Dhallinyarada iyo ka qeybgalka siyaasadda Soomaaliya: caqabadaha iyo fursadaha

Commentary
Dhallinyarada iyo ka qeybgalka siyaasadda Soomaaliya: caqabadaha iyo fursadaha

Soomaaliya waa dal ay dhallinyarada u badan tahay heerka tarankuna uu sarreeyo. Qiyaastii 70% dadku waxay ka yar yihiin 30 sano, in ka badan 60% dadku waxay ka yar yihiin 25 sano. Tirada badan ee dhallinyrada ah, waxay keentay in dhallinyarada da’da shaqada gaaray ay u dhibaatoodaan shaqo la’aan heerkeeda lagu qiyaaso 60%; Soomaaliyana ka dhigay mid kamid ah dalalka ugu sarreeya shaqo la’aanta adduunka.

Dhibta kale ee heysata dhallinyarada waa in heerka wax qoristu uu hooyseeyo. Sarreynta heerka shaqo la’aanta iyo wax qoris la’aantu waa mid xiriir toos ah la leh hay’adaha dowliga ah oo aan si qumman u shaqeyneyn, kuwaasoo dhalliyarada awooddooda iyo tamartooda uga faa’iideyn karay danta guud.

Labadaan arrimood oo is biirsadey waxay dhallinyarada u nugleyneysaa in loo isticmaalo waxyaabaha bulshada halista ku ah.

Dhallinyrada iyo ka qeybgalka siyaasaadda heer dowlad-goboleed

Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay wajahayaan culeysyo badan, laakiin tani ma yareyneyso sababaha la xiriira dhaqaaq la’aanta siyaasadda ee heer qaran iyo heer dowlad-goboleed. Si hormar siyaasadeed loogu rogo dhallinyarada noloshoodana u wanaagsanaato, waxaa si aan hore u dhicin dhallinyaradu uga qeyb qaadanayaan siyaasadda— inkastoo ay ujeeddooyin iyo hammiyo kala duwan xambaarsan yihiin. Kor-u-kacaaasi wuxuu ka dhashay baahintii xukunka iyo dhismaha dowlad-goboleedyada.

Siyaasaddu waxay u xirneyd dadka waaweyn kuwaasoo dhaqaale ahaan awooda, xiriir wanaagsanna leh. Inta badanna siyaasadda waxaa loo arkayay mid lacag un laga sameeyo, ee looma arki jirin meel isbeddel weyn looga sameeyn karo nolosha shacabka. Inkastoo geeddi-socodka siyaasadeed u furmay dhallinyarada, haddana xaqiiqda murugsan ee jirta ayaa ah in dhaqammadii hore ee sumcadda ka xumeeyay siyaasadda Soomaaliya ay wali sii socdaan oo ay xitaa ku xidideysan yihiin jiilka cusub ee ku biiray siyaasadda heerarka kala duwan ee dowladda.

Sikastaba ha noqotee, dhallinyaradu waxay tiro fiican ka yihiin baarlamaannada dowlad-goboleedyada, kuwaasoo la sameeyay sanadihii 2013 ilaa 2016 (marka laga reebo Puntland oo iyadu jirtay ilaa sanadkii 1998). Tusaale ahaan, baarlamaanka hadda jira ee Galmudug waxaa qiyaastii 50% xubno ka ah dhalinyaro kamid ah 89-ka xubnood ee baarlamaanka, saddex kamid ah xildhibaannada dhallinyarada ah ayaana ah dumar (wadar ahaan, sideed xubnood oo haween ah ayaa ka tirsan baarlamaanka Galmudug). Si lamid ah, dhallinyaradu waxay ka yihiin ku dhowaad 50% golaha wasiirrada Galmudug.

Intaa waxaa dheer, in baarlamaanka Jubaland ay dhallinyaradu ka tahay 23% 75-ka kursi ee baarlamaanka, dumarkuna waxa ay ka yihiin 6. Dhinaca Puntland, dhallinyarada baaralmaanka ku jirtaa waxaa lagu qiyaasaa 28% kuraasta 66-da ah. Waxaa ku jira hal dumar taasoo ka dhigaysa in baarlamaanka Puntland uu yahay midka ugu hooseeya ka qeybgalka siyaasadda dhinaca dumarka marka la barbar dhigo dowlad-goboleedyada kale. Dhanka kale, baarlamaanka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed waxay dhallinyaradu ka tahay 45% wadarta kuraasta oo 97 ah, dhallinyaradaasna waxa ay da’doodu u dhexeeya 25 ilaa 35 sano. Dhallinyarada dumarka ah waxa ay ka yihiin baarlamaanka Koonful Galbeed 3% halka guud ahaan dumarka ku jiraa ay yihiin 13 xubnood. Ugu danbeyn, Hir-Shabelle dhallinyaradu kala bar ayay qiyaastii ka yihiin baaralamaanka cusub.

Waxaa xusid mudan, dhalinyaradu kuma eka oo keliya xafiisyada sare ee dowlad-goboleedyada waxa ayna badanaa lafdhabar u yihiin shaqaalaha rayidka ee dowlad-goboleedyada waxayna lataliyeyaal ka yihiin xafiisyada sarsare ee dowlad goboleedyada ama hay’adaha dowliga ah ee curdinka ah.

Dhallinyrada iyo ka qeybgalka siyaasaadda heer qaran

Saaxadda siyaasaddda Soomaaliya waxay ahayd mid furan tan iyo dhammaadkii siyaasaddda hoggaamiye kooxeedyadii wakhti dheer wadanka haystay, inkastoo raadkoodii uu ka haray. Caqabadaha ku gudban in siyaasadda Soomaaliya aad gashaa waa kuwo yar marka la barbar dhigo siyaasadda gobolka iyo nidaamka dowladaha adduunka. Caqabadahaan ayaa soo ifbaxay sababo kala duwan awgood waxaana kamid ah — laakiin kuma xaddidna – lacag ka sameynta siyaasadda, sare-u-kaca iyo saameynta lacag dibadda ka timadda iyo maqnaanshaha doorasho dadweyne, taasoo dhallinayaradu ay ka heli lahaayeen fursado lagu doorto.

Iyadoo caqabadahaan ku gadaaman yihiin, ayay dhallinyaradu galeen siyaasadda. Waxay kasoo muuqdeen dowaladihii kala danbeeyay ee la dhisay lagasoo billaabo sanadkii 2000 inkastoo tiradooda ay kala duwaneyd. Baarlamaankii 9-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya (2012-2016), dhallinyaradu waxay ku lahayd door fiican inkastoo tirada saxda ah aan la hayn. Sikastaba ha noqotee, waxay anbaqaad fiican u ahayd in ay dhallinayaradu siyaasadda soo galaan, islamarkaana qabtaan xilal, fadhiistaanna miiska go’aanka lagu qaato.

Waxay xamaasaddu kor usii kacdey doorshadii dabaneyd ee 2016 oo ay dhallinyaro badan u tartameen kuraasta aqalka sare iyo golaha shacabka iyagoo labada gole ku matalayay jifooyinkooda. Waxaa xusid mudan, in tirada dhallinyarada baarlamaankii 10-aad ay boqolkiiba 14 ka ahaayeen. Intaas marka lagasoo tago, dhallinyaro ayaa xubno ka ahaa golaha fulinta heer federaal, inkastoo tiradoodu yareyd.

Heshiiskii doorasho ee Muqdisho

Shirkii ugu danbeeyay ee Dhuusamareeb ayaa lagu heshiiyay nidaam doorasho dadban, inkastoo ay ka maqnaayeen madaxda Jubaland iyo Puntland oo iyagu shirka qaadacay. Shir kale oo lagu dhammeystirayo wadahadalladii Dhuusamareeb, oo ay isugu yimaadeen madaxda dowladda faderaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada si meesha looga saaro madmadowga iyo hubaal la’aanta doorashada ayaa ugu danbeyntii waxay madaxda qaranku isku raaceen ‘Nooca Doorashada Muqdisho” 17-ki Sebteembar 2020.

Heshiiska waa la bogaadiyay, hasa yeeshee, waxaa ku jiray qodobo cillado iyo hore-u-socod la’aan keenaya. Hal qodob oo ay dad badan dhibsadeen waxaa weeye in qofka tartamaya laga qaado lacag is-diwaangelin gaareysa $10,000 Golaha Shacabka iyo $20,000 diiwaangelinta Aqalka Sare. Lacagahaan waxay dabar iyo xuquuq duudsin ku yihiin dhallinyarada iyo dumarka kuwaasoo markii horeba xafiisyada siyaasadeed aanan si weyn loogu metelin..

Si arrimahan looga dodo, ayaa madal looga hadlayo arrimahan waxaa si wadajir ah u qabtay Somali Public Agenda iyo Youth Peer Education Network (Y-Peer) kaasoo dhacay maalin Talaado ah 12-kii Sebteembar 2020, ciwaankiisuna ahaa “Kaalinta dhallinyarada ee doorashooyinka baarlamaanka federaalkaa ee Soomaaliya: fursadaha iyo caqabadaha.” Ujeeddada madasha ayaa ahayd in laga doodo fursadaha dhallinyarada iyo caqabadaha ay la kulmi karaan xilliga doorashada.

Halka arrin ee si weyn looga dooday oo ay ka qeyb galayaashuna kusoo celceliyeen waxay ahayd lacagta ay bixinayaan tartamayaasha labada gole ee baarlamaanka federaalka. Lacagta is diwaangelinta ah oo badan waxay si gaar ah dhabarjab ugu tahay dhallinyaro han siyaasadeed leh kuwaasoo aan heli karin dhaqaaliha laga mamaarmaanka u ahaa in ay ka qeyb galaan hannaanka doorashadaba iyagoo aan cid kale ku tiirsanaan. Lacagtani waxay yareyneysaa oo ay dib ugu celineysaa dhallinyarada in ay daawadayaal ka noqdaan geeddi-socodka siyaasadeed, gaar ahaan doorashada aanu shacabku codeyneynin oo ay musharraxiintu dooranayaan ergo.

Labo kamid ah saddexdii xubnood ee doodda ka qeyb gashay waxay muujiyeen walaac iyagoo ku dooday in lacagahaan badan ay dhallinyarada ka horjoogsanayaan in ay si madax-bannaan ugu tartamaan laba aqal ee Baarlamaanka. Gabar kamid ahayd xubnihii doodayay rabtayna in ay u tartanto kursi golaha-shacabaka ah ayaa tiri: “Waxaan ahay hooyo, dakhliga isoo galana waxaa aan ku debberaa nolosha qoyskeyga. Si aan ugu tartamo kursiga baarlamaanka, waa in aan lacagta ka helaa ilo kale ama aan tartanka oo dhan iska dhaafaa.” Wiil doodda qeyb ka ahaa ayaa ku raacay doodda gabadha. Wuxuu caddeeyay in khidmadaha badan ay xayiraad dhab ah ku yihiin musharraxiinta, gaar ahaan dhallinyarada.

Dooddaas cagsigeeda, qaar ayaa ku dooday in la kordhiyo lacagta is-diiwaangelinta, taageerayna kor-u-qaadidda lacagaha is-diwaangalinta ee kuraasta baarlamaanka federaalka. Waxa ay u arkayeen in ay lacagtaas tahay qaab lagu kala saari karo tartamaha ay dhab ka tahay iyo midka ay been ka tahay ee keliya doonaya in uu magac ka helo. Tusaale, gabar kale oo kamid ahayd xubnihii doodayay — ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka— ma dhibeyn lacagaas badan ee lagu waajibiyey tartamayaasha labada aqal ee baarlamaanka.

Caqabadaha ka hortaagan dhallinyarada in ay ka qeyb qaataan siyaasadda

Si ay u galaan siyaasadda, dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa haysta caqabado badan, inkastoo ay yihiin dadka tiro ahaan ugu badan dalka. Tusaalayaashaan waa qeyb kamid ah caqabadaha heysta dhallinyarada

Urur la’aan: Dhallinyarada Soomaaliyeed ma leh urur ka shaqeeya isku keenistooda kagana faa’iideeya tamarta xooggan ee ku jirta danta guud. Waxaa kamid noqon kara in ay cadaadis ku saaraan maamullada heerarkooda kala duwan qaabenyta iyo hirgelinta siyaasado ay dhallinyarado ka faa’iideyso. Sikastaba ha noqotee, qaar badan oo ka mid ah ururada dhisan ma shaqeeyaan saameyn muuqatana kuma laha sida ay siyaasaddu u shaqeyso iyo sida siyaasadaha loo sameeyo

Kala qeybsanaan maxkaxeed: in waxkastaaba lagu fiiriyaa laguna qiimeeyo indho qabyaaladeed, waxay hor istagaysaa in dhallinyarada ay u dhaqdhaqaaqaan arrimaha saameynta ku leh iyo in ay la xisaabtamaan masuuliyiinta dalka.

Doorashooyin dadban: in dib loogu noqdaa doorashadii dadbaneyd waxay caqabad weyn ku tahay dhallinyarada rabta in ay ka qeyb gasho siyaasadda. Sababo la xiriira saaxadda siyaasadeed oo ciriiriya awgeed, dhallinyaro badan waxay ku danbeeyaan in ay noqdaan u ololeeyayaal siyaasiyiin kale. Tanina malaha waa dariiqa keliya ee u furan maadaama ay siyaasaddu u xiran tahay dadka dhaqaale ahaan awooda, xiriirradooduna wanaasan yihiin. Haddii ay jiri lahayd doorashooyin dadweyne, dhallinyarada hammiga siyaasadeed leh waxay lahaan lahaayeen rajo sare ee ku guuleysiga kuraasta maadaama ay inta badan ka agdhow yihiin bulshada ayna la nool yihiin xaqiiqooyin dhulka ka jira.

Ganacsiyeynta siyaasadda: lacagaha aan xaddiga lahayn ee siyaasadda Soomaaliya dhex muquuranaya, waxay dhantaalaysaa dhallinyarada hammiga siyaasadeed leh maadaama aysan heli karin ilaha ay lacagahu ka yimaaddaan kuwaasoo lagu sheego in ay yihiin dalal dibadda ah. Ilaa iyo inta laga helayo isu-dheellitirnaan iyo loollan doorasho oo loo wada siman yahay, waxaa sii socon doona in dhallinyarada xuquuqdooda la duudsiiyo.

Rejada dhallinyarada ee ka qabgalka siyaasadda


Muuqaalka oo dhan ma wada xuma, dhallinyrada Soomaliyeed waxay haystaan fursado ay kusoo nooleyn karaan rejada ah in ay si weyn uga qeyb galaan siyaasadda.

Ugu horreyn, faafidda xogta iyo isgaarsiinta tiknoolejiyadda waxay muhiim u tahay dhallinyrada Soomaaliyeed iyagoo ka helaya fahamka aasaasiga ah ee sida ay dowlad u shaqeyso iyo in ay isbarbardhig sameeyaan. Tani waxay abuuraysaa in cadaadis lagu saaro dowladda si ay masuuliyaddeeda si qumman ugu gudato, una daboosho baahiyaha muwaadinka. Xogta oo aad u korortay sababo la xiriira tiknoolajiyadda waxay dhallinyarda u suurtagalisay inay ahaadaan kuwo xog-ogaal ah, dareen u leh waxyaabaha taabanaya, xakamaynaya ku takrifalka awoodeed kuwa haya talada, kuna qasbaan siyaasiyiinta in ay la yimaadaan waxqabad ku aaddan ballaqaadyadoodii.

Tan labaad, tirada dhallinyarada iska diwaangelineysa iskuullada iyo jaamacadaha waxay u kordhayaan si tartiib tartiib ah. Tani waxay dhiirrigelinaysaa ilbaxnimo iyo in la helo baraarug siyaasadeed waxayna dhallinyarada ka dhigaysaa awood isku xiran oo xuquuqdooda u dagaallanta. Markasta oo ay dhallinyaradu noqdaan kuwo leh aqoon siyaasadeed, isku xiran, firfircoonna waa markasta oo ay iska fogeeyaan aratida qabyaaladeed kuna beddeshaan mid guud.

Xalka

Si looga gudbo silsilado badan oo ay wajahayaan dhalinyarada, loona xaqiijiyo in dhallinyaradu metelaad helaan:

Dhallinyarada Soomaliyeed waa in ay mideeyaan cududdooda sameystaanna ururro xooggan oo si dhab ah u metela iyaga, oo aan ahayn mid dano gaar ah iyo kala qeybin qabyaaladeed kusii haya dhallinyarada ha joogaan heer federal ama heer dowlad-goboleed e. Ururradaan dhallinyaradu waa in ay noqdaan kuwo u ololeeya danaha dhallinyarad, cododkoodana ka dhigaan mid la maqlo. Ururrada noocyadan oo kale ah ayaa loo arkaa farsamooyinka ugu hobboon ee lagu cadaadiyo dowladda iyo siyaasiyiinta si ay u xalliyaan dhibaatooyinka ay wajahaya dhalllinyarada. Waxay sidoo kale noqon karaan goob laga helo, laga abaabulo laguna taageero ka qeybgal siyaasadda ee dhallinyarada.

Dhallinyarda Soomaaliyeed waxay leeyihiin awood wax-ku-ool ah oo ay wax ku beddeli karaan waa haddii ay aqoonsadaan awoooddooda baaxadda leh si wadajir ahna u hubiyaan in hay’adaha dowladdu ay yihiin kuwo daboolaya baahiyahooda kala duwan. Si ay taasi u dhacdo, waa in ay ka tagaan danaha khaaska ah iyo siyaasadda qabiileysan, abuuraanna dareen mideeya dhallinayarada wakhtigii la adeegsan jirayna uu dhammadey, ayna baraarugeen xog-ogaalna yihiin.

Dhallinyarado waa in a helaan hanti, aqoon siyaasadeed, xirfado iyo waayo-aragnimo inta aysan ku biirin siyaasadda. Tani waxay u oggolaaneysaa in ay ka hor yimaadaan dhaqanka siyaasadeed (iyo aragtida ah in durba laga taajiro siyaasadda) ayna u beddelaan siyaasadda aalad looga qaado saboolnimada iyo rejo la’aanta looguna sameeyo nolol wanaagsan qofkasta oo kamid ah bulshada.


Farxaan Isaaq Yuusuf waa cilmibaare katirsan Somali Public Agenda.
Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *