Wicitaanka Dhegaystaha:- Wareysiga VOA iyo Mahad Waasuge

Dowladda Soomaaliya ayaa ka shaqeyneysa sidii ay isbeddel ugu sameyn laheyd hannaanka doorashada, waxaana qodobada ugu waaweyn ka mid ah in doorashayiinka ay ku tartamaan laba xisbi, iyo in madaxweynaha ay dadku toos u soo doortaan, iyada oo la baabi’inayo xilka Ra’isul Wasaaraha.

Haddaba caqabadaha iyo suurtagalnimada isbedeeladan ayaan ku eegeynaa barnaajimka Wicitaanka Dhageysataha ee toddobaadkan, waxaana marti ku ah Mahad Waasuge, madaxa Somali Public Agenda.

Falanqeyn: Go’aankii Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Ee Bishii Agoosto

Ka dib go’aankii ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada ee la xiriiray sanadka dheeriga ah ee Jaamacadaha “Foundation Year” ayaa Somali Public Agenda falanqeyn kooban ku sameysay tabashooyinka iyo dhaliilaha la xiriira go’aanka.

Sidoo kale, falanqeyntaan oo lagu wareystay dad badan oo xog-ogaal u ah Waxbarashada Dalka ayaa lagu soo jeediyay talooyin muhiim ah.