Isu-socdka iyo Aminga Muqdisho: Qiimeyn Nidaamka Cusub ee Kaltanka Bajaajta

Commentary

Dhammaadkii bishii Maarso 2023, Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray amarro dhowr ah, oo ay kamid ahayd dib-u-diiwaangelinta dhammaan bajaajta islamarkaana  loo qeybiyo labo qeybood oo ku kallareysan jaalle iyo buluug oo kala leh sumadaha A iyo B. Amarka xukuumadda ayaa sidoo kale lagu hakiyay dhammaan mootooyinka – oo ay ku jiraan bajaajta iyo sidoo kale mootooyinka labada lug leh – in lagasoo dejiyo dekadaha dalka guud ahaan gaar ahaan dekadda Muqdisho.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa loo xilsaaray dib-u-diiwaangelinta iyo sumadeynta baajajta ka howlgasho Muqdisho. Maamulka gobalka ayaa labo bilood gudahood ku dhameystiray diiwaangelinta iyo sumadeynta in ka badan 33,000 oo bajaaj. Amarka ayaa dhaqan galay dhammaadkii bishii May 2023, waxaa uuna dhaliyey yareynta tirada bajaajyada isticmaala waddooyinka Muqdisho maalintiiba. Baajajyada A iyo B ku calaamadeysan waxay billaabeen inay si kaltan ah u shaqeeyaan maalmaha toddobaadka. Xeerka ayaa sidoo kale khuseeya bajaajyada ka shaqeeya inta u dhexeysa Muqdisho iyo degmooyinka deriska la ah ee katirsan Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ee Balcad iyo Afgooye. Bajaai walba oo aan diiwaan-gashneyn ama aan sumadeysneyn oo wadooyinka lagu arko waxaa lagu ganaaxayaa $100. Ganaaxa ayaa sidoo kale ku dhacaya bajaajyada diiwaangashan oo la qabto iyagoo shaqeynaya maalin aanay laheyn. Sidoo kale, haddii ay dhacdo in la arko bajaajyo aan diiwaan-gashneyn oo iyaga sumadeystay, waxaa loo gacan gelin doonaa laamaha amniga, maadaama loo arko inay halis ku yihiin amniga caasimadda.

Amarradan cusub iyo nidaamka kaltanka bajaajyada ayaa la qaatay si wax looga qabto ciriiriga isu-socodka gaadiidka ka jira magaalada iyo sidoo kale si amniga loo hagaajiyo. Isu-socodka magaalada gudaheeda ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa sii adkeeyay bajaajyada oo kordhay, jidad badan oo xeran, iyo habboonaan la’aanta kaabayaasha gaadiidka. Inkastoo bajajtu ay fududeysay isu-socodka, baajyada ayaa la rumeysan yahay in dhowr jeer loo adeegsaday si loogu fududeeyo dambiyo sida dilalka, dhaca, qaadista hubka iyo maandooriyaha noocyadooda kala duwan ee magaalada. Faalladan waxay falanqeyneysaa nidaamka cusub ee kaltanka bajajyada, faa’idooyinka uu leeyahay, saameynta ka dhalatay, iyo xalka.

Faa’idooyinka Diiwaangelinta Bajaajta

Marka lagasoo tago fulinta amarrada lagu sumadeynayo bajaajta iyo nidaamka kaltanka ah, habka dib-u-diiwaangelinta waxa uu keenay faa’idooyin kale. Ugu horeyn, waxaa la diiwaangeliyay xogta milkiilayaasha/darawallada bajaajta, iyo lambarka taargada bajaaj kasta. Dowladda hoose ee Xamar ayaa hadda heysata keyd-xogeed (database) ay ku jiraan dhammaan bajaajyada ka shaqeeya waddooyinka Muqdisho. Midda labaad, habka dib-u-diiwaangelinta waxa uu dakhli usoo xareeyey Maamulka Gobalka Benaadir oo qaaday khidmada dib-u-diiwaangelinta bajaajyada. Inta lagu guda jiray howshan, waxaa la ogaaday in bajaajyada qaarkood lagu leeyahy lacag canshuur dhan 3 sano, welina ay ka dhex shaqeynayeen magaalada. Midda saddexaad, sameynta keyd (database) ay ku jiraan dhammaan bajaajta shaqeysa waxay keentay qaab cusub oo lagula tacaamulo isbeddelka lahaanshaha bajaajta. Haddii la iibinayo bajaaj, milkiilaha iyo cidda iibsaneysa waa inay aadaan dowladda hoose ee Muqdisho si xogta kala iibsiga loogu daro keyd-xogeedka.

Inkastoo in ka badan 33,000 bajaaj la diiwaangeliyay, haddana waxa ay aheyd mid ka yar tiradii la filayay. Dad badan ayaa ku qiyaasay in tirada bajaajyada Muqdisho ka shaqeeya ay u dhexeeyaan 40,000 ilaa 50,000.

Saameynta Nidaamka Kaltanka Bajaajta

Darawallada (iyo milkiilayaasha) bajaajta ayaa markii hore diiday in ay fuliyaan amarka dib-u-diiwaangelinta. Tani waxay keentay in labo jeer la kordhiyo muddada diwaangelinta, sidoo kalena loogu daro toddobaad kale kadib markii nidaamka kaltanka uu dhaqan galay 25-kii May. Wakhtiga fulinta kaltanka waxay dib uga dhacday ku dhawaad ​​hal bil wakhtigii la qorsheeyay, taasoo ahayd dhamaadka bisha Abriil. Sikastaba ha ahaatee, dadaalkan ma ahayn isku-daygii ugu horreeyay ee lagu xakameynayo bajaajta Muqdisho. Bartamihii bishii Juun ee sanadkii 2022, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa billaabay Howlgalka Samakaab oo la sheegay in lagula dagaallamayo Ciyaal Weero, tuugada, iyo kuwa daroogada ka ganacsada. Intii lagu guda jiray wajigii labaad ee howlgalka Samakaab bartamihii bishii July ee sanadkii 2022, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay magaalada Muqdisho ka mamnuuceen bajaajta wixii ka dambeeyo saqda dhexe ee habeenkii, si loo hagaajiyo ammaanka magaalada oo ay dhibaato ku hayeen Ciyaal Weero iyo ka ganacsiga daroogada iyo hubka.

Farqiga u dhexeeya bandowga iyo nidaamkan cusub ee kaltanka ayaa ah in nidaamkan dambe uu u baahnaa dib-u-diiwaangelinta dhammaan bajaajta, hubinta dhammaan macluumaadka shaqsiga ah ee milkiilaha, darawalka, lambarka bajaajta, hubinta in dhammaan canshuuraha ku waajibay la bixiyay iyo u hoggaansanaanta dhammaan shuruudaha sharciga ah ee gaadiid-wadista. Bandowga ‘Hawlgalka Samakaab’, dhanka kale, waxa uu keliya ahaa bandow ay fulinayeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

In ka badan afar bilood ayaa laga joogaa markii nidaamka kaltanka bajaajta la billaabay 25-kii May 2023, si buuxdana uu uga dhaqan galay magaalada oo dhan. Tusaalooyinkaan soo socda ayaa muujinaya saameynta nidaamkan cusub.

Saameynta Isu-socdka Magaalada: Nidaamka kaltanka bajaajta ayaa wax yar ka hagaajiyay isu-socodka magaalada, waxaana yaraaday saxmadii gaadiidka, taasoo ay ugu wacan tahay bajaajta shaqeysa maalintii oo aad u yaraatay. Hirgelinta nidaamka cusub ayaa xalliyay mid kamid ah arrimo badan oo sababayay ciriiriga gaadiidka ee magaalada. Arrimaha kale ayaa u muuqda inay weli sababayaan saxmadda gaadiidka taasi oo xaddideysa natiijada wanaagsan ee nidaamka cusub ee kaltanka bajaajta. Arrimahaas waxaa kamid ah baraha koontorool ee tirada badan ee gudaha magaalada ku yaalla.

Marka laga reebo arrinkan, nidaamka kaltanka wax horumar muuqda ah kuma aanu sameynin nidaamka gaadiidka. Nidaamka kaltanka bajaajka ayaa u muuqdo in uu daawo fudud u yahay caqabadaha badan ee ku gadaaman isu-socodka magaaladda oo aan weli laga hadlin. Waxaa caqabadahaas kamid ah kaabayaasha gaadiidka oo aan hagaagsaneyn (sida waddooyinka oo aan laheyn bullaacado/nidaamka maareynta biyaha), kobaca magaaladda oo aan nidaamsaneyn, korarka tirada gaadiidka gaarka loo leeyahay iyo tirada gaadiidka dadweynaha oo xaddidan. Waxaa intaa dheer, sharciyada waddooyinka oo duug ah, waddooyinka qaar oo u xiran sababo amni, iyo adeegyada bulshada ee muhiimka ah oo ay bixiyaan shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha dowladda oo inta badan laga helo degmooyinka dhaca bartamaha magaalada ayaa sii adkeeyay isu-socodka Muqdisho.

Horumarka yar ee laga sameeyay isu-socdka magaalada waxaa sii xaddidi kara kororka la filayo ee tirada bajaajyada ka shaqeeya magaalada inkastoo la hakiyay soo dejintooda. Hal sabab ayaa ah in ay jireen bajaaj badan oo yaallay garaashyada iyo bakhaarada kahor nidaamka cusub. Dhammaan bajaajyadan ayaa waxa ay mari doonaan habka dib-u-diiwaangelinta waxa ayna ka shaqo billaabi doonaan magaalada. Sabab kale ayaa ah in bajaajta, si ka duwan baaburta, lagasoo dejiyaa dekedda iyadoo kala furfuran. Bajaajta laguma rakibo dekedda oo taariko laguma siiyo halkaas. Sidaas darteed, caqabaddu waxay ka jirtaa ka-hortagidda soo dejinta bajaajta kala furfuran iyadoo islamarkaana la oggolaanayo in alaabaha bajaajta ee lagama maarmaanka ah ay soo degaan. Tani waa daldalool ay shirkaduhu isticmaali karaan (oo ay haddana isticmaalayaan) si ay u sii wadaan soo dejinta bajaajta.

Saameynta Amniga: Qaadashada nidaamka kaltanka bajaajta ayaa kusoo beegantay iyadoo amniga magaalada lagu wareejiyey ciidamo Uganda tababar kusoo qaatay. Labada dadaal waxay ujeedadoodu tahay sidii loo hagaajin lahaa ammaanka iyo xasilloonida magaalada. Nidaamka kaltanka bajaajta ayaa ka qeyb qaatay hagaajinta amniga iyo xasiloonida magaalada. Waxa uu dowladda u oggolaanayaa inay ogaato milkiilaha iyo darawalka bajaaj kasta, taasoo sahlaysa in si fudud loo aqoonsado loona dabagalo dembiilayaasha falalka amni darro bajaajta u adeegsada.

Waxaa la rumeysan yahay in qaar kamid ah bajaajyada aysan horey u diiwaangashaneyn ama laga xaday/dhacay milkiilahooda dhabta ah. Kuwaas waxaa qaarkood loo isticmaali jiray in dadka lagu dhaco, lagu qaado hub, ama falal kale oo sharci-darro ah. Habka dib-u-diiwaangelinta haddii la marsiin lahaa mootooyinkaas, waa lagala wareegi lahaa cidda heysata, waxaana la xiri karaa shakhsiyaadka ku lugta leh. Haddaba, nidaamka kaltanka bajaajta waxa uu muhiim u ahaa in waddooyinka laga saaro bajaajta aan diiwaangashaneyn, taasina waxa ay qeyb ka qaadanaysaa hagaajinta amniga. Tani waa aragti fasireysa sababta tirada dhabta ah ee bajaajta diiwaangashan ay uga hooseeyso qiyaasta tirada guud ee bajaajta taalla magaalada.

Markii la billaabay nidaamka kaltanka, waxaa la dhimay tirada bajaajta ee maalin walba ka shaqeysa magaalada, taasoo keentay in hubinta ammaanka magaalada oo dhan ay noqoto mid suuragal ah. Tani waxay u sahashay ciidamada boolisya militaaro inay si aad ah u baaraan baabuurta iyo bajaajyada iyagoo si adag u baaraya gaadiidka, darawallada, iyo rakaabka. Sikastaba ha ahaatee, tani waxay keentay in gaadiidka iyo bajaajta ay safaf dhaadheer ku galaan baraha-kontoroollada. Inkastoo tani loo arko inay u wanaagsan tahay amniga iyo xasiloonida, sidoo kale waxay keentay ciriiriga gaadiidka, taasoo ahayd isla dhibaatadii uu nidaamka kaltanka bajaajka isku dayayay inuu xalliyo. Darawallada bajaajta ayaa inta badan ka cabanaya arrintaan oo inta badan ka dhacda baraha kontoroollada u dhow isgoysyada. Waxay shaqeeyaan hal maalin labadii maalmoodba waxayna rabaan inay soo xareeyaan dakhliga maalinta kale ee aanay shaqeyneynin. In ay helaan rakaabka ugu badan ee la heli karo maalintii si ay u kabaan dakhliga maalinta xigta waxaa caqabad ku ah wakhtiga uga baxaya safafka baaritaannada ee dhaadheer.

Saamaynta ay ku Leedahay Milkiilayaasha Bajaajta, Darawallada, iyo Dadweynaha: Nidaamka isdhaafka bajaajta ayaa saameynta ugu badan ku yeeshay milkiilayaasha iyo wadayaasha bajaajta, iyo shacabka. Nidaamku wuxuu saameyn togan iyo mid taban ku yeeshay qeybaha kala duwan ee dadweynaha Muqdisho, inkastoo nidaamka uu weli ku jiro marxalado billow ah ​.

Marka lagasoo tago horumarka kooban ee laga sameeyay isu-socodka iyo amniga magaalada, nidaamka kaltanka bajaajka ayaa beddelay qaabkii shaqada, waxa uuna darawallada bajaajta u oggolaaday in ay fasax helaan labadii maalmoodba hal maalin. Tani waxay la macno tahay inay hadda helaan 15 maalmood oo nasasho ah bil kasta. Nidaamka waxa uu darawallada u oggollaaday in ay wakhti la qaataan qoysaskooda, taasoo aan suurtogal u ahayn kahor nidaamkan. Wadayaasha bajaajta ayaa shaqeyn jiray celcelis ahaan lix maalmood toddobaadkii, wayna ku adkeyd in ay wakhti u helaan qoysaskooda marka laga reebo qeyb yar oo isku dheellitiri jirtay shaqada iyo nolosha.

Sidoo kale, yareynta maalmaha shaqada waxay hoos u dhigtay baahida loo qabo in ay darawallada isticmaalaan daroogada – gaar ahaan qaadka, taabuu-ga iyo tramadool – si ay u shaqeeyaan saacado badan oo isku xiga maalmo isku xiga, kahor inta aan la billaabin nidaamka cusub. Darawallada bajaajta ayaa u badan dhalinyaro amaah ku iibsaday bajaajta. Si ay u daboolaan qeybta bishii ay amaahiyeyaashooda ay ka rabaan islamarkaana u bixiyaan biilashooda, waxay shaqeyn jireen saacado dheeraad ah maalmo isku xiga iyagoo aan hurdin ama hurda yar helo. Si ay u shaqeeyaan saacadaha dheeraadka ah, qaar kamid ah darawallada waxay isticmaali jireen daroogo ka dhigeysa kuwo firfircoon saacado badan. Nidaamka kaltanka ayaa ka hortagay maalmo shaqo oo isku xiga. Haddaba, waxaa yaraatay baahida loo qabo isticmaalka maandooriyaha sida qaadka oo lagu shaqeeyo.

Cimriga iyo jiritaanka bajaajta ayuu dheereynayaa nidaamkan kaltanka. Nidaamkan cusub ayaa ku qasbaya bajaaj kasta ay shaqeeyso hal maalin labadii maalmoodba. Iyadoo laga faa’ideysanayo maalmahan nasashada, qaar kamid ah darawallada bajaajta ayaa dad kale ka kiraysta bajaaj taasoo ka dhigan in ay shaqeeyaan maalmo xiriir ah halka kuwo kalena ay qabtaan shaqooyin kale, iyadoo qaar kalena ay nastaan.

Intaa waxaa dheer, dakhliga maalinlaha ah ee darawallada kasoo gala bajaajta ayaa la sheegay inuu sidoo kale kordhay. Sida uu qoraaga faalladan ku ogaaday wadasheekeysi uu la yeeshay darawallada bajaajta, celceliska dakhliga maalinta wanaagsani waxay horey ugu dhexeysay $20 ilaa $35, taasoo hadda kor ugu kacday $30 ilaa $45 iyadoo qaarkood ay helaan ilaa $50 maalintii. Inkastoo kororkani uu yahay mid muhiim ah, haddana ma kabayo dakhliga seegay maalmaha nasashada ee qasabka ah. Kororka maalinlaha ah ayaa ka imaanaya iyadoo ay yaraadeen tirada bajaajta isticmaala waddooyinka maalinkii, taasi oo fursad u siineysa dadka shaqeeya inay helaan rakaab badan maadaama tartanka uu ka yaraaday. Sidoo kale, saacadaha shaqada ee halka maalin ayaa kordhay, iyadoo darawalladu ay isku dayaan inay soo kabaan dakhligii lumay maalinta nasashada.

Qaar kamid ah milkiilayaasha bajaajta ma wadaan mootada. Taa beddelkeeda, waxay ka kireeyaan darawallo oo ay lacag maalinle ah ka qaataan; qiimaha kirada waxa uu ahaa mid u dhexeeya $8 ilaa $10 maalintii. Nidaamka kaltanka cusub awgiisa, lacagta kirada waxa ay noqotay $15 maalintii. Iyadoo taasi jirto, ma jirin wax koror ah oo ku yimid qiimaha bajaajta lagu raaco. Inkastoo darawallada bajaajta ay isku dayeen in ay kordhiyaan qiimaha lagu raaco billowgii, ma ahayn mid ay joogteyn kareen maadaama xaaladda dakhliga dadku ay sidii hore ahayd. Sikastaba ha ahaatee, wadayaasha bajaajta ayaa si kala duwan ula dhaqma qiimaha lagu raaco, iyagoo qaada lacagta ugu badan ee suurtagalka ah.

Nidaamka kaltanka bajaajta uma saameynin dadweynaha sida uu u saameeyay milkiilayaasha iyo wadayaasha bajaajta. Labo qeybood ee dadka uu saameynta ku yeeshay ayaa kala ah ardayda iyo shaqaalaha, gaar ahaan haweenka sababo la xiriira ammaanka. Amni-darrada ka jirta magaalada habeenkii ayay haweenka u door bidaan inay raacaan bajaajyo ay shakhsi ahaan u garanayaan darawalladooda, maadaama ay ka fogaanayaan in la dhaco, la kufsado, ama dhibaato kale loo geysto habeenkii. Intaa waxaa dheer, waxaa jira dad u raaca bajaajta si joogta ah oo aada goobo cayiman. Waxa ay kireysan jireen bajaaj ay bishii siin jireen lacag go’an oo waxyar ka yar haddii ay maalin kasta raaci lahaayeen bajaaj kale. Nidaamka kaltanka kadib, tani ma shaqeyn karto maadaama bajaajyadu aanay shaqeyn karin maalin kasta. Darawallada bajaajta ayaa sidoo kale lumiyay dakhli ay u heli jireen bille iyo macaamiil joogto ah. Si taas loo kabo, wadayaasha qaar ayaa la heshiiyey darawallada wada mooto sumadda kale leh si ay ugu adeegaan macaamiishooda halka iyagana ay u qaadaan macaamiishooda, sidaasina ay labadoodaba ku ilaalinayaan macaamiishooda oo ay isku caawiyaan.

Xalka

Hirgelinta nidaamka kaltanka bajaajta ee magaalada Muqdisho waxa uu keenay isbedel ku yimid isu-socodka magaalada iyo isbadello amni. Inkastoo uu nidaamka saameyn togan iyo mid taban ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada, saameyntiisa weli si buuxda looma gaarin. Dhowr talo oo muhiim ah iyo meelaha suurtagalka ah ee laga hagaajin karo ayaa halkan lagusoo gudbinayaa:

  1. Qorsheynta Kaabayaasha Gaadiidka: Nidaamka kaltanka bajaajta ayaa muujiyay baahida loo qabo qorsheynta kaabayaasha gaadiidka iyo horumarinta magaalada. Yareynta ciriiriga waddooyinka ee lagu gaaray hirgelinta nidaamkan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto tirada gadiidka isticmaalaya waddooyinka, tayada iyo awoodda waddooyinka, iyo sidoo kale habab hufan oo lagu maareeyo waddo-marista.
  1. Amniga iyo Fulinta Sharciga: Inkastoo nidaamka kaltanka uu gacan ka geystay tallaabooyinka lagu hagaajinayo amniga maadaama la yareeyay tirada gadiidka isticmaalaya waddada, waxaa loo baahan yahay habraac leh halbeegyo lagu cabbiro. In la isku dheelitiro baaritaanka baraha kontorool ee amniga lagu sugayo iyo isu-socod gaadiid oo hufan waa muhiim. Hay’adaha fulinta sharciga waa inay u qaabeeyaan xeeladahooda si yareyneysa saameynta taban ee isu-socdka iyagoo joogteynaya tallaabooyinka lagu sugayo
  1. Habab kale ee Gaadiid Dadweyne: Nidaamka kaltanka ayaa u horseeday caqabado dadka ku tiirsan bajaajyada, sida ardayda iyo shaqaalaha. Si taas wax looga qabto, waxaa jirta baahi loo qabo in la sahmiyo fursado kale ee gaadiid. Horumarinta awooda, isku-halleynta iyo qiimaha adeegyada basaska waa in ay noqdaan mudnaan. Cilmibaaris dheeraad ah ayaa loo baahan yahay in lagu sameeyo saameynta gaadiidka la wadaago iyo tagsigyada ay ku leeyihiin ciriiriga magaalada si loo yareeyo saxmadda waddooyinka. Muddada dheer, waa in la tixgen karaa habab kale sida baaskiil-wadista. Tani waxay noqon kartaa in la sameeyo leeman, waddooyin iyo baarkin baaskiilo waxayna xal u noqon kartaa dhimista tirada baabuurta iyo yareynta wasakhowga hawada. Kaabayaasha aasaasiga ah ee noocan oo kale ah waxay qeyb ka ahaayeen horumarinta waddooyinka magaalooyin sida Nayroobi, inkastoo guulo yar laga gaaray.
  2. Qorsheynta Magaalada ee Muddada Fog: Si wax looga qabto sababaha asaasiga ah ee saxmadda isu-socdka, istaraatiijiyadda qorsheynta magaaladda ee muddada fog waa muhiim intii la isticmaali lahaa xeerar faa’idooyinkoodu yaryahay oo xal kumeelgaar ah u ah caqabadaha Ku daridda xalal gaadiid oo waara, ballaarinta wadooyinka, sare-u-qaadida gaadiidka dadweynaha, iyo is dhexgalka hababka maareynta gaadiidka casriga ah waxay gacan ka geysan doontaa abuurista kaabayaal gaadiid oo waxtar iyo adkeysi leh. Waxa loo baahan yahay in la helo siyaasad nidaamisa fiditaanka magaalada ee aan qorsheysneyn, taasoo ugasii daraysa xaaladda islamarkaana keeni karta dhibaatooyin kale oo aan ahayn keliya isu-socdka gaadiidka, balse sidoo kale la xiriirta bilicda guud ee muuqaalka magaalada ee mustaqbalka.

Ibrahim Jibril waa kaaliye cilmibaare ka tirsan Somali Public Agenda.

Share This :

One Response

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recent Posts

Follow Us