Somali Public Agenda
April 24, 2022
Doorashada 16-ka Kursi ee Golaha Shacabka ee Gobolka Gedo
14-kii April waxaa la dhaariyey inta badan xubnihii la doortay ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Isla maalintaas, Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo saaray warqad uu doorashada 16-ka kursi ee horey loogu heshiiyay in lagu doorto magaalada Garbahaareey ugu wareejinayo degmada Ceel Waaq oo isla gobolka Gedo ka tirsan. Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga.
Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa sidoo kale soo saaray isla maalintaas in doorashada 16-ka kursi lagu qaban doono Ceel Waaq inta u dhexeysa 18-ka ilaa 27-ka April.
Podcast-gan waxa aan si gaar ah ugu eegeynaa doorashada 16-ka kursi ee golaha shacabka ee gobolka Gedo.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, Stitcher and Amazon Music.