Xasilloonida iyo Daahfurnaanta Hannaanka Doorashada dadban ee Soomaaliya

Xasilloonida iyo Daahfurnaanta Hannaanka Doorashada dadban ee Soomaaliya

17-kii Sebteembar, hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada waxay ku heshiiyeen nooc doorasho dadban ah in ay ka dhacdo dalka. Iyadoo laga ambaqaadayo doodo taxane ah oo Dhuusamareeb ku qabsoomay bilaha Luulyo iyo Ogosto, doorashada lagu heshiyey ayuu baarlamaanku ansixiyay waxaana lagu faahfaahiyay heshiisyadii xigay ee 2-dii Oktoobar.

Inkastoo heshiisku muujiyay in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay gaareen is-faham aad loogu baahnaa kuna saabsan qaabeynta doorashada, haddana waxaa jira dulduleello badan iyo mugdi jira oo haddii aan wax laga qaban khatar gelin kara daahfurnaanta iyo in loo dhanyahay geeddi-socodka doorashada. Waxa kale oo jira arrimo siyaasadeed oo muran badan dhaliyay oo haddii aan la xallin ay sidoo kale kordhin karaan halista isku dhacyada dhalan kara bilaha soo socda.

Burhan Warsame Abdi waa aqoon yahan bartay Arrimaha Dowlanimada, Siyaasadda loo dhan yahay,  iyo Federalismka. Waxa uu hadda ka tirsan yahay Somali Dialogue Platform. Waxa uu soo qabtay howlo kala duwan. Waxa uu noqday Agaasimaha Guud ee Xafiiska RW (Chief of Staff); La taliye Arrimaha Doorashooyinka; Xubin Guddiyada xiriirinta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada (Federal Negotiating Technical Team); Xubin Guddiga Wadaagga Kheyraadka Dalka; Goobjooge Doorashooyinkii 2012 iyo 2016/17; waxa uu sidol kale la shaqeeyey hay’ado badan oo caalami ah.

Podcast-gan waxa lagu falanqeynayaa nuxurka warbixinta falanqeyneysa arrimaha khilaafka ka jiro ee doorashooyinka Soomaaliya oo ay wada daabaceen Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda.

Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, Stitcher and Amazon Music.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Recent Post

Follow Us