaa lumiyay dakhli. Intaa waxaa dheer, xayiraadda ayaa keentay koror aad u sarreeya ee qiimaha qaadka sida qarsoodiga ah lagusoo geliyo dalka. Waxaa kale oo xusid mudan in mamnuucida qaadka ay sidoo kale dowladdu ku weysay  dakhli badan oo kasoo geli lahaa canshuurta qaadka.

Xawaaladaha

Xawaaladuhu waxay kamid yihiin ilaha nololeed ee ugu muhiimsan dadka Soomaaliyeed. Qoysas fara badan ayaa iska bixiya biilasha, waxbarashada carruurtooda, islamarkaana daboola kharashaad badan oo joogto ah iyagoo isticmaalaya lacagaha loogusoo diro xawaaladaha. Qurbajoogta Soomaaliyeed waxay u diraan Soomaaliya in ka badan 1 bilyan oo dollar sanad kasta. Qurbajoogta – oo ay tiradooda ka badan tahay 1 milyan – badankood waxay ku nool yihiin Mareykanka, waddamada Scandinavian-ka, Ingiriis-ka, Canadka, Australia iyo Netherland. Wadamadan waxaa si ba’an ugu faafay coronavirus taasna waxay keentay in dad badani ay waayaan shaqooyinkoodi, una soo shaqo tagi waayaan goobihii shaqada ama lacag u soo diri waayaan qoysaskooda sababo ka dhashay xayiraadaha dadka lagusoo rogay.

Qiyaasaha dhexdhexaadka ah ayaa muujinaya in lacagaha loo soo diro Soomaaliya ay hoos u dhaceen 50%. Shirkadaha xawaalaadaha ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa yareeyay tirada maalmaha usbuuca oo ay shaqeeyaan maadaama macaamiishii xawaaladuhu hoos u dhacday. Tusaale ahaan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saarteen Dhaqdhaqaaqa La-dagaallanka Qabyaaladda ee fadhigoodu yahay Ingiriiska, ku dhawaad 89% Soomaalida ku nool Ingiriiska ayaa Soomaaliya u diraya lacag ka yar tii ay horay u diri jireen ka hor inta aan xiritaanka la bilaabin. Tani waxay ku qasbeysaa qaar badan oo ka mid ah qoysaska wadanka jooga inay yareeyaan kharashaadkooda islamarkaana aysan awood u yeelan iibsiga adeegyada aasaasiga ah sida cuntada iyo daryeelka caafimaadka.

Ganacsiga hoteellada

Ganacsiga hoteellada ayaa kujira xaalad adag xiligaan musiibadu jirto. Hoteellada ayaa la kulmay hoos u dhac deg deg ah oo xoogan  oo dhanka macaamiisha ah. Maadaama safaradii la hakiyey,  ma helaan wax macaamiil ah, gaar ahaan dadkii hore uga imaan jiray waddanka gudihiisa iyo dibaddaba. Intaa waxa u dheer, baahida cuntada ayaa hoos u dhacday maaddaama macaamiil badani ay gurigooda joogaan. Tallaabooyinka bedqabka ee loo sameeyay  Coronavirus awgeed, hoteellada ayaa lumiyey lacago badan oo ay ka samaynay jireen xafladaha aroosyada maalinlaha ah, munaasabadaha siyaasadeed, tababbarada iyo isu-imaatinka qabaa’iladda. Hoteello badan ayaa si kumeelgaar ah u xirmay ama yareeyay awoodooda u adeegida macaamiisha.

Talooyin tixgelin mudan

  1. Dowladdu waa in ay xoolo ku bixisaa talaabooyinka ka hortaga iyo sare-u-qaadida howlaha nadaafadda ee suuqyada.
  2. Ganacsiyada yar-yar ee qarka u saran in ay musalafaan/dumaan waxay u baahan doonaan kaalmo dhaqaale iyo amaah ay ku sii wadaan ganacsigooda Coronavirus kadib. Dawladdu waxay diyaarin kartaa habab lagu taageri karo dhaqaalaha. Kaalmada aduunka ee degdegga ah oo loogu talagalay  Covid-19 waxaa loo isticmaali karaa taageerada dhaqaalaha. Dowladdu waa in ay tixgelisaa tilaabooyinka ugu wanaagsan iyo qaabab wax-ku-ool ah oo looga hortago khatarta dhaqaale ee soo socota.
  3. Dowladda, hay’adaha samafalka, iyo saaxiibada Soomaaliya waa in aysan mudnaanta koowaad siinin wax-ka-qabashada arrimaha bani’aadamnimada oo keliya. Waa in la sameeyo istaraatiijiyado abuuri kara fursado shaqo oo cusub oo u oggolaan karo ganacsatada yaryarka ah  in ay joogteeyaan shaqaalahooda kadib markii uu dhamaado coronavirus-ka.
  4. Dowladdu waa in ay sii wadaa cashuur dhaafka loo sameynayo badeecooyinka daruuriga ah, haddii ay suuragal tahayna ay canshuur dhaaf u sameeyaan badeecadaha kale ee sida daran  Coronavirus u saameeyay.
  5. Covid-19 ayaa ku faafay guud ahaan dalka. Waxa jira degmooyin leh adeegyo caafimaad oo aan ku filneyn iyo kuwo aananba lahayn. Dadka qaar ee uu ku dhaco fayraska oo ku nool degmooyinkan fog fog waxay u baahan yihiin in ay yimaadaan magaalada Muqdisho si loo daweeyo. Sidaa darteed, qaadista xayiraadda safarka gudaha waxay ka caawin kartaa bukaannada noocaas ah in ay daryeel caafimaad ka helaan Waxay sidoo kale fursad siineysaa nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed oo noloshoodu ku tiirsan tahay xafiisyada safarka iyo ganacsiyada la xiriira.
  6. Bandoowga habeenkii ma uusan gacan ka geysan xakameynta ‘Covid-19’ ee Muqdisho iyo magoolinka kalaba. Munaasabaddii Ciidul Fitriga iyo dib-u-furitaanka makhaayadaha ayaa ka dhigan in tallaabooyinka kala fogaanshaha bulshada aysan ka shaqeynin Soomaaliya. Sidaa darteed, dowladda federaalku waxay ka fiiri kartaa in bandowga la qaado gebi ahaantiisba.

Faalladan waxaa wada qoray Cabdimaalik Cabdullaahi and Maxamed Shariif.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *