
Somali Public Agenda
November 17, 2022
Soo If-baxa Dhallinyarada Ciyaal Weerada ee Muqdisho: Sababaha iyo Xalka
Sanadka 2021, waxaa gobolka Benadir kasoo if-baxay kooxo dhallinyaro ah oo loogu magac daray Ciyaal Weero. Kooxahan ayaa si gaar ah uga howlgala degmooyinka ku yaalla daafaha magaalada Muqdisho. Ciyaal Weero waxa ay ku hubeysan yihiin hubka fudud, sida mindiyo, baangado, toorey, ulo iyo mararka qaarkood bastoolado iyo qoryaha darandooriga u dhaca. Soo if-baxa dhallinyaradan ayaa saameyn ku yeelatay shacabka Muqdisho, gaar ahaan amaanka oo ah adeegga ugu muhiimsan ee asaasiga ah ee ay dowladu siiso dadweynaha.
Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Maxamed Aadan ku falanqeynayaan sababaha keenay soo if-baxa Ciyaal Weero, saameynta ay ku yeesheen dadweynaha gobolka Benadir, iyo tallaabooyinka ay tahay in la qaado si xal loogu helo Ciyaal Weero.
Click here to listen on Apple Podcasts.
Recent Posts
-
25 Sep 2023How the neglect of public goods in Buulaburte epitomizes Somalia’s state of governance
-
25 Sep 2023kadib go’aankii Sanadka Asaasiga ah ee Wasaaradda Waxbarashada, Dalsan Tv ayaa wareysatay Farxan Isak Yusuf oo ah Agaasime Ku Xigeenka SPA faallana ka qoray go’aanka iyo saameynta uu yeelan karo
-
21 Sep 2023Falanqeyn sanad-waxbarasheedka asaasiga ah ee jaamacadaha lagu kordhinayo