Culeysyada Isu-socodka Dadka iyo Gaadiidka Muqdisho

Commentary

Bilowgii qarnigii 20-aad, Muqdisho waxa ay ku fidday agagaarka dekedda, balse sanadihii dambe Talyaaniga ayaa ‘qorsheeyay magaalada’ xilligii gumeysiga. Inkastoo dadku ay si tartiib tartiib ah u badanayeen tan iyo bilowgii qarnigii 20-aad, tirada dadka iyo kobaca magaalada waxa ay aad u muuqdeen xornimada kadib iyadoo heerkii ugu sarreeyay gaartay xilligii xukunka milateriga. Taliskii Milateriga ayaa, gaar ahaan lixdii sano ee ugu horreeyay (1969-1975), maalgelin ballaaran ku sameeyay adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka iyo gaadiidka dadweynaha, wuxuuna magaalada oo dhan ka dhisay goobo badan oo basaska laga raaco.

Sikastaba ha ahaatee, wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii milateriga ahayd ee sanadkii 1991 iyo dagaalladii sokeeye ee dalka burburiyey, Muqdisho waxay noqotay meel ay ka dhacaan dagaallo badan oo ay kamid yihiin halgankii xukun ee u dhexeeyay hoggaamiye kooxeedyadii (ilaa dhammaadkii 1990-aadkii; Midowgii Maxkamadaha Islaamka iyo hoggaamiye kooxeedyadii 2006-dii; Maxaakiimtii iyo ciidamadii Itoobiya oo garabsanaya ciidamadii Dowladii Federaalka Kumeelgaarka ahayd ee 2006-2009; iyo ugu dambeyn dagaalladii u dhexeeyay al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ahayd ilaa kooxda laga saaray magaalada dabayaaqadii 2011. Waddooyinka iyo nidaamyada kale ee gaadiidka ayaa burburay muddadii ay socdeen dagaallada, waxaa sidoo kale burburay kaabayaasha aasaasiga ah ee dadweynaha.

Kadib abaartii dalka ka dhacday sanadkii 2011-kii iyo gargaarkii bini’aadannimo ee uu wadanku ka helay Turkiga, mashaariicda uu Turkigu hormuudka ka ahaa waxaa ku jiray qeybo kale oo aan gargaar bini’aadamnimo ahayn, sida waxbarashada iyo dhismaha waddooyinka. Inta badan waddooyinka ayaa ahaa kuwa godad badan ee uu burbur xooggan soo gaaray kadib dagaalladii magaalada ka socday muddo labaatan sano ah. Marka lagasoo tago 23-da kiiloomitir ee dhismaha Turkiga ee wadooyinka muhiimka ah ee laamiga ah ee Muqdisho, waxaa la dhisay ama la dayac tiray waddooyin kale oo badan oo muhiim ah tan iyo markaas, oo ay maalgeliyeen bulshada deegaanka iyo ganacsatada. Waddooyinkan waxaa kamid ah Waddada 30-ka oo isku xirta degmooyin muhiim ah iyo suuqyo ganacsi.

Horumarka muuqda ee kaabayaasha gaadiidka iyo waddooyinka waxa uu dhaliyey in isu-socodka magaaladu ay ilaa xad fududaato, sidoo kalena isu-socodka dadka magaalada iyo gaadiidka ayaa soo hagaagay marka loo eego sanadihii hore. Sikastaba ha ahaatee, iyadoo ay ugu wacan tahay xirnaanshaha qeyb ahaan ama gebi ahaanba qaar badan oo kamid ah waddooyinka cusub ee la dhisay ama la dayactiray iyo dhibaatooyin kale oo is biirsaday, dadka Muqdisho waxay ku dhibaatoodaan in ay goobo isku dhaw oo gudaha magaalada ah isaga kala gudbaan. Dhibaatadu waxay u muuqataa mid aan dhawaan la xallin doonin.

Iyada oo ay jiraan caqabadahaas qotada-dheer iyo cabashooyinka muwaaddiniinta ee isasoo taraya, Somali Public Agenda (SPA) ayaa maalinkii Khamiista ee 17-kii Nofeembar 2022 qabatay madal looga hadlay caqabadaha ku xeeran isu-socodka magaalada Muqdisho iyo saameynta ay ku leeyihiin isu-socodka dadka iyo gaadiidka. Ka qeyb galayaasha ayaa intii ay socotay madasha  waxa ay ka doodeen waxyaalaha sababay iyo cawaaqibta ka dhalan karta, waxaana ay soo jeediyeen talooyin muhiim ah oo Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadka siyaasadaha dejiya ka caawin karta wax ka qabashada arrimahaasi. Ka qeyb galayaashu waxay ka kala socdeen dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin qorsheeyayaal magaalooyin iyo xirfadlayaal, ganacsato, arday, macalimiin, milkiilayaal baabuur, qareenno, iyo falanqeeyayaal arrimaha amniga.

Sababaha Keenay Caqabadaha Isu-socodka Magaalada

Waxyaalaha sababay caqabadaha isu-socodka magaalada Muqdisho waxaa kamid ah amni darro iyo qaraxyo kusoo noqnoqda magaalada, iyo sidoo kale kaabayaasha gaadiidka oo liidata.

Amni(darrada): Waddooyinka qaar ee dayactirka lagu sameeyay iyo kuwa cusub oo la dhisay ayaa qeyb ahaan ama gabi ahaanba xiran, sababo la xiriira ammaanka magaalada oo sii xumaanayay, halka jidad kalena ay u baahan yihiin aqoonsi lagu maro oo ay mari karaan keliya shaqaalaha dowladda sida siyaasiyiinta, ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha rayidka. Arrintan waxa ay curyaamisay isu-socodka dadweynaha, waxayna abuurtay caqabado hor leh maadaama inta badan shacabka Muqdisho aysan marin waddooyinkaas. Intaa waxaa dheer, marka la eego adeegyada gar-gaarka degdegga ah oo awalba koobnaa, baabuurta dab damiska iyo ambalaasyada ayaa la daalaa dhacaya inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladaha deg-degga ah sida dab kacay ama qaraxyo dhacay, kuwaasoo si joogto ah u dhaca.

Iyada oo ay jirto in al-Shabaab bartilmaameedsadaan xarumaha dowladda, waxaa jira baro baaritaan oo ay baabuurtu kaliya ka gudbi karaan haddii wadayaasha gadiidku ay wataan kaararka aqoonsiga dowladda. Darawalku waa inuu gaariga istaajiyaa, dhowr mitirna lugeeyaa si uu askariga u tusiyo kaarka aqoonsiga looguna oggolaado isticmaalka waddada. Mararka qaar keliya dadka wata kaararka aqoonsiga ee xafiisyada ugu sareeya ee dowladda, sida Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale madaxda sare ee dowladda, oo keliya ayaa mari kara qaar kamid ah waddooyinkaas. Arrinkan ayaa xaddiday isu-socodka dadka ee magaalada Muqdisho. Waxa kale oo ay gacan ka geysatay sare-u-kaca qiimaha dhulalka iyo qiimaha kirada ee aagaggaan la ilaaliyo. Dhinaca kale, barahan koontorool waxa ay yareeyeen weeraradii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaadi jiray xarumaha dowladda ee ku yaalla gudaha aagagga la ilaaliyo ee Muqdisho.

Sidaas darteed, dadka waxaa ay haystaan fursado kooban marka ay aadayaan qeybaha kala duwan ee magaalada, waxayna inta badan isticmaalaan waddooyinka yar ee la mari karo kuwaasoo dhex mara degmooyinka qaar oo ay dadku ku badan yihiin. Ciriiriga faraha badan ee ku yimaadda qaar kamid ah wadooyinkaasi ayaa sababa caqabado dhanka ammaanka ah, maadaama isgoysyada iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin ay u nugul yihiin weerarrada qaraxyada ah ee loo adeegsado qaraxyada baabuurta lagasoo buuxiyo, oo inta badan ka dhaca magaalada. Ciidamada taraafikada ayaan joogin qaar kamid ah isgoysyadaas mashquulka badan. Qaraxyadii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Isgoyska Soobe 14-kii Oktoobar 2017, iyo 30-kii Oktoobr 2022 ayaa ah tusaalaha ugu muhiimsan, oo labaduba dhacay xilli isgoyskaas uu ahaa mid aad u saxmad badan, ayna ku naf waayeen boqolaal qof.

Kaabayaasha Gaadiidka oo Liita: Kaabayaasha gaadiidka ee Muqdisho oo liita ayaa qeyb weyn ka qaatay caqabadaha adag ee isu-socodka magaalada. Magaaladu ma aysan helin casriyeyn kaabayaasha gaadiidka ah tan iyo sanadkii 1991, markii ay dowladdii dhexe burburtay, iyadoo ay magaaladu weysay wax badan oo ay horey u lahayd. Sikastaba ha ahaatee, wadooyin badan ayaa la dayactiray tan iyo sanadkii 2014, inkastoo aan weli la dhisin kuwo cusub. Midda kale, waddooyinka laamiga ah ee Turkigu dhisay ma laha bullaacado ay biyaha maraan, roobabka ayaana inta badan sababa daadad xaddida isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee Muqdisho.

Intaa waxaa dheer, kaabayaasha gaadiidka ee hadda, oo la dhisay qarnigii 20-aad, ayaa sii daciifaya. Dadka magaalada ku noolaa wakhtigaas waxa ay ka yaraayeen kala bar tirada dadka hadda ku nool magaalada, waxaana jira gaadiid aad uga badan intii hore oo wadada isticmaala, taasoo ay ugu wacan tahay kororka dadka iyo sare-u-kaca dakhliga ay helaan dad badan. Waxaa ugu muhiimsan, xadidnaan la’aanta da’da gaadiidka isticmaali kara waddooyinka Muqdisho ama xadididda tirada gaadiidka isticmaali kara waddooyinka. Waxaa intaa dheer, dowladda hoose si hufan uma maareyso Bajaajta kusoo badanaysa waddooyinka Muqdisho. Qaar kamid ah magaalooyinka kale ee Soomaaliya waxaa ka jira in bajaajta loo kala yeelay midabo si loo jaangooyo tirada isticmaaleysa wadooyinka maalmo gaar ahna loo kala yeelo.

Waxyaalaha ka Qeyb Qaadanaya

Dhowr arrimood ayaa gacan ka geysta caqabadaha dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ee Muqdisho. Waxaa kamid ah degmooyinka daafaha oo aan lahayn adeegyo iyo xarumo madadaalo; la’aanta shuruuc iyo nidaamyadii waddooyinka, iyo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada.

Xaddidnaanta Adeegyada Dadwaynaha ee Degmooyinka Daafaha: Inkastoo Muqdisho ay ka kooban tahay 17 degmo, haddana inta badan xarumaha iyo goobaha bixiya adeegyada bulshada, kuwa guud iyo kuwa gaarka ahba, waxa ay ku badan yihiin degmooyinka xuddunta ah iyo kuwa ku hareeraysan. Maamulka Gobolka Banaadir, hay’adaha Dowladda Federalka Soomaaliya, jaamacadaha, bangiyada, iyo isbitaalada gaarka loo leeyahay ayaa inta badan iyana ku yaalla goobahaas. Waxaa magaalada xuddunteeda si maalinle ah u yimaadda kumannaan dad ah oo raadinaya adeegyo bulsho, kuwa guud iyo kuwa gaar ahba, iyagoo isticmaalaya waddooyin kooban si ay usoo gaaraan xarumahaas.

Intaas waxaa sii dheer, iyadoo magaaladu ay kasoo kabanayso sannado badan oo dagaallo ba’an oo sokeeye ah, ganacsatadu waxa ay si xooggan bartamaha magaalada ugu maal-gashanayaan qeybo kala duwan sida maqaayadaha, hoteellada, maqaayadaha shaaha iyo qaxwada, iyo xarumaha madadaalada. Taas waxaa ka dhasha in dadwaynaha ay ku adkaato in ay tagaan bartamaha magaalada, sababo la xiriira xaddidnaanta waddoyinka dadku isticmaali karaan si ay u gaaraan goobahaas. Sidoo kale, baabuurta dadwaynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay waxa ay buux-dhaafiyaan waddooyinka fara-ku-tiriska ah ee la mari karo, waxa ayna sababaan saxmad dadka ka qaata saacado aad u badan.

Shaqo La’aanta: Mid kamid ah ka qayb galayaasha doodda ayaa ku dooday in shaqo la’aanta baahsan ee magaalada ka jirta ay si dadban u keenayso adkaanta isu-socodka ee magaalada Muqdisho. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in shaqo la’aanta baahsan ee heysata dhallinyarada magaalada ay ku khasabtay dhalinyaro badan in ay wadaan gaadiidka dadwaynaha ee loo yaqaanno bajaajta, si ay nolol maalmeedkooda uga helaan, maadaama ay noqotay gaadiidka dadwayne ee ugu caansan magaalada. Gaadiidkan ayaa ka shaqo bilaabay Muqdisho qiyaastii toban sano ka hor, waxaana 2020-kii lagu qiyaasay in ilaa 35,000 ay ka shaqeeyaan magaalada. Qiyaastii 25% darawaliinta gaadiidkan ayaa la rumaysanyahay in ay yihiin dad kasoo qalin-jabiyay jaamacado.

Inkastoo bajaajtu ay horumarisay nidaamka gaadiidka dadweynaha ee magaalada ayna shaqaalaysiisay dhallinyaro badan, soo gelitaankeeda suuqa ayaa abuuray caqabado hor leh waxa ayna ugasii dartay isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho oo awalba ahaa mid aad u liita. Waxa ay u shaqeeyaan sidii tagaasi oo kale, baahida loo qabana waa ay sii kordhaysaa sababo la xiriira korarka dadka iyo la’aanta habab kale oo gaadiid dadwayne. Sidaas darteed, bajaajtu waxa ay buux-dhaafisaa waddooyinka, waxa ayna abuurtaa saxmad laga fursan karay, maadaama darawallada bajaajta qaarkood aysan haysan ruqsadda wadista, isticmaalka maandooriyaha sharci darrada ahna loo malaynayo in uu ku badan yahay dhexdooda, gaar ahaan habeenkii (inkasta oo dowladdu bartamihii 2022 ay soo rogtay xayiraad dhaqdhaqaaqa bajaajta ah wixii ka dambeeya saqda dhexe walina aan la qaadin).

Maqnaashaha Basaska Dadweynaha: Adeegyada basaska dadweynaha ayaa ah mid kamid ah kuwa ugu muhiimsan uguna caansan qaababka isku-socodka dadwaynaha ee adduunka oo dhan. Magaaladu waxa ay lahaan jirtay adeegyada basaska dadweynaha oo si buuxa u shaqeeya ka hor inta aysan dagaallada sokeeye ka qarxin magaalada 1991. Sikastaba ha ahaatee, kadib colaadaha aafada ah adeegyada basaska dadweynaha ayaa si tartiib tartiib ah uga baxay hawada waxaana beddelay basas yaryar (caasi) oo qaada ugu badnaan 18 qof.

Hasayeeshee, caasiyaduna si tartiib tartiib ah ayay uga dhammaanayaan waddooyinka, iyadoo gaadiidka bajaajta ee sida ballaaran loo isticmaalo ay noqotay habka gaadiidka dadweyne ee magaalada loogu isticmaalka badan yahay. Awooddeeda qaadis ee ugu badan waa 3 rakaab ah markiiba. Qaadka yar ee Bajaajta darteed, suuqa gaadiidka dadweynuhu waxa uu u baahday bajaajyo aad u badan, halka dad badani ay iibsadeen gawaari ay gaar u leeyihiin, taasoo ugasii dartay xaaladda maadaama inta badan waddooyinka magaaladu aysan qaadi karin culeyska intaas le’eg.

La’aanta Xeerarka Gaadiidka: Xeerarka gaadiidku waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan habsami-u-socodka gaadiidka iyo dadwaynaha ee magaalooyinka waaweyn. Inta badan waddoyinka Muqdisho ma laha xeerar gaadiid iyo boolis waddooyin oo si dhab ah u shaqeynaya midna. Magaaladu waxa ay baahi aad ah u qabtaa samaafaro iyo sidoo kale shuruuc iyo booliis waddooyin oo si dhab ah u shaqaynaya oo dhaqangeliya shuruucdaas. Waddooyinka qaar waxay leeyihiin calaamado aasaasi ah, sida wareegga isgoysyada iyo xaddidayaasha xawaaraha, laakiin si dhif ah ayaa loo raacaa calaamadahan. Darawallada qaarkood waxa ay isticmaalaan dhinaca qaldan ee waddada ayagoo booliisku u jeedo mana wajahaan wax ciqaab ah.

Arrimahani waxa ay dhammaantood abuuraan fawdo iyo jahwareer uganasii daraan sababihii asalka u ahaa caqabadaha isu-socodka magaalada. Si gaar ah, baabuurta dowladda – gaar ahaan ciidamada amniga – waa kuwa ugu badan ee ku xadgudba xeerarka waddoyinka iyo gaadiidka. Waxa ay ridaan rasaas si ay gaadiidkooda ugu banneeyaan meel ay maraan iyagoo ka baqaya in uu al-Shabaab bartilmaameedsado. Waxa ay sidoo kale mararka qaarkood ku dilaan isgoysyada ciriiiga ah darawallada bajaajta iyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Tani waxa ay horseedday dhowr bannaan-bax oo ay darawallada bajaajtu dhigeen, uganasoo horjeedeen dilalka ay kala kulmaan ciidammada ammaanka ee dowladda.

Intaa waxaa sii dheer, la’aanta goobo baakin dadweyne ama gaar loo leeyahay waxa ay gacan ka geysataa dhibaatada. Dadka qaar waxa ay gawaaridooda ku baakimaan waddooyinka iyo marsha-biyoodyada, taasoo sababta saxmad iyo in waddooyinku xirmaan. Inta badan waddooyinku waa kuwa aad u yar yar oo keliya waxaa isticmaali kara dhowr baabuur keliya markiiba.

Xalka

  • Dowladdu waa in ay tallaabo ballaaran qaaddaa si ay wax uga qabato khataraha ammaanka oo ay raadisaa xalal kale oo aan ahayn xiritaanka waddooyinka. Maadaama amni-darradu ay tahay sababta koowaad ee adkaanta isu-socodka Muqdisho, arrimahan waxa ay u badan tahay in aysan is beddelin ilaa inta ammaanka magaaladu uu yahay mid khatar ah. Dowladdu halkii ay ka fududeyn lahayd waddooyinka xiran, waxa ay sii xirtaa waddooyin cusub ama ay sii adkeysaa kuwa horay u xirnaa mar walba oo ay dhacaan falal amni darro. Dhanka kale, shacabka ayaa kusii dhibtooda tallaabooyinka ‘sugidda amniga’ ee dowladda ayagoo sii wajaha khataro ammaan oo hor leh marka ay qaraxyadu ka dhacaan goobaha saxmadda ah iyo waddooyinka aad loo buux-dhaafiyo. Haddii ammaanka magaalada la hormariyo lana yareeyo weerarada al-Shabaab, caqabadaha isu-socodka ee hadda ka jira Muqdisho waa ay yaraan karaan.

 

  • Iyadoo la tixgelinayo muddada dheer ee ay ku qaadan karto dowladdu inay soo celiso isticmaalka waddooyinka inta badan hadda xiran, ganacsatadu waa in ay billaabaan basas dadweyne oo jaban ammaanna ah. Sidoo kale, waa in dowladda iyo hay’adaheeda amnigu ay u oggolaadaan gaadiidkan in ay maraan waddooyinka isticmaalkooda la yareeyay mar haddii ammaankooda la hubo, rakaabkana lagu baari karo boosteejooyinka basaska. Sidaas darteed, hay’adaha ammaanku waxa ay sugi karaan ammaanka iyagoo sidoo kalena dadka u oggolaanaya in ay isticmaalaan waddooyinka muhiimka ah ee xiran. Intaa waxaa dheer, dadweynuhu waxa ay heli lahaayeen nidaam gaadiid dadwayne oo ka wanaagsan kan hadda.

 

  • Dowladdu waa in ay xaddido tirada gaadiidka bajaajta ee waddooyinka maraya kuna dhiirigelisaa hawl-wadeenadeeda in ay oggolaadaan in dadku isla wadaagi karaan raacitaanka bajaajta. Waa la nidaamin karaa oo tiradeedana la xaddidi karaa iyadoo la ilaalinayo shaqadeeda loona cayimayo xilliyo shaqo oo kala duwan, sida ka jirta Baydhabo oo kale oo keliya midab bajaaj gaar ah loo oggol yahay in uu shaqeeyo maalin kasta. Tan waxaa loo isticmaali karaa tusaale ahaan. Taas beddelkeeda, darawallada waxaa lagu dhiirigelin karaa in ay u oggolaadaan rakaabka in ay dad la wadaagaan raacitaanka, si looga baaqsado in kun qof ay u safraan isla hal jiho iyagoo isticmaalaya kun bajaaj oo kala duwan isla hal goor iyo hal waddo.

 

  • Waa in la maalgaliyaa calaamadaha waddoyinka iyo gaadiidka, nalalka iyo booliiskaba si loo yareeyo dhibaatooyinka isu-socodka magaalada. Waxa ay door muhiim ah ka ciyaari karaan habsami-u-socodka gaadiidka iyo hoos-u-dhigista saxmadda waddooyinka. Sidoo kale, waa in la helaa xeerar cad-cad oo lala wadaagay dadweynaha oo ay booliiskuna u fulin karaan si waafaqsan shuruucdaas.

Maxamed Aadam waa maamulaha Public Agenda Forum iyo cilmibaare ka tirsan Somali Public Agenda.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *